Kuma ayaa Waddani ahaa? Ma Mingistu mise Siyaad Barre? (WQ: Maxamed Sharma’arke)

Markii jabhaddii TPLF ay soo gashay Addis Ababa 1991-kii, Mingistu oo ahaa kalitaliyihii Itoobiya ka talinayey waxa uu kala doortay isaga oo kursiga ku sii dhegganaada oo ay Itoobiya burburto, iyo isaga oo kursiga ka tega oo ay Itoobiya bedbaaddo, waxa uu doortay ta dambe oo ah inuu Itoobiya bedbaadiyo, kursigana ka tago isaga oo magangelyo siyaasadeed ku tegay dalka Nayjeeriya.

Kolkii  labadii jabhadood ee SNM iyo USC ay qabsadeen gobolladii Soomaaliya badankooda ee ay caasimaddu oo kali ahi ku hadhsanaynd gacantii Siyaad Barre, ayaa 90 oday oo ahaa odayaashii wakhtigaas ugu mudnaa dalku ay Siyaad Barre u qoreen warqad ku caan baxday Maanifeesto. Kol haddii caqliga Afweyne keeni waayey inuu kursiga banneeyo si uu dalku u bedbaado, warqaddan waxa ay odayaashu talo ahaan ugu sheegen inuu xukunka iskaga tago si uu dalku u bedbaado. Garashada Siyaad Barre waxa ay keentay inuu odayaashaas ku eedeeyo inay xukunka doonaayaan isaga oo iska indhatiray xaqiiqada odayaasha tiradaas iyo miisaankaas leh soo kicisay ee ahayd halista uu dalku ku jiray. Waxa ay ahayd fursaddii u dambaysay ee burbur lagaga bedbaadin karayey Soomaaliya. Siyaad Barre, fagaare ayaa uu ka yidhi Soomaaliyeey kuwii dawladihii musuqa haystay ayaa mar kale xukun doonaya (Waxa uu u jeeday Aadan Cabdille Cismaan iyo Ina Cigaal oo odayaashaas ka mid ahaa). Waa gartii inuu moodayo in taariikhdu marayso 1969-kii dharaartii la soo dhawaynayey waayo weligiiba kuwii ka ag dhawaa run uma ay sheegin. Garashadiisu ma keenin inuu dalka bedbaadiyo, taladii lagu bedbaadin lahaana ma uu yeelan caqli uu ku aqbalo!

Mingistu isaga ayaa caqligiisa ku kala doortay Itoobiya oo burburta iyo isaga oo xukunka ka tega, waxa uu doortay inuu isagu xukunka ka tego, waxaana uu go’aankaasi Itoobiya ka bedbaadiyey hoog kasta oo ka dhalan lahaa burburka Itoobiya. Halka Siyaad Barre Soomaaliya oo burburta iyo isaga oo xukunka ka tega, uu doortay inay Soomaaliya burburto! Waxa aad garan kartaa labada kalitalis ka uu ficilkiisu rumeeyey waddaniyaddiisa.

Kolkii Siyaad Barre madaxtooyada loogu daatay ee suuqa Muqdisho la dhex eryaday isaga iyo dhufaannadiisiiba, sidaas kuma tegin ee waxa uu qayladhaan kula dhex dhacay qayb shacabka ka mid ahayd oo uu malaha tolnimo ku beerlaxawsaday, kadib odaygii wuu soo jabhadeeyey! Muddo 21 sannadood ah oo uu xukunka haystay kuma ay filnaan ee waxa uu caqligiisu siiyey inuu mar kale xukunka u soo millikhsado. Ma uu ahayn nin wax isku falaya, waxa se u quus gooyey Jeneraal Caydiid iyo jabhaddiisii kolkii odayga illaa Kiiniya la eryaday, ee haddana uu Kiiniya isku aamini waayey ee uu Nayjeeriya u baxsaday isaga oo ugu dambayntii musqul ku dhex dhintay. Xasuuso dhawaan Mucammar Alqaddaafina bullaacad ayaa laga soo saaray! Laba nin oo isku ficil ahi, isku cawaaqib ayay la kulmaan.

Waa xuska 27 May, habeenkii buruudka lahaa ee uu bilaabmay dhammaadkii kalitalisku, waa habeenkii ay SNM Burco ka hillaacday e.