Laba Buug Iyo Laba Dhacdo (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Badhtimihii sannadkii 2012 ayey ahayd markii ay ciidanka Boolisku xidheen Qoraa Axmed Ibraahin Cawaale oo laga sugayey bandhigga buugga “Dirkii Sacmaallada” inuu ku qabto hudheelka Imperial ee magaalada Hargaysa. Qoraaga waxa lagu xidhay xarunta C.I.D ee Hargaysa. Xadhiga Qoraa ayaa ka dambaysay cabasho ay dad badani ka muujiyeen cutub ku jiray buugga DIRKII SACMAALLADA kaasi oo ahaa “Qabaa’ilka Soomaalidu ma isbahaysi baa, mise waa dhalasho? Oo Ciwaan hoosaadkiisu ahaa: Hayb beddelashada Soomaalida”.
Qoraagu wuxuu ku doodayey inuu cutubkan ka soo xigtay nin la yidhaa Maxamed Hirad oo qoraalkan hore qoray, hasayeeshee aanu isagu allilifin. Dadkii ka soo horjeedayna waxa ay ku doodayeen waa sheegaa ma dhaafto. Dooddo badan ayaa markii hore la soo jeediyey oo qaarkood ahaayeen in buugga la gubo si meesha looga saaro fido ka dhacda cutubka laga cawday. Hasyeeshee markii dambe waxa la isku af-gartay in buugga laga saaro cutubka xambaarsan wixii laga cawday dibna loo soo daabaco, oo halkaasi lagu badbaadiyey sooyaalkii kale ee qiimaha badnaa ee buugu xambaarsanaa. Go’aankii ay Golaha Guurtidu soo saareen waxa ka habboonaa inay buugga gudaha ugu dhacaan oo eegaan bogagga iyo cutubyada buugga iyo meelaha ay cabashadu fadhido, ka dibna soo saaraan in meelaha mudan in la saxo. Wixii kalena ee taariikh mug lehna ay daayaan oo meesha laga saaro in buuugga gebigiisaba la gubo. Labada Qoraa waxa ay ku kala duwanaayeen xilka ay hayaan.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com