Lammaane soo jiitay indhaha caalamka kadib markii ay soo bandhigeen muuqaalkooda marka ay gaboobaan

Waa lammaane ay da’doodu ku dhaw dahay 30 jir. Waxa ay isqabaan muddo kooban, waxayna xiiseeyeen in ay sii arkaan sida ay u ekaan doonaan marka ay gaboobaan.

Si ay yoolkooda u gaadhaan, waxa ay isugu yeedheen khubaro xirfad sare u leh qurxinta oogada jidhka haweenka ama waxa loo yaqaan “makeup- ka”iyo bedbeddelidda muuqaalka qofka iyaga oo isticmaalaya qalab casri ah oo u gaar ah.

14kii bishan ayaa la baahiyey muuqaal fiidyow ah lammaanahay da’da yar oo wejigooda ay da’ ka muuqato isbeddelladii lagu sameeyey dartood. Toban maalmood gudahood waxa daawaday in ka badan 13 milyan oo qof.

Adiguna haka qadine hoos ka daawo.

 

By: Ina Siciid

bandhige@gmail.com