Kulankii Shalay Ee Masuuliyiinta Sompwer iyo Wakiilladii Shacabka: Qodobaddii Doodda Ee Adkaa!
Abbaaro 11:20 ee shalay ayaannu gaadhnay xafiiska guud ee Shirkadda Sompower, waxaanan ahayn afar qof oo ka mid ahaa dadkii gudbinayay tabashada laga qabo Sompower, kuwaas oo kala ahaa
Garyaqaan Ayaanle Xaliye
Nageeye Maxamed Xuseen
Siciid Maxamuud Gahayr iyo
Aamina Cabdillaahi Faarax ( Qalin Maal)
Ballan ayaanu annaga oo illaa 9 qof ah la lahayn Maareeyaha Guud ee Sompower iyo Hadba cidda kulanka ku wehelisa, nasiib-darro wax aan imannin shan qof oo ka mid ahaa bahdii aanu rabnay inay dhanka dadweynaha ka socdaan. Kaftan, lab-xaadhnaan, bariido iyo is-barasho kaddib waxa aan bilawnay hadalkii. Tabashada shacabka ayaanu gudbinnay. Waxa aanu wakhti saacad iyo dheeraad ah dood la galnay Cabdillaahi Maxamuud Ibraahin (Beershiya) Maareeyaha Guud ee Sompower iyo Xuseen Xariir Raage Xoghayaha Guddida Sare (BOD) ee Shirkadda.
Waxa ay nagu soo dhaweeyeen qalbi furan, waxa ayna siteen qalinno iyo buugaag ay ku qortaan sulaaha darandoorriga ah ee aanu wadno. Weyddiimaha aanu u bandhignay waxa ka mid ahaa:
1. Maxaa qiimaha korontada loo jebin waayay, maaddaama oo shidaalkina jabay?
2. Maxaad u xidhan shaqaalaha shirkadaha kale?
3. Maxaa keenay inaad ugu yaraan $10 qaaddaan?
4. Maxaad saacadaha u kala doorataan?
5. Xidhiidh noocee ah ayaa Wasaaradda Tamarta idinka dhexeeya?
6. Maxaad u maqli weydeen tabashada shacabka?
7. Ma maamulka shirkadda mise saamileyda ayaa fulin karta goaanka u dambeeya?
8. Maxaad kaga jawaabaysaan cabashada shacabka ee cirka isku shareertay?
9. Waxa aad ku jirtaan kaalin ay ahayd in dawladdu dadkeeda u buuxiso, ma in idinka oo shacab ah iyo shacabku isku muruxsadaan baad rabtaan?
Iyaga oo hadalka isaga daba-maray, waxa ay na siiyeen warbixin dulucdeedu ahayd sidan:
Tamarta Cadceedda ee laga dhaliyo korontadu waxa ay soo saartaa 20% laydhka Hargeysa. Waxa maalintiii xitaa ka barbar shidan mishiinno, boqollaal foosto oo shidaal aan iibsanno ah baan isticmaalnaa maalintii. Lama woo degno baatroolka. Walaw uu qiimaha baatroolku jabay intii Koronofayraska, waa mid baaxaa-degaya oo laga yaabo in uu halkiisii ku noqdo. Tijaabadii kowaad ayay ahayd Mashruuca Bacado, waxaana malaayiin doollar ku bixiyay saamileyda, mana jiro $1 ka soo gaadhay maalgelinta dunida iyo dawladaha caalamka.
Waxa aanu rabnay inay sannadkan mar kale saamileydu ka shirto sidii loo maalgelin lahaa ballaadhinta korontada laga dhaliyo ilayska cadceedda, waxaase naga soo dhex galay Koronofayras. Weli qorshahaasi waa jiraa oo maamulka shirkadda iyo saamileyda ayaa ka wada fadhiisanaya inta sannadkan ka dhiman, hawshana waa la gelayaa. Waxa sannadka ka hadhay ba waa dhawr iyo toban toddobaad ama 4 bilood iyo 14 habeen. In uu mashruucaasi sannadka dambe hirgalana waanu ku rejo weynnahay insha Allah.
