Muhiimada uu leeyahay isku xukunka sharcigu (Rule of law) (WQ: Mustafe Maxamuud Daahir)

Waa hubaal inaad marar farabadan maqasho ama dhagahaaga ku soo dhacdo sharcigu ha sarreeyo ama sharciga ha loo sinnaado, in badan oo dhibaataysanaa waxay marar farabadan miciin bidaan ama ku soo celceliyaan waxaaanu rabnaa sharci loo siman yahay, ama cadaalad dadka wada deeqda.
Sidoo kale siyaasiyiin farabadan waxay ka dhigtaan folaadka olalahooda waxa loo yaqaan isku xukunka sharciga ama sarreynta sharciga oo la yidhaa waaba laan ka mid ah isku xukunka sharciga,waxaanad daremaysaa in isku xukunka sharcigu yahay mid ka mid ah mabaadii’da waaweyn ee la‘aaminsan yahay in dad badan usoo jiidi karto ayna jeceshahay bulshadu iney hesho, jacaylka bulshadu u qabtaana wuxu ku tusayaa baahida loo qabo in la helo dhaqan ka isku xukunka sharciga.
Bulshooyin farabadan waxay horumariyeen hay’ado u gaar ah sidii loo heli lahaa is xukunka sharciga, taasoo macnaheedu tahay in sharcigu yahay kan ka wada sarreeya wax walba, lehna ahmiyad bani’aadamka wax uu ku doorsado aanay jirin, la’aantiisa ay adkaanayso in la helo nolol caadi oo insaanku ku sii tanaado maalmo ama xataa sannado badan, waxaana la arkaa badi madalo adduunka kulmisey oo kor loogu qaadayo mabda’ ah isku xukunka sharciga oo la rumeysan yahay inuu soo afjari doono, dhaqano xun xun oo ay ka mid yihiin ; sinnaan la’aanta bulshada, caddaalad-darrada, saboolnimada ama faqriga iyo musuqmaasuqa oo inta badan Afrika laga arko, xal waarana aan weli laga gaadhin.
Maanta adduunka casriga ee aynu ku nool nahay, waxa siiya xalaalnimada dawladdu iney umad maamusho waa isku xukunka sharciga, sababtoo ah waxa dawlad u aqoonsataa dawlad waa sharciga, una igmata inay ku dhaqanto, isla markaana fuliso sharciga ummaddu qoratay,haddii isku xukunkaa la waayana macnaheedu waxay noqoneysaa dawlad la’aan.
“Haddaba, haddii aanu nahay Mareykanka marka aanu ka hadlayno isku xukunka sharciga, waxay nooga dhigan tahay annagoo ka hadleyna kor u qaadida xorriyaadka, kor u qaadida caddaaladda, kor u qaadida sinnaanta bulshadayada,’’ garsoore heer rafcaan oo Mareykan ah ayaa sidaa yidhi mar uu ka jawaabayay waxa uu u yaqaan isku xukunka sharciga.
Haddaba si aynu u ogaano macnaha ama qeexida isku xukunka sharcigu wuxuu yahay, aynu soo qaadano qeexidan ‘’ isku xukunka sharcigu waa in mas’uuliyiinta dawladda ama madaxda dalka iyo dadka shacabka ahi ama masaakiinti sharciga u siman yihiin isla markaana uu u qabto sharcigu si isku mid ah’’ waa mid ka mid ah fahanada ugu fudud ee laga bixiyo waxa loo yaqaan isku xukunka sharciga.
Dadka sharciga u dhuun daloolaa, waxay ku ladheen si loo helo isku xukunka sharciga, waxa lagama maarmaan ah in la helo qodobo kale oo ka mid ah sida:
1. Waa in uu jiraa marka hore sharci cad, kaasi oo si guud u waramaya ama si guud bulshada ula hadlaya, isla markaana faraya bulshada waajibaad siinayana xuquuq, waa mid ka mida qodobada loo baahan yahay si loo isku xukunka sharci.
2. Waa in bulshadu fahmi kartaa sharciga, isla markaana ogaan kartaa, sababtoo ah waa iyaga (bulshadda) kuwa manaafacaadsan doona sharciga, isla markaana uu qaban doono, lagu lana xisaabtamayo marku dhaqan gel noqdo.
