Gudida ilaalinta hantida ee golaha wakiilada oo Boorama maanta booqday

xildhibaanada-BooramaGudidad ilaalinta iyo dabalgalka hanta ee golaha wakiilada Somaliland oo maanta booqasho ku jooga magaalada Boorama  ayaa kulan la yeeshay maamulka iyo xidlhibaanada golaha deegaanka degmada Boorama kulankaas oo lagu lafa guray hantida dawlada hoose ummada u hayso iyo arimo kaleba .

Ka dib markii kulankaasi soo dhamaaday ayaa waxa warbaahinta la hadlay duqa degamada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane iyo gudoomiyaha gudida ilaalinta iyo dagabalka hantida ummad ee goalha wakiilada xidlhibaan Maxamed Xirsi Cali waxaanay labada masuulba ka hadleen  kana warbixiyey kulan ay wada qaateen maamulka degmada ayna sheegeen in ay isla fahmeen waxa badan.

Warbaahinta ayaa su’aalo  ku saabsan  khilaafkii shir gudoonak golaha wakiilada somaliland waxa ay waydiiyeen   xidlhibaan Maxamed Xiris Cali kaasi oo sheegay in sida saxda ah ee goluhu ku hawl halo tahay hadii qodob ( mooshin) loo codeeyey aan isla fadhigaa la soo celin karin sida xeer hoosaadku qabo. Waxa ay suxufiyiintu sii waydiiyeen mar hadii sidaa ay tahay Gudoomiyaha goluhuna intaas wuu sheegay maxaad ku xigeenka talaabo uga qaadi waydeen? Jawaabta su’aashaa xildhibaan Xirsi si lagu qanco uma so bandhigin waxaanu sheegay in ay baarlamaanda caalamkama ay isku dhac iyo khilaaf caynkaasi ihi ay ka dhacaan hoosna waa loo xaliyaa sida uu sheegay.