Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Berbera Ku Soo Celisay Xoolo Ka Dhoofay Dekedda Berbera

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa dekedda Berbera dib ugu soo celisay dooni bishii January ka qaaday xoolo adhi ah oo dhamaa 4600 (Afar kun iyo lix boqol oo neef).

Doonida qaaday xoolahan ayaa barqadii shalay ku soo noqotay dekedda Berbera, iyadoo sidda xoolo dhan 3000 oo neef oo ka mid ah xoolihii ay qaaday, iyadoo xoolo lagu qiyaasay 1500 oo neef ay ku dhinteen. Lama garanayo in xoolaha dhintay ay darxumo darteed ugu dhinteen doonida qaaday dusheeda  markii ay dawladda UAE diiday in la dejiyo iyo inay ku dhinteen maxjarada dalka UAE.

Xoolahan ayaa markii la soo dejiyay waxa ka muuqatay tabcaan iyo darxumo, waxaana la geeyay marxjarada Berbera oo markii hore lagu sii  hubiyay tayadooda caafimaad.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumada Somaliland ka soo saartay xoolahan dib loogu soo celiyay.

Xigasho: Geeska Afrika