Talladii Cali binu Abii Daalib (rc) Q.8aad (WQ: Cabdiraxmaan Cismaan)

haddii aad noqoto qof wanaagsan, dhowrsoon oo Alle ka cabsi leh, waan hubaa in Alle ku hanuunin doono kuuna gargaari doono maalintay kuugu daran tahay. Waan hubaa inuu kugu kaalmayn doono inaad gaadho ujeedooyinka noloshaada u degsan. Waxaan kaa doonayaa inaad adna ii balan qaado inaad talladayda raacayso.

Ogsoonow wiilkaygiiyow! Tallada ugu wanaagsan ee aan ku siinayaa waa kuwa ku faraya inaad Alle ka cabsato, ku tadaburto kuna dedaasho inaad daacaadkiisa uu ku faray u gudato sida ugu wanaagsan iyo inaad raacdo jidkii ehelkaagii la doortay (nebbi Muxammed (scw)) iyo dadkiina wanaagsan.

Xaqiiqoโ€™e, had iyo jeer way miisaami jireen fikirkooda iyo ficilkoodaba, isku day inaad sidaa yeesho adna, sidoo kale marka ay arrin hayaan way ka fikiri jireen inta aanay fikrad ka dhiiban ama aanay faallo ka bixin. Waa inaad taa kaga dayataa.

Deganaantan ayay noloshooda ku hageen iyagoo raacayay waxa u wanaagsan kana tagayay wax aan u wanaagsanayn.

Haddii aad aqbali kari waydo ama aad liqi kari waydo talladayda oo aad doonayso in aad taada raacdo, xor baad u tahay inaad soo tijaabiso balse waa markaad deristo isla markaasna aad hesho aqoonta aad goโ€™aankaa ku gaadhi lahayd.

 

La soco: qayb danbe oo ka xiiso macaan, sirtana noloshana ku bari doonta, jaamacadna aanad ka heli karin, qof kalena aanad ka dhaxli karin, adigana ay kugu dheeraanayso inaad soo tijaabisaa ama aad nolosha ka dhaxashaa.