Ma noolaan karno Kaynta La’aanteed (WQ: Mawliid Xasan xirsi)

Deegaanka Kayntu(forest environmen) waxay door muhiima ka ciyaartaa quudinta koritaanta bulshada.

kayntu waa mid kamida ย khayraadada dabiiciga ee uGu waawayn dhulka oogadiisa. ย Waxaa jirta sabab aynu hadiyo jeer uga hadalno nolosha geedka( the tree of life), maxayaa yeelay kayntu waa halbawlaha tageera nolosha oogada dhulka. 8 sanadood ka hor, qayb kamida oogada dhulka waxaa ku qarsoonaa kayn oo wuxuu ahaa dhul lama taabtaan ah. Lkn manta goobahaas sadexdii meeloodba meel ayaa kayn ah. ย KAYNTU waa guriga ย 80% ย aduun waynaha ku xidhan kala duwanaanshaha noolaha(biodiversity) iyo bilyano dolar ah oo qiimah gaara ku leh dhirta dawooyinka kuwaas oo laga soo goosta kaynta sanad walba. ย Intaa waxaa sii dheer intaa, ย 1.6 bilyuun ย dad ah ayuu risiqoogu (livelihood)ku xidhnayhay Kaynta.

Qaar kamida hababka kayntu suurta gal uga dhigto koritaanka cuntada aynu u baahanahay.( Some of the ways forests make it possible to grow the food we need).

Kayntu ย waxay caawisa misaanida iyo sixitaanka ย nidaamka cimilo roobeedka ee dhulka, waxay kantaroshaa xadiga miisaanka ah ee roobku ku da,o meel. Hadaba tani waxay aad muhiim ugu tahay ย goobaha cilmiga beeraha(agricultural areas) halkaas oo xili roobaadku ku yaryahay.

Siidoo kale dhir fara badan ayaa u baahan ย caawinta ย cayaan bacrimeedka(pollinators) si ay usoo saarto ย midhaheeda iyo siidheedhkeeda. ย shimbiraha, shinida,cayayaanka iyo xayawaankuba waxay u dhaqmaan sida fal-dadajiyaasha habka cilmiga beeraha, hadaba qaar badan ย qaar badan ayaa guryahooga ka dhigta ย deegaanka kaynta ee ku xiga dhul beereedka. . ย Hadaba ulakaqc ahaan, markaynu burburino gayiga kaynta sababo la xidhiidha beerafalashada, waxaynu yaraynaynaa qadiyo aad muhiim ugu ah goosashada dalaga caafimaadka qaba. ย  Sidoo kale duurjoogta dhir iyo xayaawan iskugu jirta ee laga helo kaytau waa isha ugu way nee quudashadada iyo risiqada dadyoow badan.

Cuntooyinka kayntu waa quudashada joogtada ah ee baadiyaha iyo u adeegista xiliyada cunto yaraanshaha(food scarcity).

Kayntu kaliya inagama caawiso cuntada aynu ku korno lkn waxay ina siisaa tamarta aynu u baahanahy inaan wax ku karsano. Qiyaas ahaan 2.4 bilyuun dad ah ayaa xaabada u istic maala wax karsasho.