Trump waxa uu sheegay in uu Maraykanka ka saarayo muhaajiriin gaadhaya 2 ilaa 3 milyan

Donald Trump ayaa sheegay in muhaajiriin tiradoodu gaadhayso 2 ilaa 3 milyan, oo sharci darro ku jooga Maraykanka uu dib u celin doon marka uu xafiiska la wareego.

Trump oo wareysi siiyay telefishinka Maraykanka laga leeyahay ee CBS, ayaa sheegay in si gaar ah uu u beegsan doono kuwa dembiyada galay, kooxaha budhcadka ah iyo kuwa daroogada ka ganacsada ee ka mid ah muhaajiriintaasi.

Waxa uu intaa ku daray in masiirka sideeda milyan ee dheeraadka ah ee sharci darrada ku jooga Maraykanka, go’aan laga gaadhi doono marka la adkeeyo ammaanka xuduudaha dalkaasi.

Trump ayaa sheegay in qeyb ka mid ah derbiga uu ballanqaaday in uu ka dhisayo soohdinta uu dalkiisa la wadaago Mexico, uu noqon doono mid silig.

Donald Trump ayaa waxa uu ololaha ku galay saarista muhaajiriinta, baabiinta barnaamijyada iyo heshiisyada aanay dani ugu jirin Maraykanka iyo dib u soo noolaynta quwada Maraykanka.

Donald Trump ayaa waxa horyaal balanqaadyaddii badnaa ee ku galay ololaha doorashada kuwaasi oo qaar badan taabanayaa waddama ayaa saaxiibka dhow yihiin Maraykanka iyo dadweynaha Maraykanka qaarkoodba.

bandhige@gmail.com