Ma dhawayn wakhtigaan bartay oo waxa I baray qalinkiisa. Ma dhawayn wakhtiga aan warbaahinta ka maqli jiray magaciisa. Dhawr iyo toban sanno ka hor, haddaanay labaatan sanno ahayn, ayaan bartay qalinkiisa. Maxamed Siciid Gees, xilal badan oo kala duwan buu ka soo qabtay Jamhuuriyadda Somaliland.
Waan ku kalsoonahay in ay jiraan dad badan oo iga badiya aqoontiisa oo ay jid wada mareen, jidiin wada cuneen, jabad na wada degeen. Hase ahaatee, waxa laga yaabaa inaad isweydiiso qof aanay aqoon isu lahayn sidee buu qof kale wax uga odhan karaa? Jawaabtu ma foga ee ii samir, iskuna day inaad qoraalkan gebogebadiisa gaadho.
Magaca, sumadda iyo sawraca Soomaali ma aha sida dadka qaarkood u yaqaannaan oo wax meel kaliya ahi ay sheegan karto, odhan karto ciddaas iyo ciddaas baa u talisa ama magaalo kaliya ayaa leh. Soomaalinnimadu maaha siyaasad ee waa isir iyo qoomiyad. Waxaan uga socdaa, Soomaalida waxa lagu sheegaa ummad taariikhdeedu ‘Odhaah’ ku dhisan tahay oo ay yar tahay inay wax qoraan.
Walow aqoonyahan iyo abwaanno badani tilmaameen in wixii la qoraa ay quruumo hadhaan, imikana uu jiro kacdoon wax-qorid iyo halabuur, ha iskaba taag darraadee, haddana wali dhibtaasi ma suulin. Waxa suurtogal ah inaad tidhaahdo, muxuu aqoonyahan Maxamed Siciid Gees uu gaar ugala soo baxay, iyadoo dad badan oo kale joogaan? Saddex sifo ayuu aqoonyahanku, Ilaahay cimriga ha u barakeeyo’e, kaga duwan yahay soomaalida kale badan kooda, sidaan aaminsanahay. Ila tiri oo haddii aanad igu raacin, waa ‘majirtadaa’ igu dheh.
Aqoonyahan kasta oo sooyaal iyo tagto waayo kala duwan u soo taagnaa wuxuu galbadaa isaga oo inuu ka hadlo mooyaane, aan qoraal ku weelaynin! Midhkaa wuu kaga duwan yahay Maxamed Siciid oo isaga oo nool ayuu odhaah iyo dhigaal ba ina yidhi wixii uu u soo taagnaa. Haa, ‘Dharaaro Xusuustood’ qormooyinka la yidhaahdo ma akhriday? Haa dheh dee.
Haddaanad akhriyin imika raadso qarniyo xusuustood baa ku seeggane. Maxamed Siciid Gees sifada kale ee aan aaminsanahay inuu kali ku yahay baa ah; kalbaxsanaanta iyo hufnaanta aan mugdi ku jirin ee uu uga waramo wixii uu u soo taagnaa iyo intii uu waayo-aragnimo ku dhaxlayba oo xaqiiqdii aad mooddo inaad filim daawanayso marka uu ka sheekaynayo. Sababtoo ah, taariikhdu kama soo hadho run-ka-sheeg iyo habrasho-la’aan, haddii kale qofkaasi wuxuu qoraa wuxuu hadoodilo iyo taariikh majaro-habow keenta.
Isaga iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), labadooda iyo in badan oo kale, marag Alla ayaynu ka wada nahay kaydkay reebeen. Laba qodob ma iga haysaa? Sifaha saddexaad ee aan aaminsanahay in uu Maxamed Siciid Gees kaga duwan yahay aqoonyahanka kale waxay tahay; nin kasta oo geddiisa ahi iyo mid kasta dabadii siyaasad soo galay amma maalin ka dhex muuqday wuxuu raadsadaa cad quudheed iyo siyaasad abbaheed goblantay oo ugu yaraan Soomaaliya u yaacaan oo u xilal iyo mansab doontaan. Maxamed Siciid Gees iyo aqoonyahan/Siyaasiyiin badan oo kale oo ku qanacsan Jamhuuriyaddoodan ayaa badan oo jira. Waa sifaha saddexaad ee aan rumaysnahay inuu mudan yahay ammaanteeda iyo bogaadinteeda.
Ta kale, waxa in badan la yidhaahdaa ‘Soomaalidu waa xabaal-ammaan’ oo qofku marka uu dhinto ayay yidhaahdaan ‘Wuxuu ahaa..’. Waa dhab, waxaanse qoraalkan u qorayaa in aan idhaahdo, adeero mahadsanid. Maxamed Siciid Gees, xil ku saarnaa iyo xilal badan oo kale oo facaa saarnaa ayaad gudatay. Qoraalkaygan iyo hadal kasta oo afka laga yidhaahdaa ma daboolayo abaalkaad naga mudan tahay, waxayse ka noqonaysaa badweyn dhibic biyo ah laga daray. Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), Allahaa u naxariistee ayaa yidhi;
Ha laguu ilmeeyee,
Horta dhimo af-maahee,
Eeggoo la noolyiyo,
Ifkaan kaaga baahnahay,
Wax yar oo aqoonsi ah.
Dunnida laguma waarayo’e, imika adiga oo nool naga hano hambalyo, duco iyo abaal aannu kuugu hayno dhaxalka aan guurayn ee aad noo reebtay. Adeero waan rejaynayaa oo waliba kaa sugaynaa haddii Alle qaddaro in aad qormooyinkaa oo hormaysan oo la daabacay aannu aragno. Waxa kale oo aan ku hanweynahay in soo-jireenka kale ee da’daada ah amma ay jiraan waayo ay u soo joogeen ee aan qorin, ay qoraan oo facayaga iyo jiilka dambe loo reebo. Sababtoo ah, madal kasta oo la yimaaddo waa laga hadlaa, hadal na ugu yaraan wax baa lagu daraa oo waa la beddeli karaa. Qoraalkaa quruumo hadha. Ifka samo ku nooloow adeero, aakhiro na dembi-dhaaf iyo wanaag baannu kuu waydiinaynaa Ilaahay dhammaanteenba.
Barkhad M. Kaariye
05 May 2016.
Hargeysa, Somaliland