Markaas in qiimuhu uu noqdo 0.25 ama sanaati ayaa macquul ah. Sompower waxa ay korontada ka soo dejisay $1, maantana 0.63 ayuu marayaa. 37% ayaanu hoos u dhignay, waxaanan filaynnaa in uu hoos uga sii dego. Batroolkaas ayaa sabab u ah qiimaha sare, haddii xitaa uu shirkadaha kale iskaga bixinayo wax ka yar 0.63 waa ay yeeli lahaayeen, laakiin waxa aanu ka simannahay in aanu adeegsanno shidaal dalkeenna ku soo gaadha sicirka ugu sarreeya.
Annagu waxa aanu u shaqaynnaa shacabka, haddii ay naga cawdaan waanu dhegaysannnaa, waa in aanu tabashada maqalno. Saamaynta warbaahinta xorta ah iyo baraha bulshada waanu ognahay, waxaanan oggol nahay in fool-ka-fool loo kulmo, la isu weyddiiyo wixii jira, lagana wada tashado. Maadaama oo ay shirkadda leeyihiin dad shacab ah oo ganacsato ah, dadka cabanayaana ay shacab yihiin waa in la soo dhaweeyo oo dareenka dadka la tixgeliyo.
Maamulka shirkaddu waxa uu qaabeeyaa, agaasimaa, qorsheeyaa, dejiyaa oo saamileyda u gudbiyaa tallaabooyinka shirkaddu qaadayso, marka ay isku af-gartaan ayaa la meelmariyaa. Markaas soo-jeedin dadka waannu gaadhsiinnaynaa saamileyda iyo guddida sare ee shirkadda idanka Alle.
Albaabkayagu idiin furan yahay idinka oo shacabka ka socda iyo cid walba. Inta yoolka aynu wada leennahay uu fulayana waxa aanu diyaar u nahay inaan isu qancinno si aan xagasho lahayn, oo xurmo leh oo xuquuq-dhawr leh. Waxa aanu u taagannahay oo aanu 24 saacadood ka shaqaynnaa adeegga macaamiisha iyo xalka wixii hadba xaalad jira.
Qiimaha ugu yar ah ee ah $10 waxa aannu dib u eegi marka qiimaha korontada la jebiyo. Mar kasta oo hoos loo dhigo sicirka, waxa la helayaa macaamiil badan. Shirkadaha kale waa jiraan kuwo ah ugu yaraan $12 iyo kuwo ah $8 ugu yaraan, labada dhinac ayay naga xigaan.
Maamul ahaan ma aannu amrin in saacad gaar ah guryaha lagu xidho, waxaase jira kuwo loogu talogalay inay cabbiraan koronto badan oo ka soo baxaysa dab-dhaliye, guryahana aan ku habboonayn. Marka ay dhaqaaqi waayaan ayaa aqallada lagu wargeliyaa inay iska beddelaan.
Maamulka dawliga ah ayaa u xilsaaran kala-xadaynta iyo maamulka ganacsiga, waxa jira goobo la xidho shaqaalaha Sompower haddii ay xadhig jiidaan, saldhigyadana waxa yaalla sallaanno shirkaddu leedahay. Walaw Wasiirku mar ahaa madaxda Sompower, hadda xidhiidh gaar ah lama laha shirkadda.
Ma aamminsanin in kooto noogu xidhan tahay korontada, waxa aanu qabsannay suuqa korontada oo waxa ku midoobay in ku dhaw 38 shirkadood oo shidi jiray caasimadda. Suuqii qof qofka iyo xaafadaha u kala xidhnaa ayaa ku midaysan Sompower. Shirkadaha kalena waxa ay korontada bilaabeen iyada oo aanu suuqa intiisa badan haysanno, qaar suuq wanaagsan haystaana waa jiraan.
