Labadii Af-yaqaan Ee Allaystay W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Maxamed Baashe X. Xasan wuxuu adduunka macasalaameeyey Juun sannadkii 2020, wuxuu ahaa af-yaqaan looga dambeeyo afkeenna hooyo, oo kala dhigdhiga. Sannadkii 1963-kii ayuu ku dhashay Maygaagle oo tirsan Buuhoodle. 1983 ayuu hagalgankii SNM ku biiray, 1987 ayuu qurbaha waxbarasho u tegay. Wuxuu inooga tegay oo dhaxal ah buugaagta kala ah: Hal ka haleel, Hal Karaan, Afka Hooyo Waa Hodan, Guri waa Haween, Buug uu ku ururiyey Suugaantii Abwaan Af-qalooc.”

= Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri Barwaaqo) ayaa isna shalay adduunka ka tegay, ka dib xannuun uu u jiifay muddo tobaneeyo cisho ah. Wuxuu ahaa af-yaqaan ku wadhwadhay luuqadda Soomaaliga ee afkeenna hooyo. Wuxuu inooga tegay dhaxal buugaag ah oo kala ah: Hal tebinta Erayada Kombuutarka, Far Tasawday, Mahadho, Magac Bilaash uma baxo iyo Abaal raaga rag baa leh. Qoraallo tiro badan ayuu sidoo kale ku soo saari jiray wargaysyada dalka iyo kuwa dibadaba.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com