Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ayaa sheegay in dabley hubeysan ay 22 qof ku dileen gobolka waqooyiga Kivu.
Weerarkan ayaa waxa uu ka dhacay Sabtidii meel u dhaw magaalada Beni. Mas’uuliyiinta Kongo waxay ku edeeyeen fallaago Uganda u dhalatay oo lagu magacaabo the Allied Democratic Forces in ay ka dambeeyeen weerarkaasi.
Waxa jira warar kale oo sheegaya in qaar ka mid ah ciidammada Kongo ay weerarkaasi ku lug lahaayeen.
Tirada dadka ku dhintay weerarkaasi ayaa laga yaabaa in ay sii korodho iyadoo maydad badan la aaminsan yahay in ay ku jiraan keymaha.
Labadii sanno ee la soo dhaafay Beni iyo agagaarkeeda waxaa lagu gumaaday boqolaal qof oo rayid ah.