1. Waxyaabaha ugu jira daneeyayaasha Kala duwan habkan cusub ay u buuxeen.
-In laga kordhiyo cod-bixiyayaasha intii ay ahaayeen markii hore ee ahayd 14,000 Lana gaadhsiiyo 82,500. Taas oo macnaheedu yahay in 6 goor kor loo qaaday ka-qaybgalayaasha xataa haddii ay dhici wayday in ay codeeyaan 2,000,000 malyan ee qorshuhu ahaa. Qodobkan i waa mid ay u soo istaagayaan saxiibadda caalamka ee Soomaliya.
-Dadkaa codka bixinaya waxaa, dabcan, soo xuli doona odayaasha dhaqanka. Qodobkan waxaa u soo istaagaya madaxda dhaqanka ee Soomaaliya.
– Waxaa habkani kii horeeyay uu dheer yahay in murashixiintu ay ka socon doonaan Xisbiyadda jira iyagoo ku salaynaya hanaankii 4.5-ka ee awood qaybsiga Soomaaliya iyo qoondada 30%-ka ah ee haweenka. Qodobkan waxaa isna isku soo taagaya Xisbiyadda, beesha caalamka, haweenka iyo beelaha Soomaaliyeed.
– Waxaa doorashada qabanaya Komishanka jira haddeer ee “Xaliimo-yarey”[waa sida ay yaqaaniin iyagu] oo isna ah qodob laga yaabo in aanay mucaaridka dani ugu jirin. Waxaa kale oo Shirka la iskula qaatay in meelaha ay doorashaddu ka qabsoomi kari waydo sababo la xidhiidho amaanka loo rari Karo meelo kale oo xukuumada astayntooda gacan Ku leedahay.
– Waxaa la Isla qaatay in doorashaddu waqtigeedii ku dhacdo taas oo mucaaridka, maamul-goboleedyada iyo beesha caalamku doonayeen inay meel mariyaan. Dabcan, Xukuumaddu may jeclayn balse waxay u muuqataa iney Ka hadheen muddo-kordhin ay rabeen markii jireen si hal-abuur siyaasi lehna ugu bedesheen qoddob kale.
– Waxaa la gayn doonaa ansixinta qoddobadan aqalka shacabka oo ansixin doona. Mar kale waxaa dharbaaxo siyaasadeed lagu dhufan doonaa maamul-goboleedyada haddii aqalka sare la baal Maro. Waxa qodobkana dan wayni ugu jirtaa xukuumada. Waxaa xusid mudan aqalka shacabku inuu yahay golihii wasiiradda oo shaadh wakiilo shacab xidhan (nidaamka siyaasadeed ee baarlamaaniga ah ayaa sidaa ah)
2. Yaa Guulaystay yaa se laga guulaystay?
Dhinacyadii isku hayay siyaasada Soomaaliya waxaa bilowgii shirarka Dhuusomareeb 1& 2 goolal is daba yaac ahi Ka dhasheen xukuumada oo madax guurkii ay Ka qaaday ay Ku suntay Xukuumadii jirtay. Talaabadda xil-ka-qaadista Xukuumada ayaa dhulka la sii gashay sumcada Xukuumada waxaanay lumisay taageerada beesha caalamka iyo ta Gudaha.
Dhuuso-mareeb 3 waxay xukuumaddu u muuqataa iney Ka soo kabatay iskana soo baxday goolashii hore kuwa cusubna dhalisay. Waa Marka koowaade hanaanka doorashada ee ay soo qadimeen wuxuu qanciyay aqlabbiyada maamul-goboleedyada iyo beesha caalamka ee taageeraa. Waxaa kale oo u guuxaya madaxda dhaqanka iyo haweenka. Waa mar labaad’e, waxaa la qaatay doorasho waqtigeedii Ku dhacda oo ah tii ay mucaaridka iyo maamul-goboleedyaddu rabeen. Waa Marka sadeexad’e, waxaa geed qudhaanjole lagu xidhay maamulada la haynta ah Madaxwayne Farmaajo ee Puntaland iyo Jubbaland taas oo madaxwaynaha sumcad mooyee aan ceebiba ugu jirin. Wuxuu u muuqdaa madaxwayne umadeed mar haddii kuwii la qabiilka ahaa Ka cabanayeen dadkii kalena wataaan.
