Haddii ay Carruurtaadii faraxsan yihiin oo aad u iibisay dharkii ciida iyo alaabtii ay ku ciyaari lahaayeen ,oo aad waliba ku hamiyeyso in aad maalinta ciida kaxayso oo aad soo warwareejiso .
Waxaa jira , kumanaan iyo kumanaan Carruur ah oo aan farxadaasi nasiib u helin ,
Waxaanse ku fikiray anigoo kaashanaya bulshada samaha iyo khayrka jecel in aan uga faa’iideeyo qaar ka mid ah Carruurtan oo hamigaygu ahaa in aan gaadho 500 oo carruur ah tobanka Cisho ee ka dhiman ciida , habka ee lagu gaadhi karaana waa innagoo samayna xilna iska saarna in qof waliba laba carruur ah uu kafaalo qaado , oo uu ciidsiiyo , barnaamijkani khayriga ahi wuxuu ku kacayaa $12500 oo doolar.
Nasiib wanaag waxaa maanta oo kaliya ah oo ii suurto gashay in aan ciidsiiyey 8 Carrruur ah oo ka soo jeeda 4 Qoys oo danyar ah kuna sugan magaalada Hargeysa igana caawiyey nin dhaliinyaro ah oo ku sugan qurbaha khayr alle ha siiyee.
Si kasta ha ahaatee walaalkayga iyo walaashayda muslinka ahow ma jeceshahay in aad igala qayb qaadato barnaamijkan faa’iida inoo leh aakhira iyo adduunyaba ,
Haa , waad ka qayb qaadan kartaa , haddii aad laabta u sii dayso .
Noloshu waa ayaamo , waxaad maanta haysato uun baad ku xisaabtami kartaa , garan mayno waxay beri noqon , aakhirana waxaa keliya ee aad baxsato ee sadaqo ah uun baa kaag horeynaya .
Guntii iyo gabagabadii Su’aashaydu waxay tahay ma ciidsiin karaa 492 Carruur ah ee hadhay?
Tell: 00252-63-4402758
Hargeysa Somaliland