Sheekh Maxamed Macallin Xasan Oo ka mid ahaa Culimada Soomaaliyeed kuwa ugu magaca weyn. Waxa uu ku dhashay baadiyaha Gobolka Baay sanadkii 1934’kii.
Qoys ahaan khalfiyada uu ka soo jeeday waa qoys culimo ah. Aabbihii waa Sheekh Macalin Xasan oo caan Ka ahaa kana soo jeeday Gobolka Hiiraan. sheekh Maxamed qur’aanka Kariimka ah waxa uu xafdiyay isaga oo yar, Aabbihii ayaana baray. markii aabbihii geeriyooday Sheekh Maxamed da’diisu waxa ay ahayd 9 jir.
Waxa kafaala qaaday abtigii. markii uu in muddo ah joogay baadiyaha gobolka Baay waxa uu abtigii ku soo daray safar u soo socdaalay Faafan oo Ethiopia ah, gaar ahaan meel u dhow magaalada Jigjiga . Waxa uu ku xidhmay Culimadii Loo doonan jiray barashada Cilmiga Diinta islaam, Kitaabka Safiinaha gaar ahaan Mukhtasirka waxa uu ka dhigtay Sheekh Muxumed Cabdillahi oo ka mid ahaa Culimada Xerta.
Halkii ayuu ka noqday Macallin dugsi la yaqaan oo ay ku soo degaan xerta iyo sheekhooduba. Waxaa meesha ugu yimid nin Sheekh ah oo la odhan jiray Xaaji Cali oo ka yimi Sacuudiga, gaar ahaan magaalada Maka, wuxuuna dugsi ka furay magaalada Diri-dhabe waxa uu sheekh Cali ka dhigtay Alfiyaha oo ah cilmiga naxwaha . Waxa uu sii waday barashada cilmiga diinta islaamka. Waxa uu u soo wareegay Magaalada Jigjiga oo uu ku xidhmay Sheekh Cali jowhar Iyo Sheekh Axmed Sheekh Ibraahim Baraawe Iyo waliba Sheekh Muxumed Warsame oo uu ka kala bartay Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah, Fiqiga Iyo Axaadiista .
Hargeysa ayuu yimi, in mudo ahna Macalin ka ahaa. Waxa kale oo uu Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah ka marin jiray Masjid Jaamaca Magaalada Hargeysa. Ka dib, waxa uu bilaabay geeddigiisii labaad ee safarka wax barasho.
Sannadkii 1958 ayuu u ambo baxay Masar, waxa uuna sii maray Itoopiya, Ereteriya iyo Suudan; ugu danbayna ku tagay dalka Masar oo ka mid ahaa meelaha ugu badan ee loo doonan jiray Cilmiga diinta Islaamka iyo maadigaba.
Waxa kale oo taalay Ilbaxnimo Sare. Waxa uu u fadhiistay imtixaankii ogolaanshaha jaamacada ama (امتحان القبول) Oo ah imtixaanka qofka aqoontiisu halka ay gaadhsiisan lagu ogaado .
Maaddaama oo ay aqoontiisu dhisnayd,
Cilmigii diinta ee uu yaraantii bilaabay iyo culimadii uu ka kala dhigtay kutubta kala duwan awgeed, waxa uu toos u galay imtixaankii oo uu ku guulaystay dhammaan maaddooyinkii laga qaaday, marka laga reebo Culuumta الأدب العربي Oo aan markaa laga aqoon dhulka soomaalida Iyo meelihii kale ee loo doonan jiray barashada cilmigii diinta Islaamka, gaar ahaan bariga Africa.
Waxa uu bilaaabay jaamacada Az’har, gaar ahaan kulliyadda Usuulu-Diin “جامعة الأزهر كلية أصول الدين”. Intaa markii uu dhammaystay waxa uu bilaabay shahaadadiisii heerka labaad ee Masterta, Waxa uun ku qaatay جيد جدا Oo ah dhibcaha ugu sareeya ee ardaygu ku gudbo imtixaanka. Takhasuskiisu waxa uu ahaa “العقيدة والفلسفة”(Caqiidada iyo Falsafadda). Markii uu shahaadada labaad dhammaystay Sheekh Maxamed Waxa uu u wareegay jaamacada Caynul-Shamsi Qaybta Tarbiyadda “جامعة عين شمس كلية التربية” .
