Ma ogtahay in Madaxwayne Biixi Safarkiisii Maanta uu badalay Tie-gii uu xidhnaa! (WQ: C/raxmaan Maxamed Sh. Yoonis)

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Safarkiisii labaad maanta ugu anbabaxay Dalka Ethiopia ayaa sida sawirada safarka laga arki karo badalay Tie-gii uu xidhnaa, markii uu ka anbabaxay Madaarka Hargeisa waxa uu ku labisnaa Tay/Tie midabkiisu Blue yahay, sidoo kale kulankii koowaad ee uu ku qaabilay Wasiirka Maaliyada ee Dalka Ethiopia Mudane Axmed Shire waxa uu Madaxwaynuhu ku labisnaa isla Tie-gii Blue-ga ahaa

Balse Madaxwayne Biixi waxa uu badalay Tie-gii uu xidhnaa ee Blue-ga ahaa markii ay kulmeen Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopa Abyi Axmed wuxuna ku badalay Tie Casaan ah, Maxay tahay sababtu? Balse midabka Casaanka ahi muxu ka turjamayaa Diplomacyad ahaan?

Daraasaado dhawr ah oo la sameeyay waxay xaqiijiyeen, in Tayga Cas xidhashadiisu ay muujinayso awood iyo qabwayni, Waxay ka dhigantahay inaad dareentid sidi inaad tahay mid aad u sarreeya, iyo in qofka kaa soo horjeedaa u arko inay tahay Calaamad ama fariin aad ugu muujinayso hanjabaad iyo awood aad is bidayso!

Waxa uu midabada kale kaga duwan gaar ahaan markay timaado arimaha Diplomacy-da iyo kulamada Madaxwaynaasha Ama Madaxda kale dhex mara inay tahay mid ay ku muujinayaan heerkooga awoodeed iyo inay tahay fariin is muujin ah oo ay u tilmaamayaan dhigiisa midba midka kale

Qarniyadii hore iyo halka Marada Cas isticmaalkeedu kaga jiray

1) Intii lagu guda jiray cahdigii ugu horeeyay ee boqortooyadii Shiinaha, boqorkii la odhan Emperor Qin Shi Huang ayaa mashaariicihii u horeyay ee uu qaybtay waxa qayb ka ahayd Dhismaha darbigii waynaa ee casaa iyo inuu unkay ciidamo khaas u ahaa oo gaadhayay 6,000 (terra-cotta), ujeedka Ciidankaasi waxa uu Boqorkaasi uga dan lahaa inay waardiyeeyaan Maydkiisa hadhaw, arinka layaabka leh ayaa ahaa in dhamaan Ciidankaasi ay Qoorta ku xidhnaayeen maryo Casaan ah, taas oo Boqorku ku muujinayay awood dheeraad ah oo uu isbidayay ( baadhis lagu sameeyay aasaartii uu Boqorkaasi ka tagay oo xilli danbe la helay ayaa ayiday arintaas, sawirka hoose eeg)

2) 300 Sano kadib burburkii Boqortooyadii Roman-ka ayaa iyana lagu ogaaday in Boqorkii la odhan jiray Trajan in Ciidamadii Boqortooyada ee xilligiisii uu Qoorta ugu xidhay maryo Casaan ah, isagoo ku muujinayay awooda Boqortooyadiisa

3) Markale Boqortooyo soo martay Dalka Croatia ayaa Ciidankeeda oo muddo 30 Sano ku dhaw Dagaal ku jiray ayaa waxay Qoorta ku xidhan jireen maryo Casaan ah oo qaabka Tie-ga u eeg, iyadoo ay uga dhigneed awood muujin( Eeg Sawirka Hoose)

4) Xilli ku siman Qarnigii 17aad waxa qaabkaas oo kale sameeyay oo isticmaalay Maro Cas oo Qoorta uu ku xidho Boqorkii France-ka ahaa ee la odhan jiray Louis XIV

5) Laga soo bilaabo 1829 xidhashada Marada Cas ee Qoorta lagu xidhaa waxay soo martay habab kala gaddisan waxaanay noqotay Tie ay xidhaan dadka Maalqabeenada, Siyaasiyiinta, Madaxwaynaasha iyo cid kasta oo lagu sheegi karo tilmaanta ah (Upper Class) ay xidhato

6) Xilligan casriga ah waxa caan ku ah xidhashada Tie-ga Cas Madaxayanaha Dalka ugu awooda Aduunka ee Maraykanka, Donald J. Trump, Mr. Trump oo inta badan jecel inuu muujiyo awood maquunin ah oo uu ku liido hadba cidii kasoo horjeeda isaga ayaa Ololihiisi u isticmaalay halkudhig awood badan ahaa โ€œMake America Great Againโ€ isagoo tayga Cas iyo awood Dhaqaalaba aaminsan tan iyo intii uu kuso jiray Ganacsigiisa aadka u hana qaaday.

Wallstreet and PsychologyToday Journals.