Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in xisbiga talada haya ee AK, uu kulan yeelan doono dhammaadka bishan si uu u doorto hoggaamiye cusub.
Arrintan ayaa ka dambeysay khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay labada mas’uul ee Turkiga ugu sareysa.
Hoggaamiyaha xisbiga AK, ahna Raysal-wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaan la fileyn in uu u istaago dib u doorasho.
Davutoglu ayaa la sheegay in uu si cad u diiday siyaasado kala duwan oo uu wato Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, gaar ahaan qorshihiisa ku aaddan bedelida dastuurka Turkiga.
Wararka badiba laga helayo Ankara ayaa waxay tibaaxayaan in uu dalka galay xaalaa siyaasadeed.