Koobis dhiganaha-Africa Constitutionalism and role of Islma ‘An-Na’im’ …W/Q: (Xasan Cabdi Shire)

(Q:1aad)
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

1. Araar (Bogga 4-31)

Nidaamka dastuuriga ah wuxuu si joogto ah u noqonayaa qaabka ugu wanaagsann ee dowladnimada Afrika ku waarayso. Laakiin sidee dastuurku u maareeyaa dhibaatooyinka soo jireenka ah ee gumaysiga? Oo sidee sharciga dastuurku ula macaamilaa mabaadi’da Islaamka ee gobolka? Hadaba, Dastuurka Afrika iyo Doorka Islaamka waxay rabaan ama loo baahnyahay inay ka jawaabaan su’aalahan. Maamulka dastuuriga ah ma noqonkaraa xalka kali ah ee lagu waaro?, mana jiri doono (sustainable), si fudud maa loo gaari karaa? Cabdulaahi Axmed An-Na’im ayaa ku doodaya su’aalahan kuna lafo-guray dhiganahann. Sidoo kale dib-u-dhac iyo dhibaatooyinka ayaa laga filayaa marka lagu dhaqaaqo laqabsashada dastuurkii dhaqanka bulshadaad lagu salleeyay iyo ka fogaanshiyaha sharci-darrada fikradda aasaasiga ah – tan qaran-iyo doorkeedii urur siyaasadeed iyo baaxad weynaha bulshada.

An-Naโ€™im wuxuu ka hadlayaa dhiganahan dhibaatooyinka hirgelinta qaab dastuuri ah ee dowladeed qaas u ah qaaradda Afrika, laga soo bilaabo qeexitaanka illaa arrimaha fikradda iyo wax qabadka. Doorka Islaamku ku leeyahay dadaalladan wuxuu u furan yahay loolan iyo isbadal, mana aha in loo quursado ama loo maleeyo inay qasab tahay in fikirkaas tabanyahay ama toganyahay laakiin waa duruuf asaasi ah, An-Na’im ayaa sheegaya, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday doorka wakaaladda muslimiinta howshan ku leedahay fidinteeda waa dhanka kala hubinta ku habboonaynta dastuurka waddanka ee qiyamka iyo dhaqamada bulshooyinkooda u gaarka ah. Isagoo oo tixraacaya guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen qaar ka mid ah waddamada Afrika e horumaray hadana An-Na’im wuxuu shaaca ka qaaday doorka ku habboon ee Islaamku ka ciyaari karo howshan. Ugu dambeyntiina, arrimahan isbabar ordaya ayaa goโ€™aamin doona sii jiritaanka muddada fog ee dimoqraadiyadda Afrik.

2. Cutubka 1aad- dastuurka Afrika;
(bogga 31-62)

Isagoo ka hadlaya “dastuurka Afrika ee” ma tilmaamayo in uu jiro nooc gaar ah oo dastuuri ah oo Afrikaan u gaar ah, mana soo jeedin in khibradda ama muuqaalka uu ka hadlayo ay run tahay ama ay quseyso qaaradda oo dhan. Gaar ahaan, qodobbada qibradihii hore ee gumeysi iyo gumeystaha in lagu muujiyo hoosta ama dhanka sare, waxase u culayska saaray fikradda “dib u soo celinta iyo mala-awaalka Afrika leh daawladd adag”, looma jeedin inay soo jeediyaan ama ay muujinayaan codsi guud oo fikradan ah isla Afrika oo dhan. Taa bedelkeed, tirooyinka “Afrikaanka” waxaa loo isticmaalaa in lagu tilmaamo duruufaha gobolka ka jira loona arko dadbadan oo hadana taban kana fog daawladnimada iyo dastuurka oo salka la saaro! iyada oo aan la yareyn kala duwanaanta ka dhex jirta, laakiin dhiganahan wuxuu qabaa in dhanka dastuurka isku muuqaal iyo isku fikrad ka noqdaan ama dhisaan dastuur ku kala duwann dhanka loogada, hordhaca iyo sheegashada laakiin dhanka mabaa’dida iskaga mid ah.

Dhiganahan waxa uu markasta ku celcelinaya in dhaqanka Afrika iyo doorka Islaamka markasta sal-u-noqdo nidaamka dastuurka Afrika sidoo kale isha laga qarsado soo dheegashada wadamo qaarada ka baxsann.

3. Cutubka 3aad; Qiimaynta korodhka Khibradaha(bogga 63-68)

Sidii horeyba loo cadeeyay, qaab qoto dheer iyo qaab kororka dastuurka ee Afrika ee lagu soo bandhigay buuggan micnaheedu ma aha in khibradaha wadan kasta aan la qiimeyn karin ama la horumarin karin waxase u aaminsanyahay in la qiimeeyo kadibna xogg-guud loo adeegsado (baseline), ama bulshadu inuu sugto in taasi ay kaligeed dhacdo, khibradahani wa inay kafogtahay qaadashada aragtida dilaaga ah ama aragtida guud ee geeddi-socodka Afrika ee muddooyinkan badankooda halligtay, ujeedka ayaa ah in la fahmo doorka jilayaasha kala duwan iyo xoogagga, isku darka qodobbada gudaha iyo dibedda iyo dhaqdhaqaaqyada qaabeeya horumarka maamulka dastuuriga ah ee goob kasta si loo sahamiyo xeelado laga baaraan-degay iyo kor u qaadida caadooyinka iyo xarumaha lagama maarmaanka u ah. Habka isku-tashiga Afrika oo dhannwaa inay ahaadaan kuwa lagu qiimeeyo hab-maamulka daawladnimada iyo horumarka daawladimo ee Afrika taasoo ka turjamaysa baahida gudaha iyo dareenka dhaqanku qabo, diimeed iyo durrufta asaasiga ah.

Markale cutubkani waxa uu xoojinayo in Afrika loo daayo gundhigga iyo lingaxa dastuurka wadamada Afrika mid-ku-dhisan khibradda,kartida, cimilada iyo dhaqanka ka dhexeeya Isla iyyaga. “Laga fogaado dheegashada”

La soco Q2aad…..

W/Q: Xasan Cabdi Shire

Bandhige@gmail.com