Dayaca dhallinta dalka (WQ: Cabdisalaan Haybe Aadan “Greenland”)

Si aad u hesho geed manfac iyo midho taabo gal ah leh waxa ay u baahan tahay daryeel iyo xanaanayn joogta ah, haddaba dhirtu waa shayga kaliya ee dhammaan adduunka noolaha ku uumani ay ku xidhan tahay noloshoodu si toos ah ama si dadban.

Haddii dhirta la waayo waa maxay waxa soo wajahaya nolosha noolayaasha aynu sheegnay, mase suurto gal tahay in ay in door ah sii noolaadaan, jawaabta aynu isla markaaba helaynaa waa maya.

Tiro geedo ah waxay sameeyaan dhir, tiro dhirina kayn ayay sameeyaan haddaba dabar go’a dhirtu waxay ka soo bilaabantaa hal, laba ama wax ka badan oo dhir ah lana dabar gooyo macnaheedu waa bilawga dabar go’a dhirta, haddaba dhallin waa midhaha anfaca, badelka iyo laf dhabrta bulshada, dayaca dhallintuna waa masaa’ib keeni kara dabar go dadban iyo mid muuqdaba.

Sida si lamid ah dhallinyaradu waa jiil isku da’ah amase isku dhaw da’a ahaan wakhti isku midana wada nool, sidoo kalena ah hantida bulsho haysato amase ay leedahay, lahaanshahaa oo macnaha ka danbeeyaa yahay inay dhalintu noqoto badelka dhaxal galka ah ee dadka horkaca u ah bulshada, si lamida sida uu geedka yari u baddelo geedka weyn marka uu meesha ka baxo una joogteeyo mareegta nolosha.

Haddaba sida la wada ogsoon yahay dalkeena Somaliland waxa ku nool dhallin marka la qiyaasona lagu dhawayn karo tiro ahaan in ay bulshada boqolayda ugu badan ay yihiin 65-70% dhallinyar ay yihiin kuwaas oo iskugu jira wiilal iyo gabdho. Laga bilaabo kasoo laabadkii iyo ka soo kabshadii dagaalkii 1988-kii lala galay dawladii siyaad bare waxa la dareemayay korodhka tirada dhalinta oo sannadba sannadka ka danbeeeya sii kordhaysa, Korodhkan laxaadka leh ee dhallinta Somaliland waa khayraadka shaqaale ee waddanku haysto taas oo ka turjumaysa xidiga wax-soo-saar ee waddanku in uu kor u kaco haddii looga faa’iidaysto si macquula  keenina karta  in uu horumar la taaban karo uu si fudud ku gaadhi karo waddanku, balse waxaad dareemaysaa ama soo shaac baxday inaynaan ka faa’iidaysan awoodaha iyo khayraaadka dad ee aynu hayno oo aynaan u qorshayn qaabkii iyo siyaasadii ku haboonayd ee aynu uga faa’iidaysan lahayn taasna ay keentay sababo badan ta ugu wayna ay tahay xukuumada oo aan wax siyaasada aan ka lahayn korodhka dhallinyarada iyo isbaddelka bulshada.

Waxa si xawli leh usii kordhaya dhibaatooyinka, gaar ahaaneed iyo kuwa guud ahaaneed ee dhallinyarada Somaliland oo ka badan kuwii soo waajihi jiray dhallintii hore, haddaba waxa mudan in la iswaydiiyo waa maxay dhibatooyinka haysta soona waajahay dhallinteena? waxaan odhan lahaa markaan kaashaday min-qiyaaskayg aqooneed iyo kayga garaad in ay  dhawr qodob oo waa weyni sabab u yihiin dhibaatooyinka dhallinta haysata.

