Shaqo Qaran Iyo Wajiga Koowaad (WQ: Cabdifataax Rashiid Maxamed)

Waxaa la soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee Barnaamijka Shaqo Qaran, kaas oo ahaa tababar la siinayo 1,500 oo dhalinyaro ah kana kala yimi gobollada dalka. Barnaamijkani wuxuu ka mid yahay qodobodabada ugu muhiimsan ee Xukuumadda talada haysaa ay fulisay intay joogtay, waxaana fikirkiisa iyo hirgalintiisaba leh Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo gacanyarayaashiisa. Waa arrin mudan in lagu hanbalyeeyo Madaxweynaha inuu ku dhiiraday hawshan baaxaddeeda iyo culayskeeda dhaqaaleba leh. Waxyaabaha mudan in lays dul taago waxaa ka mid ah:

1. In dhalinyaro intaas leeg meel la iskugu keeno kuwaas oo ka kala yimi gobollada dalka; ka soo kala jeeda qoysas heerkooda nololeed kala duwan yihiin.

2. In sare ay u kacdo aragtida bulshada ee ciidamada, taas oo ay keentay markii dhalinyarada shaqad qaran ku jirta oo dhammaantood heer jaamacadeed ah ay tababar ciidan ku galeen dararweyne, laga soo qaaday sawirro kala duwan iyaga oo xidhan dirayskii ciidamada qaranka iyo ugu danbayntii markii ay ka soo qaybgaleen dabaaldaggii 18 May 2019.

3. In Madaxweyne Muuse Biixi uu muhiimad gaara siiyay barnaamijkan. Marka laga tago fududaynta iyo la socoshada hawshan siday u hirgali lahayd, waxuu marar badan kaga hadlay khudbadihiisa iyo waraysiyada laga qaado, wuxuu kaloo ka soo qaybgalay munaasabadihii loo qabtay barnaamijkan. Tani waxay dhiirigalin siinaysaa hawl wadeennada barnaamijka ka shaqaynaya; dhalinyarada ka qaybqaadanaysa; dhalinyarada waxbarashada ku jirta ee sannadaha danbe soo baxaysa; ciidanka qaranka iyo cid kasta oo bulshada horumarkeeda jecel.

Marka laga tago wanaagyada iyo hawshaas qabsoontay, waxaa soo baxaya dhaliilo badan oo barnaamijku leeyahay kuwaas oo la kowsaday qaabka loo billabay, sidoo kalena ay ka mid tahay inaanay caddayn tallaabo kasta oo min bilow ila dhammaadka barnaamijka ah, markastana Agaasimaha Guud ee barnaamijka isagu sida ay la noqoto ka dhigo ama u dhigo.

Waxaan doonayaa inaan maqaalkan ku soo bandhigo dhaliilahaas mid ka mid ah taas oo la xidhiidha sida loo qaybiyay meelaha ay dhalinyarta barnaamijku ka hawlgalayaan wajiga labaad, waxaanan jeclahay in wixii ay ka qaadan karto xukuumaddu inay ka qaadato.

Waxaa xusid mudan xafladdii xidhitaanka Shaqo Qaran Wasiirada Waxbarashada iyo Caafimaadka in aan hadal laga siinin. Waxay kaloo muujinaysaa inaanay labadaas Wasiir iyo Wasaaradahoodu si buuxda uga qaybqaadan qorshaha Barnaamijkan. Arrinkaas waxaa inoo caddeeyay Agaasimaha Guud ee Shaqo Qaran, isaga oo inoo sheegay in lagu meeleeyay wasaarado kala duwan dhalinyartaas. Taas baddalkeeda waxay ahayd in guddi ka kooban Wasaaradaha hawshani ay khusayso loo saaro oo waliba wasaarad kasta iyada la waydiiyo baahideeda.

Waxaa kale oo la yaab ah in Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka oo ah wasaarado bixiya adeegyo aasaasiya; ayna ka shaqo galaan xirfadlayaal (Technical) takhasusaad gaar ah soo bartay sida Macallinimo, dhakhtar, kalkaaliso IWM, in lagu soo qoro tirade uGu badan ee dhalinyarda shaqo qaran; iyaga oo loo qoondeeyay sidan:

1. Wasaaradda Waxbarashada 753 boqollaydana 56%.

        2. Wasaaradda Caafimaadka     313 boqollaydana 23%.

Marka laysu geeyo boqollay ahaan waxay noqonayaan 79%, kaliya waxaa ka hadhay dhalinyaradii barnaamijka 21%.

Sidaynu wada ognahay ardayda jaamacadeheenna ka soo baxa tirade macallimiin iyo caafimaad qaadataa aad bay u yartahay. Dhalinyardan Barnaamijka ka qaybgalaysa lama siin Tababar macallinimo iyo mid caafimaad toona saddexdii bilood ee ay wax dhiganayen. Sidaas darteed waxaa la gudboon xukuumadda iyo xafiiska barnaamijkani in ay dib ugu noqdaan arrinkaas oo u eeg mid aan wadatashi badan lagala samayn cidda ay khusayso ama aqoon dheeraad ah u leh.

Ugu danbayntii waxaan leeyahay Barnaamijka Shaqo Qaran inta uu ciidan iyo awood dhis yahay; waxaa ka badan inta uu adeeg bixin; shaqo barad iyo muwaaddinimo yahay. Sidaas darteed hirgalintiisa haloo hagarbaxo, hana noqdo wax dhaafsiisan sawirro qurux badan; muuqaalo Qiiro abuuraya adeegbixin/barnaamij dadka iyo dalkuba ka faa’ideen.

Cabdifataax Rashiid Maxamed

28/05/2019