“Hab-korinta Ilmaha Afrikaanka ah.”
Afrika waa qaaradda libaaxyada iyo bahalo galeenka, dadkeedu waxaay aaminsanyahiin inaad libaax ama shabeel midkood lagugu magac darro, laakiin xayawaanka kale waaba ceeb in laguugu yeedho.
Ilmaha dhasha iyo midka qaangaadha waxaay xiiseeyaan dhaqanka libaaxa kaasoo ah boobka iyo dhaca aan geed loogu soo gabban, waxaad maqlaysaa:
“Hebel waa libaax ama waaba Shabeel, laakiin maqli maaysid hebel waa Dameer.”
Libaaxu weligii tacab naftiisa muu galin diyaar na uma aha inuu tabcado, lagumana tabcan intii lasoo noolaa, haddana waa xoog iyo boob ku noole aan lahaayn sabir iyo dulqaadka baahida iyo saboolnimada, waxa intaas u dheer dabeecad xummida waxaana tusaale u ah inuu aragtida noolaha kale markaay ishiisu qabato ka jidh-diido isla markaanaa uu dagaal ku qaado kana takhaluso cidkasta uu ka awood badiyo. Halka dhiggiisa waa “Dameeree”….
Dameerku waxa uu kamid ah xayawaanka ugu dulqaadka iyo adkeeysiga badan noolaha intaaynu aragnay, tacabka inta ugu adag ayaa loo adeegsadaa waana lagu daneeystaa, lagama maqlo weedhaha soo kala dhowaaysiga ee dadka kala sooca sida: ” ma ninbaa i rartay mise waa dumar?, qolomaa tahay IWM”, waase u adeegaa ciddii martida maalintaas.
Dameerka agtiisa waa ku ceeb boobka iyo xoogga xatooyada dadka mana sameeyoo dhaqamada libaaxa ee aan lahaayn biri-magaaydada iyo xeerin la’aanta.
Dameerka danyar oo dhan ayuu dushiisa ku xamaalaa, noolahaas Alle inoo sakhiray kibirka waa uu ka didaa, quudhsiga xayawaanka weligii laguma sheegin, waa hayin Aadmaha u seetaaysan tan iyo marka laga saaray layliga ee lajara barray, waa saxiib dhoow oo noolaha oo dhan, waana tusaale wanaagsan oo u baahan kol haddii magac xawayaan la sheeganaayoo, in kan abaalka innagu leh aan sheegano sida ” Hebel dameer”.
Haddaba ilmaha libaax loogu magac daray ee looga sheekeeyay sheeko baraleydii libaax jid-gooyo ku jira ama dawaco wax khayaamaysay, soo noqon maayoo ilme ku dhisan nolol dhac iyo boob ku dhisan?
Ma dameer baad ahayd, mise libaaxii tunka waynaa?