Kulankii Prof. Gees iyo Kalmaddiisii Muhiimadda Waxbarashada (WQ: Xuseen Bidhaani Cabdi)

1960kii markii Soomaalilaan iyo Soomaaliya midoobeen, Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maaliyadda waxa la wareegay oo loo dhiibay dad reer Soomaalilaan ah. Ragga madaxda ka noqday waa ay badnaayeen, waxa se aan ka xusuustaa: Maxamuud Axmed Cali, Prof. Ebyan, Gahayr, Saleebaan Maxamuud Aadan. Laakiin qolada Koonfurtu waa ay ina khiyaamaysay oo taas beddalkeeda waxa ay qaateen ciidamada Booliska iyo Militariga. Taasi waa sababta aynnu dhaqaale ahaan fuqarada u noqonnay, illeen qorigoodii ayaa inqilaabay qalinkeennii e.

Dalka Soomaalilaan halka keli ah ee uu horumar ku gaadhi karaa waa Waxbarashada. 2010kii, markii la doortay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo la doortay, waxa aan ka mid noqday guddidii uu madaxweynuhu u magacaabay ka talabixinta dhismaha xukuumaddiisa. Waqtigaas waxa aan madax ka ahaa Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta. Guddidaa waxa guddoomiye u ahaa madaxweynaha iminka, Md. Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye-xigeenna waxa ka ahayd Dr. Edna Aadan.

Maalintaa markii aannu shirnay waxa aan soo jeediyay fikir ahaa in wasaarado badan loo beddalo kulliyado waxbarasho. Tusaale ahaan, waxa aan ku taliyay in: Wasaaradda xannaanada xoolaha laga dhigo Kulliyadda xannaanada xoolaha; Wasaaradda Deegaanka, dhirta iyo daaqa laga dhigo Kulliyadda dhirta iyo daaqa; Wasaaradda beerahana laga dhigo Kulliyadda beeraha; Wasaaradda kalluumaysigana laga dhigo Kulliyadda kalluumaysiga, iqk. Maalintaa saaxiibbadaydii guddida aannu ku wada jirnay aad uguma guuxin fikirkayga oo waxa ay u qaateen kaftan, laakiin kaftan igama ahayn ee ilaa iminka ayaa aan aaminsanahay.

Waayo, maanta waxa jira wasaarado aan u bixiyay calaa-faashuush oo wax alla iyo wax ay qaranka u qabtaan aanu jirin, kuwaas oo ay tahay in la baabiโ€™iyo. Wasaaradaha muhiimka ah waxa ka mid ah kuwa: arrimaha bulshada, maaliyadda iyo dhaqaalaha. Intaa waxa soo raaca hayโ€™adaha garsoorka iyo ciidamada.

John Drystal oo lataliye (consultant) u ahaa Wasaaradda qorshayta ayaa iiga sheekeeyay mar uu 1960kii tagay dalka Singapore. Wax uu ii sheegay in uu dalkaasi xilligaa ahaa dal aad u faqiir ah oo xitaa aan lahayn suuliyo. Drystal waxa uu intaa ii raaciyay in ay ku saxaroon jireen baaldiyo. Maanta, waa aynnu ognahay horumarka uu dalkaasi gaadhay iyo halka uu marayo. Dalkaasi waxa uu helay hoggaamiye fiican โ€“ nin bartay aqoonta sharciga oo waliba ardaynimadiisii derajada โ€˜Aโ€™ ku gudbay. Dalka Singapore waxa uu ku dhaqay siyaasad ku dhisan in dadka lagu xusho sida ay aqoontoodu u kala fiican tahay (meritcrocy). Sidaas ayay Singapore ku gaadhay horumarka baaxaddaa leh. Innagana dalkeenu waa uu isbeddali karaa haddii la helo hoggaamiye aragti sare iyo halabuur leh.

Cahdigii Kacaanka, 1974kii oo keli ah ayay miisaanayadda Wasaaradda Waxbarashadu gaadhay halkii ugu sarraysay ee ay abidkeed gaadho oo ay noqotay 13%. Xilligii ay burburaysay dawladdu miisaaniyadda Wasaaradda waxbarashadu waxa ay maraysay 3%, halka ay Wasaaradda arrimaha dibadda oo uu haystay Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo ay Maxamed Siyaad ilmaadeer ahaayeen la miisaaniyad ahayd 12 wasaaradood. Haโ€™yadihii khawaajaha ee waxbarashada taageeri jiray sida, World Bank iyo UNESCO waa ay joojiyeen dhaqaalihii ay waxbarashada Soomaaliya ku bixin jireen, waxaanay ku sababeeyeen; waxbarashada carruurtiinnu idiin kuma jirto arrimaha mudnaanta ah (proirity).

FG: Qoraalkani maaha DHARAARO XUSUUSTOOD, laakiin waa qayb ka mid ah mudaakiro uu noo galay maalintaas aanu kulanay.