Ma gurmad baa mise waa tamashlayn? (WQ: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-Lucky”)

 

Dabayaaqadii Sagaashamaadkii ayaa Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (ilaahay ha nuursho Godkee) isgu yeedhay Xubn ihii Golihiisii wasiirada ee xiligaas, oo iyagu waqtigaas mid kastaaba lasoo degay baabuur Lankuruuser ahaa oo sebenkaas casri ahaa, wuxuuna u sheegay in wadanka ay masuuliyada ka hayaan yahay mid sabool ah, oo dadkiisuna ay fakhri la nool yihiin, taas darteedna aanay ahayn macquul baabuurta noocan ah inaad ku dhex wadataan dadkaas saboolnimada iyo shaqo la,aantu la degtay, wuxuuna amray in 20 Maarkatuu laga soo iibiyo Dekeda Berbera, oon uu wasiirkastaaba kaxaysto Maarkatuugaas, kuna soo wareejiyo laankuruusarkiisa gacanta dawladda si loo xaraasho, sidaas ayuuna sameeyay ficliyan oo ay arintii ku dhamaatay.

Bal Akhriste maanta eeg xaaladda abaareed ee dalka intiisii badnayd haleeshay iyo waayaha dadkii qabaan, waxaad kaloo halacsataa safarka Madaxweynaheenu ku marayo deegaanaddii ay abaartu haleeshay, iyo baabuurta qiimaheedu aadka u sareeyo ee ay wataan masuuliyiinta Madaxweynaha ku weheliya safarka, waa baabuurta loo yaqaano V8 oo kan ugu yari ku kacayo qiimo dhan $ 50.000, waxaad isweydiisaa haddii 30-ka V8 ee halkaas maraya la xaraasho oo la siiyo midkiiba 30,000 doolar, oo isugeynta guud qiimahoodu ku dhawaanayo ilaa hal Milyan ($ 1,000,000), imisa qoys oo baahan ayay wax u tari lahaayeen, wasiiradanise, miyaanay heli karayn baabuur 4WD ah oo qiimahoodu aad uga hooseeyo kuwan raaxadda, taasoo ay ku gudan karaan hawl maalmeedkooda qaran, isla markaana ka turjumaya itaalkeena dhaqaale iyo duruufta dalkeena taala.

Akhriste, si furan ugu fiirso, waxaa loo tegay hooyo iyo caruur ay sawirka baahidu wejigooda ku taalo, iyadoo 30 baabuur oo V8 ah lays dabageliyay, karaatoon biyaha safaysan ee mooya-sixada loo yaqaano-na la sito, markaas, caqliga wanaagsani, wuxuu isweydiinayaa, Safarkani Ma Tameshle iyo Dalxiis buu ahaa, mise, Gurmad iyo samato-bixin buu ahaa? GOBLAN TALO ADUUNYOOY, MAXAAD GALABA HEER JOOGTAY.

xuseen-lucky-article

xuseen-lucky-article

Qalinkii Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco,