Shirkii Golaha dhexe Kulmiye ee Borama iyo Shirkii Golaha dhexe kulmiye ee Hargeisa ee Cabdiraxmaan Cabdiqadir lagu dhaawacay waxyaabaha ay wadaagaan iyo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin;
Horta inta aanan guda galin qoraalkayga waxa aan doonayaa in aan idiin bayaamiyo hogaamiyihii iyo xisbigii aan ugu hanka weynaa Somaliland ee aan jeclaa in aan salaanka siyaasada ka fuulo.
Xisbigii aan ugu jeclaa waxa uu ahaa Xisbiga Kulmiye , hogaamiyihii aan hiigsan jirayna waxa uu ahaa hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee aan gadaal ka ogaanay in uu daaley Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo.
Waxa aan ka mid ahaa dadka sida dhow ula socda siyaasada dalka jamhuuriyada Somaliland, ee waliba isbadel doonka ah oo jeclaa in marba kursiga cidii hanan karta ee ku haboon la saaro, si aynu u garan karno isbadelka iyo faaiidooyinkiisa, iyo ka shaqeysiinta nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka.
Waxa aan ka qayb galay shirkii xisbiga Kulmiye ee dhacay markii uu Madaxwayne Siilaanyo dalka mudo sanad iyo bilo ah Madaxweynaha ka ahaa kaasi oo lagu buuxinayey meelo hogaanka xisbiga kulmiye ka banaanaa laguna qabyo tiriyey golaha dhexe oo wax ka banaanaadeen isagana.
Shirkani waxa uu ku bilaabmay jawi qurux badan iyo hogaamiye in badan lala jeclaa talada dalka oo majaraha qaranka haya , maalinta koowaad ee shirka waxa aanu kaga qayb galnay kaadhadh dadka lagu soo casuumayey.
Laakiin maalmaha dambe xisbiga kulmiye ayaa hawlihiisa u gaarka ah qabsanayey oo xubnaha xisbiga u diwaan gashan ayuun baa shirka joogayey iyo kuwa golaha dhexe ee xisbiga.
Shirkaasi waxa gudoominayey gudoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee wakhtigaa jamac shabeel, waxa isaguna goob joog ahaa gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga lagu wareejiyey oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii koowaad waa Muuse Biixi Cabdi.
Shirka waxa furay Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ee wakhtigaa Mudane Ahmed Siilaanyo oo ka sheekeeyay mudada yar ee uu talada dalka hayey waxii u qabsoomay oo uu dhinacyo badan ka soo qaatay oo wada wanaag iyo horumar ahaa wakhtigaa.
Waxa muuqatay is hayn badan oo xisbiga gudihiisa ah iyo kala afkaar duwanaansho , iyo in dad badan oo xisbiga la soo halgamay ay qawadsan yihiin sida wax loo wado iyo sida xaalku yahay wakhtigaa.
Dadkaasi waxa ka mid ahaa Gudoomiye kuxigeenkii labaad ee Xisbiga kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo isagu warbaahinta hore uga hadlay aadna u dhaliilay hogaaminta Siilaanyo , maalintaa shirku furmayeyna aan goob joog aheyn oo sida aanu dib ka ogaanay aanu Madaxwaynuhu jeclayn in ay isugu yimaadaan shirka .
Gebogebadii shirka ayaa waxa cod loo qaadey in gudoomiye ku xigeen Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka fikir duwaanaday xisbiga laga saaro xisbiga kulmiye ee uu xoog iyo xoolo iyo u tol waayeyba maadaama ay 90% beeshiisu aanay taageero u hayn xisbiga kulmiye, noqdayna tuke baalcad.
Maalintaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo goob joog ahaa wuu kacay waxa uu yidhi xaq baan u leeyahay in aan is difaaco , waar miyaan xisbigu dimuqaraadi ahayn , waar miyaan waxba la isweydiinayn , waxa loo diiday makarafoonkii shirkiina xoog baa dibada loogaga saaray , isaga oo waliba waxyeelo dhabarka ka soo gaadhay.
Waxa ay ahayd maalintii niyad jabkii ugu weynaa iyo u hanweynaantii xisbiga kulmiye igaga dhacday , waxa aanu maalin si kadis ah ugu kulanay xafiiska wasiirka maaliyada hortiisa oo ahaa Samaale gudomiyihii shirkaa Jamac Shabeel anaga oo wada soconay xoghayihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee geeriyooday Maxamed Rashiid AHN, waxa aan jamac ku idhi wax wanaagsan maydaan sameyn , maxaad makarifoonka ugu dhiibi wayday Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.