Waxa uu ka qaatay diploma ah sida dadka wax loo baro . Intaa ka dib Waxa uu xeraystay qaybta PHD-da oo Isla jaamacada Az’har ah. Waxa uu ku diyaariyay “الاءيمان وأثره في الفرد والمجتمع” Oo ah Iimaanka Iyo raadka uu ku leeyahay Qofka iyo bulshada. Waxa karjooge u ahaa Dr. Cabdixaliim Maxamuud, waxaana xusid mudan In buuggii wali qabyo yahay oo aanu sheekhu dhammaystirin maaddaama oo markii uu wadanka yimi la kulmay rabshadii Kacaanka .
Sheekh Maxamed Macallin wakhtigaa uu waxbarashada u joogay Masar waxa ay ahayd Wakhti ay xarakooyin badani isku hirdiyayaan saaxada fikriga iyo siyaasada. Waxa aad u soo shaac baxday Xarakatul akhwaaanul-muslimiin .
Fikri ahaan culimada uu kutubtooda akhriyay waxa ka mid ahaa Sayd Qudbi, Xasan Al Banna Iyo Cabdulqaadir Cowda. Dhacdooyinka uu goobjoogga ka ahaa waxa ka mid ahaa dilkii Sheekh Sayd Qudbi oo isagu qoray buugga caanka ah ee “جاهلية القرن العشرين”. Bishii Fabraayo 1968’kii ayuu yimi Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya oo is beddel xagga xukunka ahi ka dhacay. Waa markii taladii wadanka ay inqilaabeen saraakiil u badan xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu hormood u ahaa Maxamed Siyaad bare.
Muddo aan badnayd markii ay xukunka hayeen ayay sameeyeen nidaamkii shuuciga, waxaanay qaateen Hantiwadaagga Cilmiga Ku dhisan oo markaa aan hore wadanka looga aqoon. Waxa ay bar-bilow u ahayd qalalaasihii wadanka ka dhacay. Hore waxa nidaamka Shuuciga u qaatay wadamo badan oo ay hormood u ahaayeen midowgii soofiyati(USSR) Iyo Cuba laakiin waxa ay kaga duwanaayeen inta danbe oo ah ‘cilmiga ku dhisan’ (The Scientific Socialism).” الاءشتراكية العلمية”.
Waxa uu ka bilaabay Masjidka Cabdilqaadir ee Magaalada Muqdisho Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah oo uu ahaa sheekhii ugu horreeyey ee toos looga barto Tafsiirka oo kitaabka keli ah laga mariyo oo markaa ka hor Culimadii ka horraysay sheekha ay marin jireen kitaab la odhan jiray”Jalaallaynka” oo ahaa tafsiirka oo la soo koobay .
Waayadaa waxa ka jirtay magaalada Muqdisho waaxda hanuuninta oo kacaanku sameeyay. Xaafad kasta waxa ay ku lahaayeen waaxda hanuuninta(Orientation Office). Maaddaama oo dadku u baahnaayeen aqoonta diinta waxa ay ku xidhmeen Casharadii Sheekh Maxamed. Sannadkii 1976’kii ayaa lagu xidhay Xabsigii Ciqaabta badnaa ee labaatan Jirow. In badan ayuu ku xidhnaa iyada oo ay ciqaabi u dheerayd. Intaa uu sheekhu xidhnaa caqiidadiisa iyo nashaadkiisa waxba iskama beddelin iyada oo diinta darteed loo dhibaataynayay.
Bukaan ahaan ayaa looga soo daayay Jeelka oo uu aad ugu xanuunsaday, Markii uu bogsadayna halkii ayuu ka bilaabay casharradii. Haddana mar labaad ayaa xabsiga loo taxaabay 1984’kii. Mabda’a sheekha Iyo Culimo badan oo waxna la laayay waxna la xidhay waxa uu ahaa dagaalka keli ah ee lala galay dowladdii kacaanku in ay dadka ku qanciso barnaamijka Hantiwadaagga cilmiga ku dhisan Oo laga soo min guuriyay fikradii Marxism and Lillian.
