Kornayl Muuse oo aqbalay booli qaran oo ah 50,000 oo doolar oo laga dhacay Dawladdaha Hoose ee Hargeysa iyo Berbera (WQ: Drs. Hoodo Yuusuf)

Maayar Solteco iyo Maayar Ciddin ayaa  qirtay  in ay ololoha doorashada  Kornayl Muuse  Biixi ku taageereen lacag dhan $ 50,000 , Solteco $ 30,000, Ciddin  $ 20,000.  Waxa labadaas nin  kasii liita   ninka aqablays Booligaa ee jeebka ku shubtay.

Waa caadadii ee ceebtii maaha. Hore  ayuu u boobay dhul iyo beero ay dad jilicsani lahaayeen.  Quruumaha ilbaxa  “civilised societies” waa ka mamnuuc ah in uu Masuul xil qaran haya  bixiyo deeq  lacagaeed “political contribution“ ka badan $ 30 Soddonka doolar, waana in uu ku muujiya xeraynta dakhliga “ Income tax” si loo ogaado halka ay  lacagtu kasoo gashay.

Waxa intaaba kasii diiran, kamuu hadal  Eng Mohamed Xaashi Cilmi oo had iyo jeer musuq-maasuq iyo tuugo ku eedeeya dadka xilalka haya ee  ka baxsan xayndaabka xaafadiisa sida Madaxwayne SiilaanyoMadaxwayne Riyaale , Amb  Cawil iyo qaar kale oo badan.

Haddaba, danyarta  Somaliland  waxay maanta arkaan in ninka ka xishoon waayay  $ 50,000  oo laga soo xaday qasnadaha Dawladdaha Hoose, in haddii uu Madaxwayne noqdo, xalaashan doono hantida ummadda ee ku dhacda qasnadda Dawladda dhexe “Central Government” . AHN, wuxuu yidhi Xaaji Aadan Afqalooc :

Tallaabada mid Gaalkii shabbaha tegey malliibaane,
Adiga oo waxuun tabanayoo tegey halkuu joogo,
Markuu sida libaax raqi u taal qoorta kor u taago,
Oo uu Tayga luquntiisa sudhan taabto faraqiisa,
Oo inaad Addoonkiisa tahay taasna la ahaatay,
Oo aan dadkana wax u tarayn callanna tageerin,
Oo inuu adduun badan tabcado taa qudha u jeeda ,

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye,

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego.

Qalinka Drs Hoodo Yusuf, London, UK.