Jaamac shabeel si gaaban ayuu iigu jawaabay waxa uu yidhi ; dee wuu caytami lahaa , waxa aan ku idhi hadii uu caytamo oo uu hadlo xitaa maxaa dhib ee jiray? Miyaanay sidani ka sii foolxumeyn?
Markii aanu intaa isweydaarsanay ayaa xafiiskii la furay oo aanu kala dhaqaaqnay.
Waxa markii labaad ee aan Xisbiga kulmiye la yaabo dhacdooyinkiisa ay noqotay markii uu Muuse Biixi Cabdi yidhi waan sharaxanahay oo waxa aan u taaganahay murashax Madaxwayne isaga oo markaa ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye.
Waan xasuustaa markii la wareysanayey oo waxa la yidhi hadii madaxweynuhu sharaxan yahay ka waran? Waxa uu ku jawaabay dee waanu tartami oo waa dimuqaradiyad.
Waxa lagu qaaday dagaal culus oo rabshado abuuray oo uu keenay hankiisaa uu xaqa u leeyahay ee uu sheegay , iyada oo wakhtigaa inyar ka hor laga soo baxay khilaaf shirweynaha xisbiga ah oo in mudo ah la isku haystay .
Waxa markii sadexaad ee aan la yaabay ay noqotay markii hadana murashaxii Xisbiga kulmiye loo cumaamaday Muuse Biixi Cabdi ee kaligii loo xafladeeyay isaga oo xisbiga laba u kala fadhiyo , sidiina uu ku noqday murashaxii Madaxweynaha ee xisbiga kulmiye .
Dadkayagii dimuqaradiyada iyo nidaamka axsaabtu in uu shaqeeyo jeclaa badhna waxa aanu u yaacnay oo taageernay xisbiga WADDANI iyada oo la kala aragti duwan yahay laakiin laga midaysan yahay in dimuqaradiyadu iyo hanaanka axsaabta siyaasadu shaqeeyo oo aanay qofaf yeelan , xisbiga WADDANI na uu yahay kii ugu da’da yaraa ee la is lahaa waala toos toosin karayaa ayuu ahaa.
Laakiin markii doorashadii dhacday laftiisu waxa uu hayaa uun wadadii xisbigii Kulmiye iyo kuwii kale ee ka horeeyay, badhkii kale ee dadka aad u daneeya siyaasada ee waliba jecel in nidaam hufani shaqeeyo, waxa ay noqdeen shaqsiyaad iyo siyaasi Kali Kali u taagan oo ilaa maanta yaaban, inyar na kulmiye ayey wali rajo ka naawilayaan !
Haddaba hadii aan ku soo noqdo mawduucii, shirarka Golaha dhexe ee Borama iyo Hargeisa waxyaabihii ay wadaagayeen iyo waxii ay ku kala duwanaayeen waa kuwan sida aragtidayda ah :
Waxa ay wadaagayeen;
1- Madaxweynaha oo sanad bilo xilka hayey.
2- ka saaristii xubnihii ka aragtida duwanaaday hogaanka xisbiga ama Madaxweynaha .
3- Buuxinta jagooyinka xubnaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee banaanaaday … iwm.
4- waxa hogaaminayey dalka wakhtiga shirarkani socdaan laba mujahid oo in badan duurka ugu soo jiray xoraynta dalka.
Waxa ay ku kala duwanaayeen;
1- Wakhtigaa hore waxa jiray gudoomiye ku meelgaadh ah oo xisbiga lagu wareejiyey.
2- Shirkaa hore waxa uu ahaa shir saameyntiisa siyaasadeed iyo qabsoomidiisa aad looga dareemayey dalka .
3- Shirkaasi hore waxa uu madaxweynihii iyo xukuumadii xiligaasi ku soo bandhigtay waxqabad badan oo ku muuqday mudo gaaban … iwm.
Haddaba waxa isweydiin leh hadiiba Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi maanta la yidhaahdo xisbiga kulmiye gudoomiyenimadiisa wareeji ma wareejinayaa?
Hadii dadka hanka leh ee xisbiga kulmiye ku jiraa cadeeyaan damacooga siyaasadeed iyo in ay kula tartamaan gudoomiyenimada iyo murashaxnimada ma aqbalayaa?
Ma waxa uu qaadi doonaa wado xisbigaasina mustaqbal ku yeesho oo boodhka dib looga tumo dimuqaradiyada mise isaga ayaaba madaxweynuhu noqon doona kii luxudka dhigayey Kulmiye?
Su’aalahan iyo qaar kale oo badani waa kuwo aynu jawaabahooga aynu arki doono wakhtiyada soo socda.
Muhamed Dhimbiil