Buugga โLiquid Love: On the Frailty of Human Bondsโ waxa uu ku doodayaa, isbeddelka ku yimid hab-nololeedkii adduunku in uu galaaftay xidhiidhadii jacaylka ku dhisnaa ee uu aadamuhu yeelan jiray. Haddii uu yahay jacaylkii lammaane dhex mari jiray, iyo xitaa xidhiidhadii saaxiibtinimo ama shakhsiga ahaa ee laakiin aan danaha gaarka ah iyo damaca ku dhisnayn.
Nolosha casrigan ayaa noqotay mid sabbaynaysa oo hubaanti laโaan ku dhisan, jaahwareerka iyo warwarka ka dhashayna waxa uu raad taban ku yeeshay xidhiidhkii dadka oo uu ka dhigay mid u nugul burbur iyo isbeddel joogto ah.
Taas oo aad uga duwan waayihii hore oo ay xidhiidhadu ahaan jireen kuwo ku dhisan dareen dhab ah oo kalgacal, sidaas awgeed lagu yaqaanno xasilooni iyo in ay waaraan.
โJacaylka casrigan jiraa waxa uu isu beddelay jid lagu gaadho raaxo iyo ladnaan, kumana dhismo dareen kalgacalโ ayaa uu yidhi qoraaga buugga Zygmunt Bauman oo ku xeeldheer falsafadda iyo cilminafsiga.
Waxa uu sheegay in xidhiidhada casrigani ay yihiin ku-meel-gaadh aan cago adag ku taagnayn oo ku dhisan dano is dhaafsi, labada qof mid kastaa uu xidhiidhkaas sii wadayo keliya inta uu ka arkayo ujeeddadaas, iyada oo aanu jirin xiise iyo kalgacal dhab ah oo riixayaa.
Sababaha dabeecaddii aadamaha sidan foosha xun u beddelay ee uu qoraagu sheegay, waxaa ka mid ah;
1. Duruufaha nololeed ee casriga ah oo noqday kuwo qofka baraya in waxa koowaad ee uu ka fikirayaa ay noqdaan naftiisa. Waana sababta ay maanta u xoogaysatay raadinta xuquuqaha fardiga ah, iyo in qof kastaa uu doono in aanay cidi ku soo faragelin doonistiisa iyo waxa uu falayo ama goโaamada noloshiisa u gaarka ah.
2. Waxa uu qofkii noqday dantii-maraad ay hagayso laydha noloshu, sidaas awgeed aan diyaar u ahayn axdi dhowris iyo in uu guto waajibaadka ka dhalanaya xidhiidhada uu samaynayo, isaga oo ka cabsi qaba in axdiyadaas iyo waajibaadkaasi ay caqabad ku noqdaan waayaha nololeed ee uu baacsanayo.
3. Bauman waxa uu ku doodayaa in isbedellada xawaaraha ku socda ee casrigani ay sababaan in qofku uu naftiisa waayo, sidaas awgeed uu dadaal ugu jiro sidii uu isu heli lahaa, una noqon lahaa qof jira oo jooga kaalintii uu u qalmayey. Halgankaas uu naftiisa ku raadinayo awgeedna aanu diyaar u ahayn in uu galo xidhiidho aanu ka arkayn dantiisa.
Xigasho:Kamaal Marjaan
Bandhige@gmail.com
#ARAGTIDA_KA_DHIIBO: FIKIRKAN MA KU RAACSANTAHAY #QORAAGA?