Laabtu wey hug-maysaa afku wuu hud hudayaa, hadal buu I leeyahay anna waan hor joogaa!! (WQ: Garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi)

Runtii Imikiyo Sidan Ay Wax U Socdaan Maaha Wax Dalka iyo Dadkaba U Dan Ah, Mana Qummana In Dalka Dib Loo Celiyo. Aniguna Afkii Xisbiyada Kuma Hadlayo, Ee Waxaan Kaliya Ka Hadlayaa Balaayo La Alooso Cid-na Dani Uguma Jirto.

Hadaba Waxay Maal-mahan-ba Joornaalada Dalka ka Soo Baxa oo ka Yimaada Xaafad ka Mida Xaafadaha Magaalada Hargaysa. Ayagoo Qorayeen Arin la Doonayo In Dalka Lagu kiciyo Iyo Been Abuur, Taasoo ah Mid Ay ka Sheegayaan Siyaasi Ismaaciil Buubaa. Waxaad Moodaa In Siyaasada Guruub-kaas oo Waliba u Badan Masuulo Si Weyn Loo Garanayo Dalka Haday Yihiin Kulmiye Ama Waddaani.

Ay Doonayaan Inay Borobagaando Ahaan u Istic-maalaan La Mida Tii 1994. Waxay Doonayaan Beeber Toogas Kuma Sheegi Karno Joornaale Ileyn Joornaaladu Hadalka Qofka Been Uma Rogaan Hadii Ay u Rogaana Sharci ka Danbeeya oo Lagula Xisbatamayo Ayaa Jira oo Way Cab-soon Lahaayeen Ama Way ka Xishoon Lahaayeen Iyagoo Sum-cadooda Eegaya.
Waayo Waxa Been kuugu Filan, in aad Soo Qorto Wax Kasta oo aad Maqasho.

Siyaasi Imaaciil-na Wuxu Yidhi Hadalkii Hadraawi Ee Duluc-diisu Daarnayd:-

Weli Wey Han-danayaan
Ma Hilaab-ni Laandeyr
Ma Hagoog-ni Waabey
Hagar-daamo kuma Jiro
Wadar ii Heshiisoo
Huminaysa Dhagar Baa
Hubku Iigu Tuman-yahay.

Ana Waxaan Soo Qaadanayaa Bay-dad ka Mida Murtidii Qiimaha Badnayd Ee Abwaan Hadraawi Alle Cimriga Iyo Caqligaba Haw Siyaadiyee:-

Hiir-taanyo Lagu Dhacan
Haaraanku Fara Badey
Higil Iyo Faq Dheeraa
Habar Wacasho Lays Guray
Hebel Hebel Canbaaree
Hebel Kale Ka Marag Dhigey
Nin Hayaanka Beeshiyo
Danta Guud Ku Hawshoon
Hafar-kiisa Lagu Dhaqan
Hil-bo Ceydhin Lagu Waab
Nin Hinaasey Deyn Waa
Hengeshiina Furi Waa
Hor Allaa La Tagayaa Wax Hanbeysta Baan Idhi.
Garta Hubiya Baan Idhi
Haw-raarsan Laga Waa
Wax Halaaba Mooyee
Wax Hagaaga Ma Ogola
Qaska Wey Hor-seedaan
Dabka Aydin Huriseen Hakin Maayo Socotada.

Bal Eega Ilmaadeerayaal Waxay Doonayaan In Ay Dadk ka Iibiyaan Erayga KHARIIRAD;
Waa Maxay? Dee Waa Nidaam, Waa Til-maan Cayiman, Waa Wax Ujeedo Lagaranayo Leh. Ismaaciil Waxa Uu U Jeeday 25 Sano Oo Qori Isku Dhiiba Nato Iyo Warso Maamul Xumida Musuq-maasaqa Baahay Isla Xisaabtan La’aanta iyo Gadoonka Siyaasadeed Ayaanu khariidad Cusub ka Samaynaynaa.

Hadalkaa Siyaasi Buubaa Oo Daarnaa Intan Uu Hadraawi Hore U Sheegay, Oo Ahayd Sida Tan:-

Hala Waa Ogeysiis
Inta Hooga Dhagar-ta Ah
Ku Halaan Haleysaay
Humbanida Is-gurataay
Nin Hadaafa Lama Odhan
Heyb-ta Noloshu Kaa Xidhan
Anigana Hed Mooyee
Inta Hibada Eebiyo
Hawraarta Maansadu
I Hareera Yaaliin
Hal Abuurku Ila Jiro
Hiyigeygu Nool Yahey
Waxa aan Hig-sanayiyo
Qodob Laga Hadlaa Jiro
Deyn Maayo Heen-saha
Holoshada MaJiiraha
Nin Hanaanka Gabayada
Hanan Waayey Naas-kaw
Hashu Waa Amaanee
Haaneedka Sii-daa

Ee Maaha Dhulkaan Badalayaa Mana Badali-karo ee Hadaba Paper talking Ilmaadeerayaal Intaad Iska Day-saan Ee Waliba Ku Labisan Huga Qab-yaalada Madhalayska ah. Hadaba Arinku Hadduu Wax Sheeg uun Idinka Yahay Ordoo Wax ka Sheega Ina Cumar Carte. Waayo Haday Somali-weyn Cidi Tahay-na Halkii Ugu Sareysay Cida Saaran Waa La Garan Karaa, Oo Waliba Guulana aan ka Soo Hoynayn. Ismaaciil Wax Uun-buu Tarayey Markuu Halkaas Joogay. Waanu Iskaga Yimid. Oo land-tuu La Haystaa Waayadan-ba.

Waxaan ku Soo Af-meerayaa Qoraalkaygan Gaaban:

Hoga aad Daboosheen
Halistaad Maleeg-teen
Isla Hela Awey-tida
Hee Bal Ad-ba.
《Hadraawi》

Allaa Mahad Leh.
Garyaqan Keyse koosaar Elm