Laba sanno iyo badh kadib Kulmiye muxuu qabtay? Q.1aad (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

September 26, 2017. Waxa aan falanqayn ku sameeyay buuggii Barnaamij-Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye (2017-2022) kaasi oo aan ugu horreyn bogaadiyay in axsaabtu ay dhigaal berri aan kula xisaabtami karno sameeyaan qiimaha ay leedahay. Haddaad qoraalkaygaas in aad akhrido door-bidi lahayd halkan guji( https://bandhige.com/maqaallo/gorfeynta-buugga-barnaamij-siyaasadeedka-xisbiga-kulmiye-2017-2022-cabdinaasir-axmed-abraham)
1.01. May. 26. 2020. wuxuu Alle igu simay in aan dib idiin la wadaago taxane aniga oo muwaadin reer Somaliland ah aan kula xisaabtamayo qorshihii xisbiga Kulmiye laba gu’ iyo badh ka hor shacab weynaha reer Somaliland u ballan qaadday maxaa ka rumoobay? Waxa hadhayna siduu suurto-gal u yahay marka loo eego muddo xileedka sharciga ah ee hoggaaminta xisbiga Kulmiye? Wadar ahaanna labada qoraal ba waxa ay dhiiri-gelinayaan in dadku baadidooda dawladnimo ay raacdeeyaan. Taasi oo suurto-gelin karta in aan axsaabtu wax aanay qaban doonin ayna shacabka u sheegi doonin. Waxa aanay dhici doontaa marka ay axsaabtu arkaan in dadku kula xisaabtamayaan wixii ay shalay ku ololeeyeen gaar ahaanna wixii qoraal ahaa.

Buuggani wuxu soo baxay 2017. Shirkadda Daabacday lama xusin iyo goobta lagu daabacay ba, tirada xaashiyihiisu waa 111-bog.Wuxuu ka kooban yahay Toddoba tiir kuwaas oo kala ah;
1. Tiirka Arrimaha Bulshada,
2. Tiirka Amniga iyo Nabadda,
3. Tiirka Dhaqaalaha,
4. Tiirka Garsoorka iyo Caddaaladda,
5. Tiirka Siyaasadda Arrimaha Dibedda,
6. Tiirka Horumarinta maamul-wanaagga,
7. Tiirka Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada.

Si guud marka aad tiirarkan u halacsato waxa aad male-awaali kartaa tiir kasta wixii ay xukuumaddu ka qabatay. Hasa yeeshee, shaqada aan qormooyinkan idiinku soo gudbinayaa waxa ay u qaybsami doontaa saddex waaxood:
B. Ballan-qaad qabyoobay fulintiisuna aanay maan-gal ahayn marka wakhtiga hadhay iyo karaanka dhaqaale xukuumaddeed loo eego.
T. Ballan-qaad fulay ama si hab-san u socda lagu na rajo weyn yahay in uu qabsoomo.
J. Waxqabad aan barnaamijka buugga xisbiga ku qornayn oo si habqan ah xukuumaddu u qabatay, kaasi oo ay ku ammaanan tahay, yaanu qorshaha ba ku jirine.
Saddexdaas waxood ee aan kor ku xusnay marka aan mid kasta hoos ugu deedagno qabyo iyo qabasho ba, waxa aan uga gudbi doonaa si kor-ka-xaadis ah toddobada tiir ee buuggu ku dhisnaa in aan qiimayno.

B. BALLAN-QAAD QABYOOBO FULINTIISUNA AANAY MAAN-GAL AHAYN MARKA WAKHTIGA HADHAY IYO KARAANKA DHAQAALE XUKUUMADDEED LA EEGO.

Aan ku horreeyo meelahii September 26. 2017 aragtiinkayga qofeed iila muuqday in gol-daloolooyin ku jiraan kuwaas suurto-galnimadoodu ay iila muuqatay in hal qodob hor istaagi doono, waxaanu ahaa;

● Isku dheeli-tirnaan la’aanta wakhtiga muddo xileedka xisbiga oo noqonaya shan sanno iyo awooddeenna dhaqaale iyo ballanqaadka tiro beelka ah ee buugga ku qoran. Kuwaas oo aan ka soo qaadan karo;
1. Dhammaystirka waddada Burco – Ceerigaabo.
2. Dhammaystirka waddada Balli-gubadle – Hargeysa.
3. Dhammaystirka waddada Sallaxley – Hargeysa.
4. Dhammaystirka waddada Burco – Oodweyne.
5. Dhammaystirka waddada Dawga-cad.
6. Dhammaystirka waddada Arabsiyo – Alley-baday.
7. Boorama – Lawya-caddo.
8. Berbera – Raari-buul.
9. Burco – War-cimraan
10.Waadaamagoo- Qori-lugud – Balli-dhiig
11. Laas-caanood- adhi-caddeeye – Xuddun.

Marka caqliga caadiga ah aad ku eegto miisaaniyaddeenna oo inta ay tahay aad wada og tihiin, kharashaad na u badan sida shantan sanno ee muddo xileedka xisbiga Kulmiye, dhismaha waxaas oo waddo oo horumar ahi, uga go’ayso waan yaabayay bilawgii ba. Hasa yeeshee, in aan waxaas oo waddo ah dhismahoodu kal iyo laab ka ahayn Xisbiga Kulmiye oo ay ka ahaayeen uun ballan-qaaddo reero cod laga doonayo lagu raali-gelinayo haddaad hab xisaabeed ama cilmiyeed u qiimayso dayax 14 aad way ka caddayd! Haatan iyo danna ballamahaas Xisbul xaakimku shacabka reer Somaliland u qaaday maxaa ka hirgalay xilligii ugu habboonaa ee la is-weydiin lahaa waa la joogaa. Maadaama 912 maalmood tageen. taasi oo u dhiganta kala badh muddo xileedkii hoggaaminta xisbiga.

1.02. Heerka wax qoris akhriska ee reer Somaliland oo haatan maraya 37.8% wuxuu barnaamij siyaasaddeedka xisbigu ballanqaadayaa in marka la gaadho 2020 waaban joognaaye ay gaadhsiin doonaan 80% taasi oo Xaqiiqda aad uga durugsan wax dedaal oo is taaban karo na aan loo galin. Haddaad buuggii haysto tag lambarkan;

1.1.1. HELITAANKA WAXBARASHADA
1. Waxa uu hirgelin doonaa barnaamijka wax qorista iyo wax akhriska Qaranka. Hadafka barnaamijkuna waa in 80% muwaadiniinta JSL noqdaan kuwo wax qora, waxna akhriya sannadka 2020.

MAGAN ALLE

LA SOCO