Ma mudanyahay in Berbera Airport loo bixiyo Siilaanyo Airport (WQ: Mascuud Cabdi Cali)

Madaxwayne John F Kennedy ayaa 1961 ku dhawaaqay in uu “Nin dayaxa gayn doon, isagoo bad qabana dhulka kusoo celin doon” waxay ahayd hindise ama riyo ay adagtahay in la fuliya, balse way ka go’nayd inuu muujiyo awooda iyo himiladda dalka Maraykan ee ahayd inay aduunka hormuud u noqdaan, nasiib daro waxaa John F Kennedy shirqool lagu dilay 1963 magaalada Dallas ee gobolka Texas.
Riyadiisii in nin dayax loo diraa ma dhiman balse waxaa ka midho dhaliyey hogaankii cir-bixiyeenadda NASA, waxay himiladaasi fushay July 20, 1969 oo noqonaysa lix sano geeridiisii kadiba, markaasa oo ay NASA ku guulaysatay inay dayax u dirto Apollo 11 oo uu la socdo Neil Armstrong, madaama aan JFK fursad u helin inu farxadaa iyo guushaa nolol kusoo gaadho waxa lagu maamuusay magaciisa in loo bixiyo saldhiga cir-bixiyeenadda ee NASA Kennedy Space Center (KSC).
Maanta oo loo tafa-xaydanayo in la furo madaarkii Berbera oo dib-u-casriyayn lagu sameeyey, ma mudanyahay in loo bixiyo “Siilanyo Airport”, Ahmed Mohamed Mohamoud (Siilanyo), kadib halgankii uu hogaankii ka ahaa wuxuu talada dalka qabtay isagoo madaxwayne ka noqday Jamhuuriyadda Somaliland, wakhtigii uu taladda dalka hayey wuxuu la yimid himilooyin ay adkayd in cida taladda dalka haysaa ku dhacdo, ka sokow guulihii arimaha dhaqaale, mushahar kordhinta, lacag badalka, darajo bixinta, wuxuu Madaxwayne Siilanyo wakhtigiisa bilaabay mashaariic waawayn oo manta lagu faano, dhib iyo hagar-daamo wixii kasoo gaadhayba wa kuwo manta lagu faanayo.
Mashaaricdaa waawayn waxa ka mida, Dekedda Berbera, Jidka Bebera-Wajaale, Madaarka Berbera, Jidka Ceeri-gaabo iyo Balaadhinta Biyaha Hargeisa, mashaaricdaa cidii nasiib ku simaaba xadhiga haka jarto balse waa inaan marna la ilaabin cidii hindisaha lahayd ee ku dhiiratay inay meel maraan, hadaba madaama Mohamed Haji Ibraahim Cigaal loogu magac daray Madaarka Hargeisa maanta oo uu noolyahay Ahmed Siilanyo abaal ma looga dhigi karaa Berbera Airport in loogu wan qalo Siilanyo Airport.
Qarankeena Allah ha guuleeyo.