Warbixinta madaxda Sompower na siiyeen waxa ka mid ahaa in ay jiraan caqabado, khasaare iyo dhibaatooyin soo gaadha shirkad ahaan oo carqalad ku ah horusocodka ganacsiga, waxaana nuxurka hadalkodu noqonayaa:
Khasaareyaasha aanu wajahno waxa ka mid ah:
1. In xadhkaha duugga ah, ka kala yimi shirkadaha badan, kala nooca ah ee magaalada ku filiqsani ay lumiyaan 55% korontada aanu soo saarno
2. Lama oggola in aanu koronto-gudbiye (transformer) geynno meelaha qaarkood, waxaana laga cabanayaa awoodda nalka oo daciiftay
3. Waxa laga yaabaa in nalka laga xado goobaha aanu bilaashka ku siinno, taas oo aanu ogaannay in aanay dadka qaarkood xaaraan u aqoonnin adeegsiga tamarta.
4. Waxa nalagu xukumaa magta dad waxyeello ka gaadhay korontada iyaga oo sifo leexsan u weecsanaya xadhkaha, waanan bixinnaa wixii xukun nala saaro
Dhan kale haddii aanu eegno, waxa ay cabbaar dul istaageen Faaiidooyinka Sompower ay ku qabaan bulshada Hargeysa ee kala geddisani, waxaana nuxurkooda ama mucdoodu ahayd sidan:
1. Waxa aanu suurtagelinnay korontada ay ku shaqeeyaan dhakhtarrada, xarumaha dukaamaysiga, suuqa, ganacsiga iyo guud ahaan bulshadu oo aan la xammili karin in uu saacado maqnaado
2. Bilicda Hargeysa qayb ayaannu ka nahay, marka la leeyahay “daawo quruxda caasimadda” ee habeenkii sawirrada la qaadayo, haddii aanay daarin Sompower, magaaladu iftiin ma lahaateen
3. Shirkadda waxa saami ku leh boqollaal qof oo muwaaddiniin ah, waana ta ugu badan ee ummadda ka dhexaysa sida aan filaynno
4. In ku dhaw 900 qof oo isugu jira madax, madax-qaybeed, shaqaale, farsama-yaqaanno iyo dirawaliin ayaa u shaqaysa, mid kastaana qoys ka koobnaan kara 5-10 qof ayuu masuul ka yahay. Markaas waxa ay kaabtaa nolosha illaa 10,000 qof.
5. Walaw ay sadaqadu ku qurxoon tahaay qarinta; danta guud waa aannu ka qayb-qaadannaa, xilligii Koronofayras waxa aanu ku darnay qaadhaan ah $50,000. Waddooyin ka socday Axmed-Dhagax (Siinay) iyo Koodbuur (Xera-awr) waanu ka geysannay kaalin.
6. Waxa jira dad aanu korontada ugu xidhno bilaash, 03, 0.4 ama 0.5 oo dhaqaale ahaan jilicsan, waxaa se shacabku nagula xisaabtamayaa intaas la ogyahay ee ah 0.63
Ugu dambayntii waxa aanu ku kala tagnay in la kala warhelo, xidhiidhka iyo wada-hadalkuna socdo, la isuna kaashado sidii yoolkaas loo hirgelin lahaa, iyaguna ay Sompwer ahaan xil iska saaraan sidii koronto jaban ummadda looga iibin lahaa.
Dhankii wakiillada shacabka ahaan, waxa aanu is-tusnay:
1. In wixii ku saabsan kootada ganacsiga, suuqa u muuqda mid xidhan, lidna ku ah ganacsiga xorta ah lagala xisaabtamo Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland
2. In la sii wado kulannada lala leeyahay Sompwer oo la arko Guddida Sare ee Shirkadda (Board of directors) iyo saamileyda (share holders) haddii Alle idmo
3. In la xaqiijiyo sida ugu dhaw iyo wakhtiga ugu macquulsan ee lagu heli karo koronto jaban
4. In aanu shacabka ku celinno wixii aanu wada-hadal iyo xidhiidh samaynnay si ay uga talobixiyaan