Ma dareen hadlaane waa dadnimo hadlaan (WQ: Bashiir Maxamed Bashiir)

Awood qaanuun sharciya (statutory authority) ayuu mudanaha xildhibaanku u leeyahay ka faalloonta xaaladda guud ee siyaasadeed iyo jihada dalku u socdo (general political situation iyo direction of country) in aragtidiisa ku kabo, si fagaare  ama hab qoraal labada tii la gudboon. Waxa aan akhriyay Cali Coomay, oo faallo qalaafo leh ka qoray Xil. Maxamed Abiib  iyo Xil. Axmed Yaasiin, oo si wacan u hal tabiyay hawlo shaqo maalmoodkooda dastuuriga  tiir dhexaad u ah (daily work as central pillar of SL constitution) dhawaan taas oo ay kaga hadleen arrimo taagan oo siyaasadeed iyo Billi Aadantinimo. Labada xildhibaan waxa ay iftiimin iyo hogotusaale iskugu kabeen xukuumadda iyaga oo farta ugu fiiqay jidka saxda iyo sharciga balse Coomay, waxa uu dhibsaday sheegistooda xaqa ay sheegaan oo waxa uu la dhacsan yahay raafkii biromagaydada Laascaanood iyo towrada adeerkii in aan weedh fagaare laga odhan dadka qaran wadaagta iyo madaxdoodu aanay wax ku darsan arrimaha siyaasiga ah balse towradda Heego loo sacabo tumo sax iyo khalad ba. Qoraalkiisa waxa uu yidhi Maxamed iyo Axmed waxa hagta “caadifad”, isaga oo aanan u cuskan qoddobo cilmiyaysan iyo daraasad. Caadifad ma hagto xildhibaanada inta ogaalkayga ah waa  laba kaadir oo caqli iyo cilmi ahaan dhisan, dareenkooda mashaacireed u gudbiya si badhax tiran, edebsan oo ka fog caadifad laakiim, ay sal u tahay runsheegis, dhiiranaan iyo metelaad shacab oo dhab ah. Caadifada  qofka marka la qiimaynayo waxa loo cuskadaa arrimo ilaa todob qoddob ah (Emotions are assessed based on seven factors as psychologists describe) sida xeel dheerayaashu cilmi nafsigu ku tibaaxeen buugaagta ama isku raacsan yihiin mabdiyan intooda foollaadka u ah.

Xil. Maxamed Abiib iyo Xil. Axmed Yaasiin, hadal jeedinahooga  waxa saldhig u ah xogagaalnimo, ku dhac, dhiiranaan iyo metelaad shacab oo aan labaclabac ahayn. Xildhibaanadda hadda soo baxay ee ay labadani ka mid yihiin intooda badan waa kuwo laa hadda lagu diirsaday metelaadooda qaran iyo deegaan doorasho si gaara Awdal.

Cali Coomay, oo sheegta qoraa waligii ma dhaafin beeshiisa had iyo jeer waxa uu wax ka qoraa ardaaga tolkii xataa Hargeisa, oodwadaagta degta qoraal ay iska dhex wada arkaan kama qorin ninka noocaasa ayaa isku dhererinaya Abiib iyo Yaasiin oo muddada yar ee ay gollaha joogaan si dhaba ugu hadla guud ahaan dareenka bulshadda Somaliland.

Bashir Mohamed Bashir

Hargeisa, Somaliland

bashiirmaxamed653@gmail.com