3. Waa in aanu sharcigu noqon mid caqliyad ka baxsan, macnaheedu waxa weeyi waa inuu sharcigu caqli gal noqdaa, waayo waxa lagu xukumi doonaa bulsho caqliyadeedu taam tahay isla markaana aan aqbali doonin wixii caqligooda ka baxsan. Tusaale ahaan haddii sharcigu ku farayo in aanad hadlinba xumaan iyo wanaag toona, waa caqli darro, oo Alle ayaa ku siiyey kugunna galladaystay af aad ku hadasho, sharcigaasina mudnaan iyo tix gelin toona heli mayo sababtoo ah caqli gal buu noqon waayey.
4. sharciga waa in loogu dhaqaa bulshada oo dhan si siman, iyadoo aan la kala doorbideyn madax, maalqabeen iyo sifo kale toona. Tan macnaheedu waxa weeyi waxa loo yaqaan sinnaanta sharciga hortiisa oo u ah aasaas, si loo helo isku xukunka sharciga, waxaanad mooda in fahankan qodobkan ku xusan lagu soo uruuuriyey qeexitaanka mawduucan aan manta ka hadlayo.
5. Qododbka shanaad oo ah kan ugu danbeeyea isla markaana ahmiyed weyn leh, waxa loo yaqaan isku xukunka sharciga waxa weeyi in la helo habab iyo ha’yado sharciga fuliya oo shaqadoodu tahay fulinta sharciga ama dhaqan gelkiisa iyo la xisaabtanka ciddii ku gefta sharciga ummaddu dhigatay.
Afeef : Qodobada gundhigga u ah in la helo isku xukunka sharciga intan way ka badan karaan, laakiin waxaan soo qaatay kuwan sare ku xusan oo aan u arkayay inay ahaayeen kuwii ugu muhiimsanaa, waad se la kulmi kartaa kuwa aad adigu u aragto muhiim, balse aan halkan ku xusin, oo ay ka mid tahay in la helo sharci aan iska hor imanayn, isla markaana ay soo saareen hay’ad ka madax bannaan laanta fulinta.
Haddaba muhiimad intee leeg ayuu waddan ama bulsho meel ku nool u leeeyahay iney hesho isla markaana kor u qaado dhaqanka isku xukunka sharciga? Waa kuwan tusaalooyin nool oo kuu tilmaamaya wanaag ay leedahay in la helo isku xukunka sharcigu:
1. Isku xukunka sharcigu wuxu kor u qaada sinnaanta muwaadiniinta sharciga hortiisa, si la mid ah hay’addaha dawladda ee kala duwan iyo qofka caadiga ah ayaa noqda kuwa siman, isla markaana u qabsooma una hoggaansama sharciga, fishana caddaalad kelinimo iyo mid ijtimaaci ah ba. Inta badan Afrika iyo meelo kale ba way adag tahay in sharciga loo sinnaado oo weliba dawladdaha, kuwa ladan ee maal adduun heysta, sarakiisha dawladdaha ama qowmiyadaha talada waddan hayaa wey ka awood badan yihiin sharciga, iska daaba in la dacweeyo oo lasoo hor joogtiyo caddaalada iyo sinnaan toona. Waxaanad aragtaa hebel la leeyahay wuxu lunsaday malaayiin doolar oo haddana aan la hadal heyn in la dacweyo, ama sharcigu talaabo ka qaado.
2. Isku xukunka sharci waa dabar weyn oo ka ilaaliya kuwa madaxda ah inay ku tacadiyaan,bulshada aan awooda laheyn kuna tagri falaan, una isticmalaan awoodooda si xun oo ka baxsan sharciga, kuwa ku kacaa ficiladan wuxu isku xukunka sharci keena soona gole joojiya caddaaladda, waxaanay helaan abaalkooda, masaakiinta dhibtu ku dhacayna waxay helaan wax u dhigma dhibtii soo gaadhay, sidaa si la mid ah isku xukunka sharci wuxuu keena in laga hor yimaado amar kasta oo sharciga baalmarsan oo ay soo saareen hay’addaha dawladda iyo madaxda guud ahaan ba. Waa hubaal in wadankeena ba aad ku aragto amaro ama wareegtooyin wasiiro soo saareen oo sharciga khilaafsan ama cashuuro cusub oo la soo rogay oo haddana dhaamntood dhaqan gelaya, haddii isku xukunka sharci jiri lahaa isla markaana sarreyn lahaa waa hubaal in rag farabadan go’aamadooda ay jeebka kala soo baxeen lo odhan lahaa waa kugu keligaa mudane ee ummadda tan kuma maamulaysid sharci darrada.
