Ma Ficil bay ahayd mise Caadifad la soo noqoshadii Somaliland? (WQ: Prof Cabdi Cali Jaamac)

Aynu Saxno Kalmadda ku Habboon la soo Noqoshada Somaliland.

Ma Ficil bay ahayd mise Caadifad la soo noqoshadii Somaliland; Labda Xamar baa, runtii, Caadifad Samaysay, Hargeysina Way ka Ficil Qaadatay!!

Luqadda ama afku waa in uu sawir saxa ka bixiyaa waxa laga hadlayo; haddii aynu nidhaa la soo noqashadii madaxbanaanida Somaliland caadifad bay ahayd, kama run sheegayso, sawir dhab ahna ma siinayso qofka aan maalintaa  goob joog ahayn ama dhalan ba; kalmaddan afka ayaa la isugu riday, mana ah sax, dadka waaweynina iyagu maba garanayaan; laakiin kalmadda ku habbooni waa ficil; haddii aad tidhaa Somaliland waxa loola soo noqday ficil waa sax Af-somali ahaan, maxaa yeelay waxay sawiraysaa wax dhacay iyo wax lagaga jawaabay; luqadda afka Somaliga marka la yidhaa hebel ficil buu waxaa u samaynayaa waxa aad markiiba fahmaysaa in ay jirto wax lagu sameeyay oo uu ka fal celiyay.

Haddii caadifad macnaheedu yahay laab-la-kac aan caqli ku dhisnayn, waxay sax ku tahay in Muqdisho loo isticmaalo; waxa la odhan karaa: caadifad baa qaaday Muqdisho markii ay dawlad iska samaysteen kaligood, taasi waa ku sax, oo iyaga ayaan qabaa in caadifadi qaaday; haddii lagu yidhaa ninkii hebel laab-la-kac ayuu sameeyay, ma sheegayso in uu jiro wax hore oo lagu sameeyay; dee waa dhab; ma jirto wax lagu sameeyay oo ay ka falcelinayeen reer Muqdisho, sidaa darteed wuxu ahaa fal laab-la-kac ah ama caadifad ku dhisan; waxa ku tusaysa in uu caadifad ahaa dee waa kuwaa Somaliland wali daba socda, ee leh kaalaya walaalayaal; dee ugu yaraan bal marka aad noo baaqaysaan waxaad tidhaahdaan walaalayaal laab-la-kac ayuu ahaa dawladdii aanu kaligayo iskaga dhawaaqnay, ee bal kaalaya walaalayaal; laakiin idinka yeeli mayno in aad waliba annagii na tidhaahdaan caadifad baad u goosateen!! yaabnaye ma yaabteen.

Haddaba ficilku waa ka mid dhaqanka iyo dabeecadaha bani’aadamka; inta badanna wuxu ku dhisan yahay mabda’ caqliga ah ee la yidhaa “Reciprocal”, oo ah in aad ula dhaqanto dadka sida ay kuu la dhaqmaan; matalan qof baa ku soo dhaweeyay, adna waad soo dhawaysay; wuu ku fogeeyay, adna waad fogeysay; haddaba reer Muqdisho dadkii reer Somaliland oo sugaya ayay kaligood dawlad iskaga dhawaaqeen; dadkii Somalialand na kaligood ayay si ficil ah dawlad iyaguna ugu dhawaaqeen ; tan waxa la yidhaa mabda’ talantaaliga (reciprocal), waana mid caqli ku dhisan,