Waddani oo tabobar u bilaabay garabka haweenka ee xisbiga

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga oo goobta ku wehelinayey ayaa maanta tabobar u furay garabka haweenka ee xisbigaas.

Tabobarkan oo socon doona laba maalmood ujeeddadiisu waxay tahay sidii haweenka xisbigu ay hawlahooda hufnaan ugu gudan lahaayeen isla markaana siyaasadda uga qaybqaadan lahaayeen qaab wax-ku-ool ah.

Munasibaddii furitaanka waxa hadal dhiirigelin ah haweenka u jeediyey  Guddoomiye Cirro, wuxuna kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tabobarka.

DSC01597

Sidoo kale, Guddoomiyuhu ka-qaybgalayaashii shirka wuxu ugu bushaareeyey in martiqaadkii koowaad ay garabka haweenku ka heleen Jarmalka, xubin iyaga ka mid ahina tegi doonto.

“Martiqaadkii koowaad Garabka Haweenku wuxu ka helay Garabka Haweenka ee Jarmalka. Waxa tegi doonta oo idin meteli doonta Faadumo Siciid” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Ifraax Xasan Cumar, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Waddani, waxay sheegtay in tabobarkani faa’iido u yeelan doono haweenka xisbiga isla markaana ay wax ka korodhsan doonaan.

Haweenka Waddani 2

Mustafe Axmed Xasan oo ah sarkaal ka tirsan dalladda haweenka ee Nagaad wuxu isaguna munaasibaddii furitaanka ka jeediyey hadal kooban.

“Waanu soo dhawaynaynaa tababarkan. Waxa loo baahan yahay haween xildhibaano iyo siyaasiyiin ah ee metela haween-weynaha. Tababarkani hawshaas ayuu idiin fuduaynayaa.” Ayuu yidhi Mustafe.

Waa tabobarkii koowaad ee xisbiga Waddani uu siiyo garabkii koowaad ee haweenka oo dhawaan lagu yagleelay Hargeysa.

Waxa diyaariyey: Axmed Ceelaabe

bandhige@gmail.com