Ma-huraan (Waxa curiye: Maxamuud Siciid Cali “Garaad”)

Gabaygan waxa curiyey Abwaan Maxamuud Siciid Cali “Garaad”, waxaanu Abwaan ugu wan-qalay gabayga Ma-huraan dhacdadii foosha xumayd ee maalintii dhoweyd ka dhacday Golaha Wakiilada.

Arrintan oo bulshudu si weyn uga cadhootay. Isagoo Abwaan dareenka bulshadu ka muujisay dhacdaas lawadaagaya dadweynaha ayaa waxa uu ku bilaabay gabayga sida tan:

Murti gabay markaygaan ritaa Maanso laydiraye

Mulaygiyo iyo magoolkaa dhiratay Ugu masaalaane

Mowjad iyo waxaan ahay Sidii maayadoo kale

Anna shacabkan meeraaya baan belo kamoosaa

Malkadaan u taagnahay Waxaan looga meeldayin

Aan macneeyo caawana Halkay muhatay laabtaydu

Haddii aad masuul iyo ahayd Mudanihii oosha

Oo goluhu miisaan ku biday Madaxna kuu dhiibay

Milgo iyo hadii ay aqoon Kugu majiireen

Oo aanad maarayn karayn Mahadho weeyaane

Hadday murugto xaajadu Xaqaa lala midoobaaye

Adigoo murtuuraaya baa Malab ladhiiqaaye

Masalooyin kala kaanabaa Laga muquurtaaye

Wixii aan masiir kuu jarayn Malihidaa roone

heeladana meel durugsan baaLaga miskeedaaye

Adoo mahadsan bay kuu ekeyd Inaad mushaaxdaaye

Hayeeshee in lagu mooriyaan Meesha qabanayne

Waa digaa makalay xaajadii Muunada ahayde

Alla magane madashaa Maxaad uga maqnaan weydey

Maskax iyo dulqaad baa gartaa lagu macaashaaye

Mirta dhexe rag aad maashay iyo maalintiyo laylka

Oo kuu muslaxanbaa Cidkale lagu muquurshaaye

Miidhiyo halkaasay galaan Magacu dooduuye

Halkaasuu ku miigtaa Ninkii mooro soo xidhaye

Markaasaa murtida tii saniyo Mari la qaataaye

Makastiyo dhallaankaa Dabeed lagu masruufaaye

Qarankana muquunay u tahay Moodka iyo noole

Majaruhu halkaasuu ahaa Inaad ka miistaaye

Hayeeshee in lagu maamulaan Meesha qabanayne

Magacii ba’yoow sowdigaa Meel ka dhacay maaha

Waxaad tahay nin miinaysanoo Moofo jeesadaye

Waxaad tahay nin moodoon Caqliga maali garanayane

Waxaad tahay nimaan meel u deyin Mooshinkuu wado’e

Waxaad tahay maqaar saaradiiMaalka loo diraye

Waxaad tahay nin lay miiqayoo Lagu maxaab taaye

Mudanow xilkaagii gabtoo Maragii waa yaale

Waxa ii markhaatiya wuxuu Muuqu soo dhigaye

Waa kaa maqaamkaagii dumay Miicida ahaaye

Aamiina madadaaladii Meerisyuu qoraye

Adiguna intii aad mudnayd Lagugu maansheeye

Mooraal jabkiibay indhuhu Muruq sameeyeene

Alaylehe wixii aad mishiyo Madhixii waa kaase

Bal magaabi xaajow Adaa maalma soo wadaye

Marinkeeda weeyoo Cirrooy midigtu waa xeere

Hadba maarka ay taagantaa Lagu madeeyaaye

Waa meeris kuu qoran Falkaad celisay maandhowe

Nimanaan macayn iyo Raqbaad madaxa buurteene

Halkii laga maleegay ridadu Kaga macanayde

May khasaarin yeelkee Wixii mooshin kaa ridiye

Alaylehe midhkii aad Lahayd maalinkaa tidhiye

Mahadsanid adaa maakintaa Nooga soomudhaye

Afartaa macneeyaye hadaan mariyo luuqdayda

Ruuxii lamaamuseyee Madal lasoo joojay

Oo moodhikaariyo adduun midabsan loo dhiibay

Oo loo masxaradoo wanaag Lagu malaa diiqay

Oo inuu dadkiisaa metelo Magane loo doortay

Oo loo miciin biday inuu Mariyo xaalkooda

Oo magac illaahiyo kitaab Midigta loo saaray

Oo aan muraadkiisa gudan Magane laydiidye

Musuqmaasuq iyo boob Nimaan marinin xeerkooda

Tolka nimaan midaynayninoo Meel kadhaansada

Aan eexda maandoorinayn Magane laydiidye

Afartaa macneeyaye hadaan mariyo luuqdayda

Mur haday ka darantahay run Waa lagama maarmaane

Kala miirdilaacuna Warkuu ugu mucroonaaye

Aniguna maqaalkaan sidaa Wuu ku soo maraye

Milicsiga ka bogo waa Xog aan laga maraatayne

Waa dawlad maraboobahoo Maaga loodiraye

Waa dawlad meeshay martaba Milicdu haysaaye

Waa duul wuxuun muusadoon Maaxso loo dhigine

Waa kuwaa makriyay Haamihii magaca weynaaye

Marsadaana waa duul Kumaqan inay maxlaalaan

Waa duul mishiinkii berbera Meersadoo dhacaye

Waa duul wankii macal leh iyo Midhihii eedeene

Waa duul macaankuun Gurtoo malafsi deynayne

Waa duul miskiinkii dhibiyo Meherad laydiiye

Waa duul maqaarkiyo Laftaba midi ka duulayne

Waa duul lawada maagayoon Mid u fayoobayne

Anigana waxaa muuqda Iyo madawga laydiidye

 

Waxa curiye: Abwaan Maxamuud Siciid Cali   (Garaad)

Tell: 063-4127105