Loolankii Siyaasadda Malayga (WQ: Axmed Cabdi Aadan)

Loolankii Siyaasadda Malayga

Aakhirkii Mahathir Mohamed wuxu u mahad naqay dadkii lasoo shaqeeyey, hadalkaa waxa loo fasiran karaa in uu aqbalay Muhyaddin Yassin oo saaka loo dhaariyey Ra’isal Wasaaraha Malaysia.

Sida wax u dhaceen, waxa muuqata: Mahathir oo laga adkaaday iyo Anwar oo kursigii dhaafay.  Sida shaxda loo dhigay:  Mahathir muu khiyamayn Anwar ee Mahathir laftiisa ayaa la khiyaamay – waa sida maxsuulku u muuqdo hayeeshee, xaqiiqadu sidaa maaha.

Xaqiiqadu waa in Mahathir khiyaamay Anwar Ibraahim.  Ninkan la doortay waa guddoomiyihii Ururkii Mahathir.  Mahathir iyo Muhyaddin waa saaxiibo isku aragti ah, waxa ay ka sinnaayeen kursiga in la waydaariyo Anwar.

Shax baa la cayaaray heersare ah, sidaana waxa lagaga gudbay Anwar Ibraahim iyo hankisii.  Haddii aan gadaal wax iska bedelin – isma bedelayaane – Anwar waa la khiyaamay.

Anwar in la khiyaamaa ma qalad baa ay ahayd?  Maya! Malaygu way ku wada socdaan Anwar in la waydaariyo karkarka.  Anwar kama ay maarmayn Mahathir iyo Muxyaddiin xilligii doorashada – 2018kii – balse Anwar marnaba lama ay rabin kursiga.

Soomaalida wax kusoo baratay jaamacadaha Islaamiga ah ee Malaysiya waa ay la baroorranayaan saaka Anwar balse, Jamacadaha waawayn ee Malaysia, sida: Malaya University, istareex baa ay joogaan saaka.

Anwar waa nin furfuran oo isdhexgalka bulshada aan  ka qabin cuqdad; waa nin aqoon u leh diinta oo cibaadaysta balse, Malayga waddankooda jecel, Anwar waxa ay ka waayeen isir jacayl.  Waxa kale oo la duraaa waagii uu ahaa Wasiirka Tacliinta.   Wasaaradda Maaliyadda kolkuu joogay, waxa la leeyahay laguma qiimayn karo oo Raisal Wasaaraha ayaa la maamulayey.

Anwar in lagu celiyo xabsiga ayuun baa gunnimo ah.

Siyaasadda Somaliland faalladeeda waxa dhammeeyey Prof. Buubaa markii uu yidhi:  Madaxweynuhi wuu hafiyey Xisbiyada.

Prof. Buubaa waa siyaasi xambaarsan mabaadii oo aqoon u leh dhaqanka iyo dhaqaalaha. Wuu fahmi karaa xeeladda balse xeeladdu (strategy) maaha mihnadiisa.

Muuse waxa laga soo xigtay “saqda dhexe haddii uu Buubaa hadlo ii kiciya hadalkiisa”!

Mudane Biixi wuu ku kaliyeystay siyaasadda guddaha ee Somaliland, hayeeshee hawshii (siyaasadda gobolka) waa halkeedii.  Nin la sugayow adna yaad sugi?