Libaaxow, gari Allay taqaan (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)

Waxaynu beryahan ku dhex jirnay sheekooyinka habar-dugaag ee aan qaybo ka mid ah ku soo bandhigay buuggayga cusub ee “Murti iyo Mahadhooyin”, kuwaas oo jiilba jiil u soo gudbinayey lagana dhaxlay xikmado nolosha anfici kara:

Waxa la yidhi beribaa libaax aad u harraaddani uu damcay in uu ceel ka cabbo. Wuxuu arkay libaaxii in uu ceelku gun dheer yahay oo aanu si dhib yar uga cabbi karayn, hase yeeshee ay khasab ku tahay in uu biyo helo inta aanay naftu kaw ka odhan. Sidii uu isu lahaa biyaha si farsamo ah uga gun gaadh ayuu ku siibtay ceelkii. Si walba wuu isugu dayey in uu ka soo baxo, markii uu kari waayeyna wuxuu nafta u qoondeeyey geeri.

Saacado badan kadib ayaa awr isaguna harraadani uu ceelkii u soo arooray wuxuuna soo dul joogsaday libaaxii oo ay ka caddahay oo kolba gidaar fananaya.  Libaaxii markii uu awrkii arkay waxa gashay yididiilo nololeed, waxaanu ku yidhi:

“Awrow, waad i aragtaa oo meesha waan ku cadilanahay oo nafi iguma jirtee, waxaan kaa codsanayaa in aad ceelka iga saarto oo aad ii gargaarto.”

Awrkii wuxuu ku yidhi: “Libaaxow waan arkaa dhibta ku haysata, hase yeeshee haddaan kaa saaro aamin ma lihid oo waad i cunaysaa.”

Libaaxii baa ku yidhi: “Awrow, ma adigoo naftayda badbaadiyey ayaan kuu hunguroonayaa? Waxaan ballan kuugu qaadayaa in aanan far ku saarayne meesha ha igaga tegin waa la isku naxariistaaye.”

Awrkii oo baryadii Libaaxa ka adkaysan kari waayey ayaa intuu ceelka afkiisa fadhiistay qoortiisii dheerayd ceelkii ku laalaadiyey kuna yidhi libaaxii: “Waan kuu gargaarayaaye qoortayda soo qabso.”

Awrkii markii uu libaaxii ceelkii ka soo saaray ee uu mahad naq ka filayey, ayuu dusha uga baxay oo uu kuruska kaga fadhiistay. Awrkii oo yaabban masiibadan uu isku geystey ayaa yidhi: “Libaaxow mar haddaan ceelkii kaa soo saaray, wacadkii ha ka bixine iga deg oo ammaan i sii.”

Libaaxii wuxuu ku yidhi: “Awrow waa runtaa oo waad iga soo saartay, hase yeeshee waqti dheer ayaan ceelka ku dibjiray, waxna maan cunin oo gaajo igu raagtey baa i haysa, adiga mooyaane wax kaloo aan cunaana agagaarka kama dhawa ee sidee baan kaaga soo degaa?”

Awrkii wuxuu ku yidhi: “Horaa loo yidhi wacad laawe waa diin laawe. Igama kaa qabato, kaamana mudni anigoo ku badbaadiyey in aad i cunto ee fadlan iga soo deg.”

Muddo dheer markii ay dooddoodii socotay, ceelkiina ay iskala durkeen, ciddiyihii libaaxuna ku taagan yihiin kuruskii awrka, ayaa habar dugaaggii kale maqleen cabaadkii awrka, markaasay ku soo urureen. Kadibna libaaxii iyo awrkii waxay isla qaateen in ay gartooda u bandhigaan xayawaanka kale si loo kala furdaamiyo. Libaaxu wuxuu ku kalsoon yahay in aan gardarradiisa xayawaanka garta qaadayaa ka hor iman karayn maadaama uu boqorkoodii yahay, miskiinka awrku se waa iska daacad.

Xeerka garsoorka ayaa ah in haddii cid loo gar-qaadayo, gartooda la guda galo labada docood oo siman, sidaa daraadeed guurtidii xayawaanka kale ahayd ee garta qaadaysay ayaa libaaxii u sheegtay in uu horta awrka ka dego oo ay dhulka is garab joogsadaan kadibna gartooda la galo. Libaaxii illayn cidna kama baqo qabee wuu ku gacan saydhay, waxaanu amar ku bixiyey in isagoo awrka dusha kaga fadhiya ay garta naqaan.

Dacawadii oo guurtida garta qaadaysa ku jirta ayaa markii ay aragtay in talada libaaxu tahay aniga tayda ha la ii yeelo, isla markaana ka baqaysa in uu dilo haddii ay gardarradiisa ku caddayso, waxay tidhi:

“Waxaan boqorka iyo guurtidaba u soo jeedinayaa in aynaan waqtiga iska lumin. Gartani way caddahaye aan ceelkii dushiisa arrinta la tagno.”