Siyaasada jihaynta dhallinyarada ee dawladda oon jirin, isku miisaan la’aanta amase isleekaan la’aanta fursadaha suuqa ku diyaarka ah iyo da’yarta dalka oo si xad-dhaaf ah u kordhaysa  una bisil shaqo waxa masuuliyadeeda leh dawladda loona baahan yahay in ay diyaar ka ahaato laakiinse waxa si aan cidna ka qorsoonayn u cad in aan xataa loo fadhiyin in shaqo abuuris iyo jihayn midnaba aanay diyaar u ahayn maskaxaha dawladdana aanay wali ku soo dhicin xataa aanay ka muuqan taas waxa tusaale aan daah ka saarnayan ummadda u ah dhallinta boqolaallka kor u dhaaftay ee baddaha ku leeday amase ku dhintay ee madaxda dawladdu kaliya tacsida u soo fadhiisanayaan muuq baahiyayaasha iyo idaacadaha hadalkooduna ku kooban yahay:

“Samir iyo iimaan dhalin ayaa inaga baxday kalmada ku xigtaana waa ha tahribina dhaliney.’’

Haddaba ha tahriibin xalmaaha ee caqli iyo qorshe wax ku oola badbaadisana kumanaan dhallinyara ah ayaa loo baahan yahay waayo xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.

Qabyaalad, asal ahaan qabyaaladi waxay ka soo unkatay ereyga qabiil kana yimid qofaf, kaas oo lagu qeexi karo xidhiidh muujiya in dad abtirsiin wadaaga kana soo farcamay awoow oo sii dhalay dad isku ab wadaag ah, waayo qabiil waxa uu ka bilaabmaa qof waxaanu noqdaa qoys iskuna badalaa qoomiyad kadibna qaran ayuu u gudbaa habase ahaatee qabyaalad ayaa ah ta dhibta, xumaanta iyo mushkulada ka guuxaysa inta badan dadka Soomaalida ah taas oon odhan karno waa kitaab Soomaalidu laabta ku sidato ahna aafo qaran oo soo waajahday Soomaali.

Fursadaha shaqo oo yar iyo xil jacayl ayaa sal u ah korodhka dhibta qabyaalada bulshada ku baahday iyo siyaasiyiinta xil doonka ah ayaa ah huriyayaasha dabka qabyaalada, dhibanayaasha ficiladan qabyaaladeed ayaa ah dhallinyarta taas oo dadka xilalka dawladdeed, shaqsiyadeed iyo ururada caalamiga ahba maamulaa ay ka dhigteen mid u ah sharci si dadban iyo mid toosaba laguna kala dhawaysanayo fursadaha shaqaalaynta, waxbarashada iyo doorashooyinkaba in cid u dhaw ay uga wada faa’iideeyaan taas oo keentay in ay dad tiro yar ka faa’iidaystaan inta badana noqdaan daawadayaal manfaca ka soo gaadhaana yar yahay.

Abuuris la’aan ganacsi, sida Alle ”SWT” inoo sheegay arsaaqda inteeda ugu badani waxay ku xidhan tahay ganacsi waayo asxaabtii suubanayd ee Nebi Muxamed “SCW” dhammaantood tijaaro ayay samayn jireen, laakiin dhallinyaradeena waxa ka maqan oo la tabayaa ama muuqata ku dhicii ay ku abuuri lahaayeen amabase aanay ku fikirin in ay ganacsi ay leeyihiin ay abuuraan.

Ganacsigu waa isha dhaqaale ee ugu balaadhan ee lagala soo bixi karo dhaqaale kuu suuro galinaya in aad si fudud ku gaadhi karto hamigaaga iyo himiladaada adduunyo sidoo kalena tusaale ku dayasho mudan aad ugu noqon kartid  facaaga iyo kuwa kaa danbeeya.

Dayac badan oo muuqda ayna sababeen dawladda oo gabi ahaanba ayna jirin siyaasada jihaynta dhallinyaradu iyo dhallinyarada oon la iman shaqo abuuris badan oo looga fadhiyay ayaa kordhisay dayaca dhaqaale iyo midka nafeed ee ka muuqda dhallinteen. Haddaba talo waxa iga ah saddex qodob oo haddii la fuliyo xal-waara u noqon kara dhibaatada dhallinta haysata:

  1. In la dajiyo siyaasad wax ku ool ah oo lagu jihaynayo dhallinta dalka
  2. Fursadaha shaqo oo si aan qabyaaladaysneyn cadaaladna ku dheehan tahay loogu kala saaro tartamayaasha.
  3. In ay shaqo abuuris aan isku dayasho lahayn dhalliyaradu la timaado.

 

Cabdisalaan Haybe Aadan “Greenland”

Greenland0909@hotmail.com

0634474096/0659121691