Waxaa hubaal ah in Dhuusomareeb 3 xukuumadu guulaystay haddii hanaanka la Isla qaatay la raacana waxaan shaki igaga jirin in Farmaajo helayo doorasho muddo-xileed labaad. Waxaa guul-daraystay maamulada Puntaland, Jubbaland iyo aqalka Sare. Mucaaridka ayaa iyaguna meel adag galay.
3. Mar haddii Xisbiyo lagu galo doorashada waxaan filayaa in Xisbiga aqlabbiyada noqdaa madaxwaynaha iyo Raysal-wasaaraha keeni doonaan bacdamaa hanaanka siyaasadeed ee dalku yahay mid baarlamaani (Parliamentary) ah. Tani waxay quus u tahay murashixiinta beelaha faraha iyo laan-dheernimada sheegta waayo waxaa meesha Ka baxaysa in madaxwaynaha la doorto oo Golaha cusubi u codeeyo.
4. Maxaa Somaliland Fursado ugu jira Soomaaliya oo Ka baxda qalaalasaha siyaasadeed waxaa Somaliland ugu jira iney sii socdaan Wada-hadaladdii oo si dhakhsaha ah loo Kala baxo. Xasiloonidda Gobolka ayaa iyaduna ah mid SOOMAALILAAN Dani ugu jirto oo ma qaadi karno colaaddo iyo amni darro Ka yimaad Soomaaliya.
Madaxwayne Farmaajo oo soo-noqda ayaa iyaduna Fursado ugu jiraan Somaliland. Waxaa Ka mid ah fursadaha Kuwo xagga siyaasadiisa arimaha dibada ah oo Somaliland Ka faaiidayso. Tusaale ahaan, Khilaafka Gacanka Carabiya wuxuu la saftay Gadar waxaanu lumiyay Imaaraadka/ Sucuudiga kuwaas oo Somaliland iimaansaday qaddiyadeeda. Haddii uu soo noqdo waxaa xoogaysan doona saaxiibtinimada Somaliland iyo Imaaraadka. Khilaafka biyaha niilka ee Masar iyo Itoobiya wuxuu Farmaajo lumiyay Masar oo noqonaysa saaxiib Somaliland u soo kordha. Waxaanan hilmaansanayn in Kenya lafteeda uu xaga Somaliland u soo didiyay. Jabuuti waa Ka raacay Eeratariya oo soo celiyay deriskeena doolaaladda dheer. Midowga Yurub , iyo Maraykan laftooda wuu soo baaciyay oo kuma niyadsamayn wixii Ka dambeeyay erigii Raysalwasaare Khayre.
Xaga arimaha Gudaha soo-noqoshada Farmaajo waxay Madaxwayne Muuse Biixi u tahay soo-magacaabistii Jeneraal Maxamed Xaashi Gaani ee ee qaybtii 26aad ee Ciidankii Xooga Soomaaliya. Berigaas wuxuu Gaani u fududeeyay SNM iney dadku raacan waanay jeclaayeen SNM-tu oo waa kuwii u bixiyay magaca “DIIRIYE”. Farmaajo haddii uu soo noqdo waa DIIRIYE aanu MW Biixi Ka maarmi karin oo siyaadadihiisa Somaalilaan go’doominta Ku salaysani keeni doonaan isku duubnida Gudaha.
Ugu dambayntii waxaynu Isha Ku hayn doonaa sida arintu u hana-qaado usbuucyada iyo bilaha soo socda.
Allaha Mahadle
Xamse C. Khayre