Dawladda Ingiriiska ayaa dhaliishay wax-ka-beddel uu golaha wakiilladu soo jeediyey in lagu sameeyo xeerkii kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga ee 2018 kii la ansixiyey

Dawladda Ingiriiska ayaa dhaliishay wax-ka-beddel uu golaha wakiilladu soo jeediyey in lagu sameeyo xeerkii kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga ee 2018 kii la ansixiyey.
Madaxa xafiiska dawladda Ingiriiska ee Hargeysa Stuart Brown ayaa faallo arrintan la xidhiidha oo uu habeennimadii 25 Ogosto ku faafiyey bartiisa twitter ka waxa uu ku sheegay in wax-ka-beddelka la soo jeediyey in lagu sameeyo arrimaha ay ka mid yihiin guurka qasabka iyo sinadu, ay abuurayso su’aalo muhiim ah oo la iska weydiiyo xuquuqda haweenka, carruruta iyo dadka naafada ah.
Stuart Brown, wax ka beddelka ama wax ka beddeli waaga qodobbadaas waxa uu ku tilmaamay daqiiqado muhiim u ah Somaliland oo ay ku go’aaminayso qiyamkeeda mustaqbalka.
Xigasho: Marjaan Media