Hadalladii Axmed Carwo ee 18-ka May way i soo jiiteen (W.Q. Cali Jaamac)

Si kasta oo loo hadlo iyo goob kasta oo laga hadlo waxa jira ereyo qofka laabtiisa ku dhaca maskaxduna gunuddo, inta badani se waa iska hadal, waa sii daa oo maqal.

Wax badan ayaan la socday sida muwaadiniintu u xusaan xafladaha 18ka May sannad walba.  Sannadkan waxaa i soo jiidatay xafladdii Bristol ee dalka UK ka dhacday iyo hadallo nin qiimo badan, aqoonyahan ah oo beryahanba dan guud warbaahinta inoogu soo gudbinaayey uu ka jeediyey. Waa talooyin wax-ku-ool ah oo u baahan inaynu ka fakirno kuna hawl galno.

Waa nin wajigiisa wanaag oo dhammi ka muuqdo, nin Alle ka cabsi badan, dalkiisa jecel, xukuumaddana daacad u ah laakiin aan guulwadeyn.

Ninka daacadda ahi waa ninka isaga oo xukuumadda daafacaya si asturan u tilmaama halka ay wax ka qaldan yihiin. Kan guulwadeeya ee beenta cad ummadda u sheegaa daacad uma aha xukuumadda ee wuu lugooynayaa oo ceebteeda ayuu bannaanka soo dhigayaa.

Intaas haddii aan timaamay intiina badani weydun ila garateen ninka aan u jeedo. Waa aftahan aad qoraal iyo qawlba si xiiso leh ula socotaan. Waa aqoon yahan Axmed Xasan Carwo.

Wali gaar umaan arag haddana aqoontiisa waxba iigama dhinna. Waa nin aanu Madaxweyne Siilaanyo abaalkiis marin balse edeb iyo dhowrsanaan dartii ula jooga goor ay raggii kale ka dhaqaajiyeen.

Maanta anigu waxaan ahay mucaarid. Kulmiye waxaan ka baxay kolkii aan arkay raggii guusha dhaliyey ee waliba aqoonta lahaa ee bulshadu u baahnayd in la dhaafiyey dad aan meeqaamkooda gaadhayn. Waa kolkii uu jeenigu lugta dhaafay.

Hadalka aan ka guntay Axmed Carwo wuxuu ahaa “Duco aan lagaa aqbalayn ayaa jirta. Waa sida nidaamka aynu qaadanay iyo midnimo in la isla helo. Dimuqraadiyadda iyo habka xisbiyada badan ayeynu qaadanay. Waa hannaan asalkiisu yahay khilaaf siyaasi ah oo joogta ah, afkaar kala duwan iyo loollan. Waa se inaan khilaafku xadka dastuurka dhaafin. Daawadu waxa weeyi in muxaafidka maantu u diyaar garoobo inuu berrito mucaarid noqon karo, mucaaridkuna muxaafid noqon karo, oo mid waliba isaga oo taas laabta ku haya ku jiq siida iska dhaafo…”

Waa murti si dhab ah u taabanaysa halka sartu ka qudhuntay ee aan weli la abbaarin taas oo ah in muxaafidkuna isu diyaariyo mucaarid, mucaaridkuna muxaafid, mid walibana uu dhowro shuruucda dalka.

Talooyinkiisa YouTube-ka ku jira waxa iyana ka buuxa hadallo murti ah. Waxaan halkan ku sheegi mid aan maskaxda dhigaty.

“Illaahay adiga oo qof ah ayuu waajibaad ku saaray, sharciga dalku wuxuu waajib ku saaray adiga oo qof ah, adiga oo qof ahna xuquuq ayaad leedahay, meelna qabiil kagama jiro…”

Soomaliland ha garato raggeeda iyo aqoonyahankeeda dunta wacan.

Axmed Carwo-na waxaan odhan lahaa ha ka daalin hanuuninta. Abaalka aad ka wayday Madaxweyne Siilaanyo waxaad ka heli dadweynaha iyo inta wanaagga jecel. Wallee Madaxweyne Siilaanyo isagaa ku dhib qaba kaalinta aad kala maqan tahay. Illaahay caafimaad, cimri-dheer iyo nolol guul badan ha ku siiyo.

W.Q. Cali Jaamac

xeedho@ymail.com