Sheekh Maxamed markaa uu wadanka yimi waxa uu arkay in umadda Soomaaliyeed u baahantahay barashada diinta islaamka, waxaana uu bilaabay Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah. Sheekha dowladdii markaa wadanka ka jirtay waxa ay u magacowday agaasimaha diinta Iyo awqaafta si ay uga hor is tagaan cilmiga diinta ee uu bilaabay, Isagana taa hore ayaa u muuqatay oo ah in uu dadka baro diinta oo uu ugu horreeyo Qur’aanka kariimka ah. Waxa Alle (SWT) Qur’aankiisa kariimka ah ku yidhi “إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ” “Annaga ayaa soo dejinnay Qur’aanka, annaga ayaana Ilaashanayna”.
Culimadu waa tiirka ugu adag ee Ilaalinaya Digriga Alle(SWT). Sheekha dhib badan ayaa loo gaysatay waana loo dhibaateeyay diinta awgeed muddo ku siman 11 sano ayuu xidhnaa, taas oo caddayn u ah intii uu ummadda u faa’iidayn lahaa badi waxa uu noloshiisa ku qaatay Jeelka, waxaanay meesha ka saartay Duruustii iyo Cilmigii sheekha ee laga dhaxli lahaa .
Waraysi uu Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar sannadkii 1994’kii la yeeshay Sheekh Maxamed Macallin Xasan Oo aan aad uga soo xigtay qayb ka mid ah taariikhda Sheekha, waxa uu Qaybta labaad ee waraysiga ku sheegay guud ahaan Saamaynta ay diinta islaamku ku leedahay dunida wixii mashaakil ka taagnaa iyo sida ay dawo ugu noqon lahayd Xaga akhlaaqda mujtamaca aduunka ku wada nool.
Ilaahay(SWT) Markii uu Soo diray Nabigeenii Suubbanaa Muxammad”NNKH” Waxa uu u soo dhiibay Qur’aanka kariimka ah, si Caalamku uga baxo mugdiga una gudbo iftiinka iyo nuurka. Waxa uu Tusaale cad uga dhigay Banii’aadanku in uu hago oo ay ka dhigtaan (Catalogue) una hoggaansamaan si ay u liibaanaan If iyo Aakhiroba; waayo diin aan diinta Islaamka ahayni waa baadil. إِنَّ الدِّينَ عِنْدَ اللَّهِ الْإِسْلَامُ
Wakhtigii baraarugga (Renaissance) aqoonta casriga ah qaybteeda Sayniska iyo Tiknoolajiyaddu gaar ahaan falsafada, fikirka iyo aqoonta aadamaha la xadidhiidha Iyo fahan la’aanta badan ee diintu waxa ay shaki galisay dadkii ay marka horeba yarayd aqoontooda xagga diintu.
Haddaba, maxay ahayd aragtida sheekha ee baraarugga Islaamku ? Wakhtiga ay u bixiyeen wakhtiga baraarugga ama iftiiminta Casriga(renaissance) oo ah xadaaradda reer galbeedka waxa horumaray oo keliya waxsoo saarka iyo dabeecadda laakiin dadku ma ay horumarin.
Aragtidii sheekha ee la yaabka lihi waxa ay ahayd si kasta oo ay Adduunyadu u horumarayso, haddaan diinta Islaamku ka qayb ahayn meel ma gaadhayso. Markaa haddii ay diinta Islaamka u qaadan waayeen diin ahaan, ha ka qaataan Qawaaniinta si ay ugu badbaadaan . Mashaakilaadka kale ee Addduunyada maanta ka taagan waxa ka mid ah madhnaanta ruuxiga ah, waayo Adduunyada farxaddeeda iyo dhibteeda waxa badan dhibteeda; taasi waxa ay qofka ku keeni kartaa masbnaansho Ruuxi ah oo ay ka dhalato kalsooni la’aan uu Qofku Qawado Waxa uu Alle”Swt” u qorsheeyay.
Haddaba Islaamka ayaa daawo u ah waxaas oo dhan . waxaa Sheekha lagu tilmaami karaa inuu ka mid ahaa tiirarkii muhiimka ahaa ee baraarugga Islaamka ee Soomaalida. Alle(SWT) Naxariistiisa Janatul Fardowza ha ka waraabiyo Sheekha, innagana ha inaga yeelo kuwa ka faa’iidaysta Duruustiisa. Aaaamiiiiin….Aaaaamiii
WQ: Khadar Abdirahman Yacquub