3. Xubnaha jimciyadda quruumaha ka dhexaysa waxay isku afgarteen, isla markaana garwaaqsadeen inuu xidhiidh weyn ka dhexeeeyo horumarka bulsho, haddii ay ahaan lahayd dhanka dhaqan-dhaqaale iyo bulshaba iyo isku xukunka sharci, mar ay baaq ka soo sareen kulan sare oo lagaga hadlayey isku xukunka sharciga, waxay hoosta ka xariiqeen in isku xukunka sharci uu ilaaliyo xuquuqda dadka haddii ay ahaan lahayd xaqa ay dadku shaqo iskood u abuuran karaan, isla markaana dhaqaale u hormarsan lahayeen, iyagoo ka faa’iideysanaya suuqa xorta ah, sharciguna uga ilaalin lahaa kuwa ka xoogga badan, sidoo xaqa ay u leeyihiin iney uga faa’iideysan karaan si siman kheyraadka waddanka, iyada oo aan loo kala xoog badneyn, ugu ilaalin lahaa xaqa fikirkooda iyo hal abuurnimadooda iyo dhamaan hantiyaha adduun ee ay kasbadaan, isla markaana uu u siin lahaa marrin u helid caddaaladeed, haddiiba wax khaldan ula soo gudboonaado.
4. Isku xukunka sharci waxa la ogaadey inuu kor u qaaado ammaanka iyo xasiloonada waddan, isla markaana diido kuwa wax xumeeyey ama awooda sheegtay iney sii joogaan bannaanka, tanina waxay kor u qaaday heerka isla xisaabtan ee waddan ama bulsho yeelato. Waayo isku xukunka sharci wuxu mar walba u adeegaa caddaalada, cadaaladuna waa waxay mar walba rabto, haddii caddaalad la helana nabadgelyo iyo xasillooni ayaa la helay.
5. Isku xukunka sharcigu wuxuu yareeyaa faqriga iyo heerka saboolnimo ee bulsho, madaama uu bulshada siiyo sinnaan, waxa yaraansysa in la kala koro dhaqaale ahaan, sidoo kale madaama uu xaq isku mid ah u siiyey oo uu abuurey fursado dhaqaale iyo shaqo oo si siman loogu tartami karo. Waxa yaraaneysa kala kor dhaqaale ee bulsho iyo abuurintaanka fursado shaqo oo loo siman yahay, nidaam suuqa qof keli heystaana ay meesha ka baxayso, waxa imanaysaa hoos u dhaca heerka faqri ee bulshada.

Qaabkee loo heli karaa isku xukunka sharci?
Waa la heli karaa isku xukunka sharci, haddii cid walba shaqadeeda u qabsato, si waafaqsan sharciga, waxa intaa ka soo hadhay ee la tix gelinayana qashinka lagu daro.
Filasoofkii weynaa ee marna la yidhaa waa aabaha kala saarka awoodaha dawladnimo ee Montesquieu wuxu yidhi “ marka awoodii xeer dejin iyo middii fulin ba ay ku ururaan gacan keliyaata, waa markaa marka la waayayo xorriyada, haddii aan garsoorka laga soocin laamaha kale sida xeer dejintii iyo fulintii waa markaa marka aynu waayi doono nolosheena iyo xorriyadeeena oo gacmaha keli talisnimo hoos geli doono’’.
Maxay xikmadani inoo faa’iideyneysaa?
Waxaynu ka baraneynaa haddii laamaha dawladnimo kala madax banaanaadaan, sharcigana ugu dhaqmaan siduu yahay in la heli karo, waxaynu u naqaano isku xukunka sharciga ee aynu kasoo waranay, markasta oo mid ama laan dawladeed gacanta u gasho laan kale waa mar kasta oo aan ka sii fogaanayno isku xukunka sharciga.