Koritaanka Garaadka Caruurta: Saamaynta Aragtida Jean Piaget ee “Cognitive Development” ay ku Yeelatay Waxbaridda iyo kobcinta garaadka Dhalaanka (WQ: Dr- Abdikarim D Hassan)

Hordhac:

Inkasta oo maqaalkan aan udub dhexaad uga dhigay middka midd ah Aragti-cilmiyeedka miisaanka leh ee

“Developmental Psychology”, hadana tafaasiisha iyo talloonka ay bixinaysaa waxay ku qotomaan dardaaranada casriga ah ee korinta caruunta

Jean Piaget (1896-1980) wuxuu ahaa aqoonyahan ku xeel dheer cilmiga Saykoolajiga (Psychologist) oo u dhashay dalka Switzerland. Waxa uu caan ku yahay Aragti-cilmiyeed uu ka hindisay koritaanka Garaadka caruuta (Cognitive Development of children). Aragti-cilmiyeedkani waxay eegaysaa habka garaadka caruurtu ula kobco da’dooda iyadoo odorostay in koritaanka Garaadka ilmuhu (child intelligent) in uu ka gudbo afar marxaladdood oo isku xiga.

Jean Piaget wuxuu ku koray dalkiisa Switzerland. Isaga oo aad u yar ayuu jacayl u qaaday cilmiga sayniska, gaar ahaan hab-dhaqanka xayawaanka. Waxa la sheegaa in isagoo kow iyo toban jir ah uu qoray maqaal aqooneed ka sheekaynaya nolosha shimbirka afka ingiriisiga lagu yidhaa “Albino Sparrow”. Xiisaha wayn ee uu xayawaanka u qabay waxay keentay in sanadkii 1918 shahaadada Ph.D ka qaato jaamacada University of Neuchâtel isagoo ku qaatay cilmiga barashada xayawaanka ee Zoology.

Aragti-aqoonneedka (scientific theory) uu curiyay Jean Piaget ee ku saabsan koritaanka garaadka caruurtu wuxuu saamayn wayn ku yeeshay labadda farac-aqoonneed ee Psychology-ga iyo Education-ka. Waxayna gun-dhig u noqotay unkammida laan ka midd ah laamaha waawayn ee cilmiga Psychology-ga oo la yidhaa Developmental Psychology. Qiimayn la sameeyay sanadkii 2002 oo lagu faafisay American Psychological association ayaa lagu sheegay in Jean Piaget uu ahaa shakhsiga labaad ee ugu raadaynta waynaa culimada saykoolaji-ga ee qarniga labaatannaad.

Aragti-aqoonneedkan iyo laanta saykoolaji-ga ee aynu soo tilmaanayba waxay fikrad inaga siinayaan habka maanta ubadkeena wax loo baro, iyo sida garaadkoodu ula jaan-qaado heerarka kala sareeya ee waxbarashada. Sida aynu u barbaarino. Waxa dhacda in ilmahaaga aad u geyso dhakhtar ama xarunta hooyada iyo dhallaanka (MCH), ka dibna la qiimeeyo, la miisaamo, su’aalo lagaa waydiiyo duruuftiisa, ka dibna lagu yidhaa “ ilmaha koritaankiisu waa caadi” si fiican ayuu u socdaa. Hadaba ma is waydiisay su’aasha ah “ maxaa looga jeedaa waa caadi”.. dhakhtarkuse muxuu tix-raacayaa? Wuxuu ku gartay in ilmahani si sax ah u koraayo, gaar ahaan maskaxdiisu?.

Si aynu waydiimahaa jawaabo ugu helno aynu kusoo laabano Jean piaget iyo Aragti-aqoonneedkiisa.

Jean Piaget xiisaha uu u qaaday dersidda garaadka caruurta waxa uu bilaabmay muddo sannad ah oo uu ka shaqeeyay dugsi innamada wax lagu baro. Dugisga oo uu aasaasay Alfred Binet oo ahaa ninka curiyay halbeega IQ-ga loo yaqaan ee lagu qiimeeyo garaadka qofka. Jean Piaget waxa uu guursaday gabadh la odhan jiray Valentine Châtenay sanadkii 1923. Saddex caruur ah oo xaaskaasi u dhashay ayuu kubilaabay in uu kusameeyo dhugasho-cilmiyeed (scientific observation).

Jean Piaget waxa cilmi-baadhistiisii uga soo baxday  in “Caruurtu u fikirto si aad uga duwan sida dadka waawayni u fikiraan”  waxa laga yaabaa in weedhani ula muuqato akhriste yaal badan wax fudud oo ay iskula faqaan “ in caruurtu dadka waawayn ka fikir duwantahay waa la ogyahaye ninku muxuu soo kordhiyay”. Xaqiiqadu waxay tahay xiligaas Mr Piaget daraasaddiisa waday aragtida caruurta laga aaminsanaa waxay ahayd mid hada kuula muuqan karta waali.

Waxa la aaminsanaa in caruurtu aanay fikirin oo xataa anay ruux lahayn, waxaana caan ahayd weedha tidhaa “children must be seen not heard”. Sidaa darteed in cilmi-baadhahani ku doodo caruurbaa fikirta oo waliba waxay leeyihiin hab-fikir iyo taxliilin iyaga u gaar ah, waxay ahayd ku dhac wayn.

Xiligan aynu joogno aqoon-yahannada saykoolajiga koritaanka caruurtu waxay isku waafaqsan yihiin in wax barashada ilmuhu bilaabanto inta aanu uurka hooyada kasoo bixin. Waxa ilmuhu aduunka yimaadaa isagoo mar horeba billaabay aqoon urursi iyo sahaminta deegaankiisa.

Jean piaget oo isagu ka midd ah raga calanka u sida culimada saykoolajiga koritaanka (developmental psychology theorists) ayaa isagu waxa uu hindisay aragti odhanaysa in koritaanka garaadka ilmuhu maro afar marxalladood oo isku xigta, laga bilaabo maalinta uu dhasho ilaa da’diisu cagacagaynayso labaatanka.

Jean piaget afartaa marxalladood ee koritaanka garaadka ilmahu maro midd walba waxa uu u asteeyay da go’an. waxa kale oo uu faahfaahiyay noocyada awoodaha maskaxeed ee ilmuhu kasbado muddada uu ku jiro da kasta.

Qaybaha danbe ee maqaalka waxaan kaga hadli doonaa marxallad kasta, da’deeda, xirfadaha garaad iyo gorfayneed ee ilmuhu korodhsado, iyo hababka koritaanka ilmaha loo badhitaari karo, gaar ahaan koritaankiiisa maskaxeed.

Fadlan Lasoco qaybaha danbe ee maqaalka siina faafi..