Maskaxda Ayaa Taagan (QM: Cali Cabdi Coomay)

Aqoon fiican ayaan u leeyahay, waana Tukhaanle (Tagsiile) aan in badan raacay markaan hawlo deg deg ah leeyahay. Waxaanu ku ballansanayn kalahaad cabbaaro 6:00 subaxnnimo. Inta badan markuu salaadda suxba tukado hurdada kuma noqdo, hore ayuu ka kaxaystaa tukhaankiisa. “ subax wanaagsan” ayaan ku bilaabay markaan isku hubsaday in aan fadhiistay kursiga hore ee dhinaciisa xiga. “waa la fiican yahay” ayuu si dirqi ah iigu af-celiyey, isaga oo codkiisa aad moodid in cunaha la hayey xalay oo dhan. Dhaqan ahaan waa nin codkiisa iyo aragiisuba khaati taagan yahay.

Doodiisu maaha mid laga lug baxayo, hadalka ma jaro, ma garaabo, ma garnaqsado, mana gooyo. Sida iskiriinka ayuu hadalka u jaqaa.” Halkeynu gaadhnaa” ayuu si werwer leh iigu yidhi.” Gegeda diyaaradaha ee Cigaal” ayaan ugu af-celiyey. Waanu soconaa, 6:30 gaadhay, “inoo gee VOA laanta Af-soomaaliga ayaan si qabow ugu idhi. Waanu dhegaysanay wararkii caalamka iyo midhadh ay Soomaalida ka sheegeen oo Muqdisho iyo Wajeer u badan. Qodob kasta oo idaacadu soo hadal qaado, wuu ka faalloonayaa, waxaad moodaa nin shaqadiisu tahay FALANQEEYE. Hasayeeshee indhaha ayuu ka ridayaa. Meelaha uu walaaqo haddii aad is-tidhaa macluumaad ku kordhi, kari meysid oo muran qalalan oo lagu haraadayo ayuu kaala horimanayaa. Anna waan gaabsanayey, waan ogahay in muran na dhexmaraa aanu natiijo soo wadin oon ka ahayn xiiq.

Daaqadda ayaan dareenkeygii u leexiyey waa ii muuqda meelo igu cusub oo dhismahoodu dhawaan yahay, kaasi waa hudheel hebel, kaasina waa suuqii caanka ahaa, oo tolow maxaa sidan u galay, sowkii weynaa? Mooyi, malaha xildhibaannadii iimaanlaawayaasha ahaa ayuu u gacan galay? Waa kaa gurigii saaxiibkey, tolow odaygii aabihii ma hor-fadhiyaa, waa kii markuu salaadda subax tukado koob bun ah la hor-fadhiisan jiray ‘e?. bal eego, Ilaahay ballankii waabu fadhiyaa. Alla odaygu gobsanaa, ma siduu dadka u sooryeeyo. Oo tolow islaantiisii habaarka qabtay ma joogtaa? Mid socod badan oo cagaha laga gujiyey ayey ahayde? Mooye. Odayga islaantaa inkaartu ku dhacday dhasha ka dhammeeyey waa ehlu janno.

Waa tan BBC-dii soo gashay waa 7:00. “ bal wararka aynu eegno tanna ayuu si calool xumo ka muuqato iigu yidhi”, waa hagaag ayaan ugu laabqaboojiyey. Qodob ka hadlayey mushkilada dhaqaalaha adduunka ayey idaacadu ka hadalkeeda ku dheeraatay. Intuu igu soo eegay wej iyo indho quusi ka muuqato ayuu igu yidhi” sow ma ogid haddii ay sidan wax u socdaan in beri dhaw dadku is-cuni doonaan?”, aniga oo ka baxsanaya murankiisa aan go’ayn, ayaan hadalkiisii is-dhaafiyey. Wuxuu aaminsan yahay in mushkilada dhaqaalaha adduunka haystaa ay dad gaari ahi masuul ka yihiin. Haddii aad la wadaagtid aragtiyaha dhaqaaleyahannadu ka bixiyeen muskhilada dhaqaalaha adduunka, markaba wuu diidayaa, oo weliba aragti cilmiyeysan kuma diidayee, muran madhallays ah ayuu ku waajahayaa. Waanagaa gaadhnay albaabkii looga leexanayey madaarka. “ halkaasi jooji”, ayaan ka codsaday. Waar bal inna keen aynu koob koob shaah ah ka cabnee makhaayadan gabadhu haysto”, ayaan ku idhi. Fadhiisanay, waa gabadh farriid ah oo karti badan, “ walaal laba fijaan oo shaah ah noo dhiib” ayaan ku idhi. Waa taa tidhi “ Dhega, noocee, ma bigays mise caddays?”. Aniga bigaysa I sii, waar adna sheego. Waa kaa yidhi” kaad doonto”, mise gabadhii ayaa qosol feedhaha ka soo go’ay qososhay.

“ Habar hinaase madax maray ayaa tidhi wallee reerka Timiro u talisay ama lagu kala tag, ayuu yidhi. Fajac oo maxaa meesha hinaasaha keenay ayaan kula dooday. “ Shaah doon ma tihide, shukaansi doon ayaad tahay” ayey si geesinnimo leh ugu tidhi. “Taad jeceshahay ku daa” ayuu kula dooday. Shaahii laacnay, waa imisa walaal waa saddex kun iyo hoo. Waar tusan ayaan ku macasalaameeyey, markii aan siiyey shillimadii kirada. Haye, ayuu si naxariis darran iigu yidhi. Waanigaa dhaqaaqay, mise gabadhii ayaa ii yeedhay, “waar walaal waa maxay kan maskaxdu taagan tahay ee kula socday?, mooyi, waan soo kiraystay ayaan ugu jawaabay. Waan habsaamay inabti ee nabadgeliyo ayaan ugu jawaabay iyada oo weli hadal diyaar u ah oo taagan afaafka makhaayadda. Waan galay Madaarkii ee nabadgeliyo.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com