Dhibka ka Jira Xeebaha Bariga Berbera (WQ: Aadan Cali Wiilo)

 

Xeebaha bariga Berbera waa xeeb aad udheer waxaana ay kala tirsan tahay labo gobol oo kala ah gobolka Sanaag iyo gobolka Saaxil marka laysku daro waa 360km, Saaxil waxay xukuntaa 180km dhulka intaa leeg wax adeeg bulsho ahi kama jiraan oo astaan dawladeed ahi asbuucan waxaa ku dhintay labo nin oo gaadhi ka galay oo haraad u dhintay lama tirin karo inta qof ee sidaas oo kale haraad ugu dhintay ama xanuun, umul aroor gabadha dhali waydaa way isku dhimataa la koobi dhibteeda dadka halkaas degeni waxay ku soo safraan awr ma jirto meel awr lagaga soo safraa xeebtaas mooyee.

Way hagratay dawladu sida la ogyahay waxaa u dhaantay dawladii siyaad bare oo labo elji ayey u iibisay oo is bedili jiray oo marba mid u bixi jiray oo reer miyigu kusoo safri jireen, maalinta cod laga doonayo ayuunbaa la tagaa.

Waxaan leeyahay dadka codka laga doonayo hala ogaado waxay ku noolyihiin dadka codka laga doonayaa waxaa kaloo aan iyagana aan canbaaraynayaa shirkadaha taleefoonada oo iyaguna sanayste yaal ah oo meesha aan dakhli badnayn aan dan ka gelin iyadoo dhulkaas aan ka waramay aan wax taleefoon ahi ka dhicin oo ay lacagta ka guetaan meelaha dhakhligoodu xad dhaafka yahay.

Wabilaahi tawfiiq

 

WQ: Aadan Cali Wiilo