Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Booqasho Rasmi Ah Ugu Baxay Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ย booqasho rasmi ah ugu ambo baxay dalka Itoobiya, kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen raโ€™iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa inta uu safarkiisa ku gudo jiro waxa uu kulamo la yeelan doonaa raโ€™iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed iyo xubno kamid ah dawladdiisa, waxana ย ujeeddooyinka kulamadaas faah-faahin ka siiyey saxaafadda wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, ย โ€œMadaxweynuhu waxa uu casuumad rasmi ah ka helay raโ€™iisal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana ay isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaa u tegayaan inay ka wada-hadlaan danaha iyo xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayey ujeedada safarkoodu ku kooban tahay kulanka raโ€™iisal wasaaraha Itoobiya iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ka tirsan ay la yeelan-doonaan, mana jirto masuuliyiin dalal kale oo madaxweynaha u qorshaysan inuu kula kulmo Dalka Itoobiya.

Xubnaha weftiga ah ee madaxweynaha ku wehelinaya booqashada rasmiga ah ee uu dalka Itoobiya ku tegay, ayaa waxa ka mid ah wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faro-toon, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

 

Wa-bilaahi Tawfiiq