Libaaxii iyo guurtidiiba way ku waafaqeen taladii dacawada. Markii ay ceelkii dul tageen ayay haddana dacawadii tidhi: “Si aan bal u fahamno siday arrintu ahayd iyo sida wax u dhaceen, bal boqorow horta adigu awrka ka soo deg oo na tus sidaad ceelka ugu dhacday, dabadeedna awrku ha na tuso sidii uu kaaga soo saaray, kadibna garta ayaanu jari doonaa.”

Libaaxii intuu awrkii ka soo deggey ayuu ceelkii ku dhacay. Dacawo waa farsamo-badane, halkii uu Libaaxii ka eegayey in awrkana la yidhaa na tus sidii aad libaaxa ceelka uga soo saartay, ayaa gartii halkaa lagu gooyey. Waxaanay xayawaankii libaaxii ku yidhaahdeen:

“Libaaxow, gari Allay taqaane, halkii uu awrku kaa soo saaray waad ku jirtaa; Awrowna waad joogtaa meeshii aad ammaanka ku ahayd intii aanad samayn axsaantii aad halista ku gashay. Soomaalidu hore ayay ugu maahmaahday waxa jira nimaad kabihiisa tolayso oo  kafankaaga tolaya. Dib ha ugu noqon in aad u gurmato libaax dambe ilayn waad taqaan dabcigiisee.”

Sidaasaa arrintii lagu soo gunaanaday. Libaaxiina waligiiba ha ka dhex cabaado ceelka guntiisa, haddii uu doonana haba ku dhinto!

Habar-dugaag iyo dardaarankii libaaxa

Wax walibe cimri lehe boqorkii habar-dugaagga ayaa inta uu da’ gabax yidhi xamil gabay. Wuxuu dhex yuurursaday godkii uu ugaadha la iman jiray markii uu itaalka lahaa. Cid ka naxda oo wax u keenta ayuu waayey oo gaajo iyo darxumo ayaa la daris noqday.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu isugu yeedhay dhammaan habar-dugaag, waxaanu ku yidhi:

“Waxaan doonayaa in aan idinla dardaarmo aniga nolol ii hadhay ma jirto’e.  Waxaanan jeclahay in dhammaan habar-dugaag halkan iigu yimaaddaan.”

Warkii markii uu xayawaankii wada gaadhay ayaa xaggiisii loo soo wada kicitimay. “Libaax baa dardaardamaya oo habar dugaag dan ka leh waa war innagu cusube bal aynu eegno waxa uu ina yidhaah” ayay yidhaahdeen. Labadii ugu horreeyey markii ay soo gaadheen ayuu markiiba  jeeniga ku qaaday oo uu si degdeg ah godka xaggiisa dambe isku dhaafiyey. Xayawaankii soo daba socday ee raadkooda ku joogay ee is lahaa godka hortiisa ayaa libaax saf loogu jiraa ayaa arki waayey wax meeshaka muuqda. Dacawo oo shaw meel ka khaawisaysay, libaaxana jartiisa taqaana, ayaa digniin degdeg ah u dirtay habar dugaaggii kale waxaanay tidhi:

“Xayawaanow, waxna waan arkay waxna waan ogahay. Libaax dardaaran uma jeedee markii uu kici kari waayey ayuu doonayaa in uu fadhiga innagu ugaadhsadee meesha innaga kaxeeya.”

Dabadeeto habar dugaag oo markan aqoonsan in aanu libaaxu lahayn tamartii iyo miciyihii lagaga biqi jiray, ayaa goobtii ku kala dareeray, waxayna yidhaahdeen:

“Awalba libaaxa hoggaamin iyo karaamo lagu daba socdo kuma aynu ogayn ee cabsi iyo caga-juglayn ayaanu kula soconay. Maanta oo uu talax gabayna fadhiga nagu cuni maayee gaajo kaligii ha u dhinto.” Halkaasaa boqorkii dhammaa ee habar-dugaag oo xamil gabay lagaga dhaqaaqay cidla iyo ciirsi la’.

Qisadan waxaynu ka faa’iidaynaa laba arrimood. Ta koowaad waa in aad ogaato khayaamo kasta oo aad waddo in ay jirayso cid kugu fahmaysaa, sidaa daraadeedna daacadnimo wax kuu dhaamaa aanay jirin. Ta labaadna waa in aan cidna  xoog lagu maamuli karin ee xirfad iyo hoggaamin wax lagu maamulo. Haddii aad xoogga isku hallayso, ogsoonow goor ay noqotaba xooggaa waad waayi doontaa, kuwii xooggaa kugula socdayna waad waayi doontaa!

La soco sheekooyinka dambe…

Bandhige@gmail.com