Xukuumadda Somaliland waxay sheegtay in ay gacanta ku hayso amniga gobolka Sool

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay iyadu gacanta ku hayso amniga gobolka Sool.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka ku sheegay in ciidamada Somaliland ay gacanta ku hayaan amaanka gobolka.

Waxaanu yidhi.โ€Ciidamada Somaliland ee gobolka Sool waxay si buuxda gacanta ugu hayaan amaanka deegaanadaas iyo dhulkayagaโ€ .

Caateeye waxa uu inta ku daray in ciidanka Somaliland uu dib u riixay xoogaga kasoo horjeeda, isla markaana ay soo celin doonaan amaanka Laascaanood.

Waxaanu yidhi.โ€Ciidamadayadu waxay dib u riixeen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka dhawaana waanu soo celin doonaa nabada Laascaanoodโ€

Xigasho: Wargeyska Dawan.

bandhige@gmail.com