Wasiirkii hore ee wasaaradda wershadaha ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, haatanna katirsanaa golaha dhexe ee xisbiga Waddani Cabdirisaaq Cismaan Axmed, ayaa shaaca ka qaaday inuu gebi ahaanba xisbigaas iska casilay, waxana uu bulshada u faahfaahiyey asbaabta ku kalliftay inuu is casilo.
Cabdirisaaq oo isaga oo magaalada Borama jooga saxaafadda la hadlay, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyey caddaalad-darro, waxaana uu xusay in aanu xisbigaasi ahayn mid ummadda lagu aamini karo, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:
“Xisbiga Waddani waan dhexgalay, waxyaallo bandanna waan ku arkay, markaan daraasad fiican ku sameeyeyna waxaan ku arkay caddaalad-darro iyo inaanu wadi karin doorashada madaxtinimada qaranka, aniga oo golaha dhexe ee xisbigaas ka tirsanaana waxaan go’aan ku gaadhay in aan xubinnimadii iska casilo.”
Cabdirisaaq Cismaan waxa uu hoosta ka xarriiqay in aanu Waddani u qalmin in uu qaranka hoggaamiyo, isla-markaana aanu ahayn xisbi ummaddu isku hallayn karta oo bulshada badhaadhe gaadhsiin kara.
Xubinta haatan iska casishay xisbiga Waddani ayaa waxa ku soo beegmatay xili uu xisbigaasi laba garab u kala jabsan yahay.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: