Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wefti oo uu hoggaaminayo ayaa safar qaatay labo cisho, ku soo maray deegannada hoostaga degmooyinka Salaxley iyo Sabo-wanaag ee Gobolka Maroodi-jeex .
Ujeeddada safarka Guddoomiyaha ayaa ku qotontay sidii uu Guddoomiyuhu ugu kuur gali lahaa una soo kormeeri lahaa goobaha dinwaangelintu ka socoto ee deegannadaasi.
Dhammaan deegaannadii ay mareen weftigani, ayaa waxay kala kulmayeen soo dhawee diiran.
Guddoomiye Faysal oo goob walba dul tagayay, isagoo xog-waraysanayay madaxda goobahaasi si uu u ogaado habsami u socodaka hawlaha diinwaangelinta, isagoo intaas ka dibna u gudbinayay talooyin ku aaddan muhimadda diinwaangalinta iyo sidii ay bulshada uga dhaadhicin lahaayeen.
Sidoo kale wuxuu ku boorinayay masuuliyiinta goobaha dinwaangelinta in ay si fiican ugu adeegaan bulshadooda.
Waxaa xusid muddan in bulshada deegaanka Qotton-dabo ay dalbadeen in muddo kordhin loogu sameeyo muddada dinwaangelinta, iyagoo sabab uga dhigay bulshadii deegaankasi oo u hayaamay wakhtiyadii abaaraha meelo aad u durugsan.
Gudoomiye Faysal ayaa bulshada ugu baaqaan bulshada ku dhaqan deegaanadaas, waxaanu sidoo kale u sharaxay qiimaha diinwaangalinta cod-bixiyayaashu u leedahay, isagoo ku dardaaray in ay si mug leh uga qeyb qaataan diinwaangelinta.
Geesta kale Guddoomiyuhu wuxuu soo kormeeray Cusbitaal dhismihiisu ka socdo Deegaanka Labi Sagaale, waxaanu Guddoomiyuhu u ballan qaaday in uu Lacag dhan 2000 oo doolar (Laba Kun Oo Dollar) kaga qeyb qaadanayo dhismaha Cusbitaalkan .
Odayaasha iyo Mada-dhaqameedka deegaankaasi ayaa sheegay in ay Guddoomiyaha u bandhigeen dhismaha Cusbitaalkan, isla markaana ay aad uga mahad naqayaan sida uu ugu dhago nuglaaday ee uu uga qeyb qaatay dhismaha Cusbitaalkan.