Reer magaalku waa iska dhal (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Dadku sadex uun bay u qaybsamaan, reer magaal, reer miyi iyo beeralay ama qodato, reer miyiga iyo beeralaydu waa dad xor ah, qaar xoolahooda ayay ku foofaan, qaarna beerahooda, laakiin reer magaalku iyaga ayaa isku foofa, ama cid ayuu soo qaniinayaa, ama waa dhagar qaboo in la qaniino ayuu iska eegayaa.

Waa sababaha keena inay xanuuna badan oo loo maaranwaayaa ugu dhacaan, illayn waa dad had iyo goor dareenkoodu kacsanyahay eh.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxaan tagay Hudheel kuwan waawayn ee magaalada laga sameeyay, waxaana i geeyay qaniinyada kuwaa nolosha ka dhacay ama (drop outs) ka ee xagaa reer galbeedka ka yimid, ee shaqada looga soo dhigay inay inaga nolosha inagaga ciyaaraan, markii ay noloshaas ย la qabsanwaayeen. runtii maba tago, laakiin maalintaa dantaas ayaa i gaysay.

Hudheelkii markaan sidaa u soo galay, ayaan sidaa isha u mariyay, bal inaan cid uun ka garto, waxaan arkay mid aan bari hore wadaad ku aqaanay oo qaar la fadhiya, markaas ayaan is idhi, iska sii wehesho inta ay arintu kuu dhamaanayso.

Sheekadii ku darsaday, anigu daacad ayaan iska ahay, illayn hoosta ayaa layskaga sanqaday oo layska qanjiidhiyay, kolba mid kac, kii ugu dabmeeyay, ayaa isna wuxu sameeyay telefishinkii ayuu codkiisii ย aad u dallacay, runtaa wanaagsan eh bahalkan gurigaygana noocii hore ayaa yaal oo caruurtu ku maararowdo, anigu maba isticmaalo, ma garanaayo ย meel aan ka naaquso, markaas si aan layla yaabin, oon dadku u odhan waar maxuu iskaga naaqusi waayay ayaan dhinaca kale u jeestay, inamdii shaqaalaha hudheelka ayaa mid soo dagdagay oo uu iga naaqusay. ย Hada ka waran, kuwa waxaa samaynaya ka ugu yar waa dhawr iyo lixdan jir, waa kuwa odayaasha u ah dadka.

Barigii aan dhalinyarta ahaa ayaan aad u akhriyi jiray buugaagat novels ka, sheekooyinka waxa ku jiri jiray, koodhkii ayuu raqabada kor utaag, waa qofka buugu ka sheekaynayo, waxaan uga gun leeyahay, ma aragteen filimada sida ay u gaardin jireen ciidamada jarmalku wakhtigii Hitler, halkan agtayda ayaa waxaa gaardi ku jira, kii aan wehel mowday, oo inta uu jeebadaha gacmaha galiyay, lugahana tuuraya, kolba dhinac hudheelka u socda, oo aad moodo in uu cirka iyo dhulka kalahayo.

Qiso kale oon maalin kale la kulmayna sidaas ayay ku dhawayd, intaa aad la fadhido qorshe ayay kuu dagayaan, hoostana way iska qanjiidhinayaann, adigana way kugu soo maqan yihiin, intaana magaac ay isla yaqaanaan, ayay kuugu yeedhayaan, mid ka mida oo aan la sheekaysan jiray, ayaa anaga oo fadhina, ayuu igu yidhi, waa kan aqoonyahaykii eh, waan u jawaabay oo waxaan idhi, waar anigu aqoon yahay layma yidhaa.

Waatan masaajidad marka jimcaha quraanka la akhriyo, ee marka la dhameeyo, inta uu qof kaco, dadka kutubta ka ururiyo, maalin aan dadka kutubta ka qaadayay, ayaan ku soo beegmay, oday ka wayn sideetan jir oo kuwaa reer magaalka isku sheega ah, kitaabkii ayaan is idhi ka qaad, markaas ayuu ii soo taagay, markaan gacantii usoo taagay, ayuu dib ula noqday, dhawr jeer ayuu sidaa sameeyay isaga oo ciyaar ka dhiganaaya, bal sawiro masaajid cimidh ah oo la wada fadhiyo oday caynkaa samaynaaya.

Nin aanu is naqaan oo dadkii xamar ka soo qaxay ah ayay is barteen kuwaa isku sheega reer magaalka, oo ay jararka nolosha kawada dheceen, magac ayay ula bexeen isna isma oga, markii uu ogaaday, ayuu muraara dillaacay.

Nimanka carabta ayaa yidhaa, dil qofka iska dhalka ah inta aanad maska dilin.

Reer magaalku waa iska dhal reer miyina maaha, beero qodotana maaha, waa iska dhal markaa iska illaaliya waa khatar eh. Intaad la fadhido aad uga feejignow hadii aydaan si fiican isu aqoon.

 

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com