Qarniyo ka qarniyo dadka somalidu waxay noloshoodu ku tiisanayd nolosha miyiga ee xoolaha nool noocyadooda kala duwan ย oo ay u isticmaali jireen mood iyo nool labadaba iyagoo xoolahooda ka manaafacdsan jiay hilibkooda, caanahooda,saantooda iyo iyagoo iibsan jiray kuna badalan jiray hadba wixii baahi markaa u hayso, waxay ahaayeen garab rarato u guura hadba halka ay baad iyo biyo uga helayaan xoolahooda, iyagoo u dalan dooli jiray dal dher iyo mid dhawba lana kulmi jiray colaado iyo caqabado addun dhamantood.
Xidhiidhadii ganacsi ee dhexmaray dadkii somalida ee ku noola dhulka xeebaha iyo ganacsatadii carbeed ayaa wuxuu waa cusub u furay xoolihii noola ee somalida oo dhadhan iyo dhuuni laysku raacay inay yihiin xoolo macaan, waxayna ka dhigtay in xoolaha nool ee kala ah geela, lo,da iyo adhiga gaar ahaan kuwooda labย ay noqdaan lafdhabarta dhaqaale dadka somalida iyagoo ay ka heli jireen macaash maaliyadeed oo aad u balaadhan, sidoo kale waxaa kor u koci jiray dhaqaaalaha guud dalka sanadka (GDP) iyadoo ay shaqo abuuris ka heli jireen muwaadiniin badan oo dalka u dhashay,dawladana waxaa ka soo gasha xadi dakhliya oo cashuur aadna u badan.
Bishii sep 2000 dawladaha khaliijka oo ay ugu waynayd boqortooyada sucuudiga oo ahayd suuqa ugu balaadhan ee iibsada xoolaha Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay joojisay xoolihii uga iman jiray dhamaan dhulk somalida kaas oo ay ku sababaysay in xoolaha somalida laga helay xanuunka xumada (Rift Valley Fever),taasna waxaa garab socday abaaro baahsan oo kala dambeyey oo ku habsaday dhulka Somaliland ilaa la gaadhsiyey in qiyaas xoolihii ku noolaaย Somaliland in 70% ka mid ahi ay dhinteen, tan iyo wakhtigaa waxaa hoos u dhacay dhaqaalihii Somaliland ee ku tiirsanaa dhoofka xoolaha nool iyadoo sababtay in dad badan oo nolosha miyiga ku tiirsanaa ay soo galaan magaloyinka korodhana tirada shaqo la,aanta, dhaqaalaha guud ee dalka oo hoos u dhaco,sicir barar bahsana soo noq qoqdo.
Hadaba iyadoo aan soo sheenay dhibaatada ay keentay xanibaada ishii kaliya ee lafdhabarta dhaqaalaha u ahayd dadka reer Somaliland si aan mardambe dhibatadaasi inoogu dhicin ma jiraan fursado maalgalineed oo abuuri kara ย ilo-dhaqaale oo kale una dhigma ka xoolaha noolaha nool, waxaan halkan idinku soo gudbinayaa qaybo aan u arko in ay somaliland manta ka abuuri karto il-dhaqaale oo mihiim
1 Fursadaha maalgalineed ee Kallunka badda Somaliland
Somaliland waxay ledahay bad leh xeeb dhererkoodu dhanyahay 850Km2 laga bilaabo Lawyacaddo dhinaca galbeed illaa Ceelaayo dhinaca bari ah, badaas waxaay hodan ku tahay noocyo badan oo khayraadka kallunka ah kuwaas oo ka buuxa bada somalilandย una baahan in muwaadininta Somalilamd ka faa,iidaystaan noocyada badan ee khayraddka kallunka ah ee dalkeena laga helo
Maxaa la gudboon shacabka Somaliland si looga faa,iidaysto badaheena?maxaase la gudboon dawladda Somaliland?
Dhamaan shacabka somaliland oo isugu jira ganacasto,qurba joogta ku nool daafaha dunidda ee u dhashay Somaliland, ardayda ka qalinjabiyey jamacadaha dalka iyo bulshada oo samaysta iskaashato waxay u haystaan fursado dahabiya inayย maalgashadaan shirakado soo sara kallunka kuwaas oo ay ka heli lahaayeen xadi macaasha oo aad u baladhan taa badalkeedana bulshada Somaliland ay heli lahayeen kallun ka tayo wanaagsan kuwa inooga yimaada wadamada dabada ee laynaga siiyo qiimayasha qaliga ah, ,sidoo kale waxay abuuri lahayd kor u kac dhaqaale iyo shaqo abuuris balaadhan oo shacabka somaliland ka helaan.
Dawaladda Somaliland waxaa la gudboon in ay u fududayso dhamaan shurucda maalgalineed ee muwaadininta reer Somaliland ee ka faa,iidaysanaya khayraadka dalkooda sida kan kallumaysiga bada, waxa dawlada Somaliland looga baahan yahay in loo sameeyo cashuur dhaaf qalabka lagu kallumaysto ee dabada inooga yimaada si loo dhiiri galiyo maalgalinta muwadiininta ee dalkooda, in la siiyo dhul ay warashado kallumaysiga ka sameyan sidoo kalena la siyo dhul ย u dhaw badaha xeeligooda oo u fududeya in lagu kaydiyo kallunka marka bada laga soo saro,ugu dambayntii waa in dawladda Somaliland joojisaa dhamaan kallumada inooga imanaya wadamada dabada taa badalkeedana la dhiiri galiya kan wadanka laga soo saaro. La soco qaybta 2aad
WQ: Mukhtaar Cabdi Cilmi (Xoogsade)
(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University
mukhtarian.net@gmail.comย
00252-634241542