Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiye Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale oo ku sugan Ballidhiig, waxay u joogaan gurmadka abaaraha

 

Weftigii xisbul-xaakimka ee uu hoggaaminayey madaxweyne Siilaanyo ee Togdheer u joogay gurmadka abaaraha ayaa gaadhay magaalo-xadeedka Balli-dhiig.

Weftiga oo ay ka mid yihiin xubno badan oo xukuumadda ka tirsan, waxa si weyn uga dhex muuqda guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale. Waa sawir soo jiitay indha dadka iyadoo markii ugu dambaysay laga war qabay in xurguf siyaasadeed dhex martay Madaxweyne Siilaanyo, Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale kadib markii uu Samaale iska casilay xil loo magacaabay gantaalo dhalliilo ahna ku ganay xukuumadda iyo hoggaanka xisbul-xaakimka.  Sawirka Samaale wuxu dad badan u tusay in Kulmiye dib isu ururiyey diyaarna u yahay ololaha doorashada.

Warbixin kooban oo lagu baahiyey barta xisbiga Kulmiye ku leeyahay Facebook-ga waxay u dhigan tahay sida tan:

Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ee qiimaynta iyo gurmadka xaaladda abaarta ka jirta gobollada bariga Somaliland, ayaa saaka socdaal ku tagay degaannada Shansha-cadde, Taala-buur, Balli-calanle iyo Balli-dhiig oo ka tirsan Gobolka Togdheer, kuwaas oo dhammaantood si ballaadhan loogu qaabilay.
Weftigu waxay hadda ku sugan yihiin magaalada Balli-dhiig oo ay ka socoto xaflad soo dhawayn iyo is-xogwaraysi la xidhiidha abaarta ah ka jirta deegaanka, waxaanna Madaxweynaha weheliya Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Muidane, Muuse Biixi Cabdi.

siilaanyo-samaale3

siilaanyo-samaale-2

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com