Tirada dadkii ku dhintay gurigii London waxay gaadhay 12 qof

 

Booliska ayaa sheegay in laba iyo toban qof ay ku dhinteen dhisme dheer oo dab qabsaday oo ku yaal galbeedka magaalada London. Waxaana la filayaa in ay tirada dhimashadu korodho.

Shaqaalaha dab demiska oo lagu wargeliyey masiibadan abaaro 12:54 habeenimo saacadda London, ayaa ka badbaadiyey 65 qof dhismaha dheer ee Grenfell Tower oo ku yaal woqooyiga Kensington.

Dad goob joog ahaa ayaa sheegay in dadku ku go’doomeen dhismaha dheer oo ay u qayshanayeen in carruurtooda loo soo gurmado oo la badbaadiyo.

Wasiirka booliska iyo dab demiska, Nick Hurd, ayaa sheegay in ay hadda qorshaynayaan in ay baadhaan dhismeyaasha dhaadheer ee la mid ka ah kan gubtay.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in 68 qof oo dhaawacmay loo kala qaaday lix cisbitaal oo ku yaal magaalada London, dadkaas oo ay ka mid yihiin 18 qof oo xaaladoodu adag tahay.

Taliye-xigeenka waaxda dab demiska London, Steve Apter, ayaa sheegay in weli dab ka baxayo qolal ka mid ah dhismaha, kuwaas oo ah kuwa xaga sare ku yaal ee ay adag tahay in la gaadhaa, bal se dhismaha gabi ahaantiiba dadkii laga daad gureeyey.

Ra’iisal wasaare Theresa May ayaa sheegtay in ay aad uga murugaysan tahay in dad naftooda ku waayeen shilkan.

bandhige@gmail.com