Xoqado Xannuunka iyo Maarayntooda: Q.3aad (WQ: Dr- Abdikarim D Hassan)

Qalliinka Xoqadaha:

Dad badan oo ama iyagu qaba xannuunka Xoqadaha, ama cid ka tirsan ehelkoodu ay qabto ayaan xog fiican ka hayn Marka ay tahay in qaliin lagu sameeyo Xoqadaha oo la jaro. Waxa kale oo ay u baahan yihiin in wax looga iftiimiyo sida Qaliinkaas loo sameeyo, Qaliinku se ma u bogsiin doonaa Xoqado xannuunka si dhamaystiran. Suโ€™aalahan ayaan kaga jawaabi doonaa qormadan saddexaad ee kusaabsan Xoqado-xannuunka iyo Maarayntooda.

Goorma ayaa Qalliin lagu jari karaa Xoqadaha?

Qalliinka lagu jaro Xoqadaha waxa loo yaqaan Tonsillectomy. Inkastoo qaliinkan samayntiisu hoos u dhacay labaatankii sano ee u danbeeyay hadana wali waa mid ka midd ah tobanka qaliin ee ugu badan ee la sameeyo dunida.
Sababaha Qaliinka Xoqodaha loo samayn karo waxa ugu muhiimsan oo la isku raacsan yahay kuwan hoos aanku xusay:

1. Xoqado-xannuunku in uu qofka awood darro gaadhsiiyo (disabling and disturb normal physical functioning) oo ay qofka ka horjoogsadaan nolol dabiici ah.

Tusaale:
โ€ข Marka Xoqaduhu ballaadhaan ee ay cidhiidhi geliyaan hawo qaadashada, hadii ay sababaan hurdo laโ€™aan.
โ€ข Hadii qofku cuntayn kari waayo xannuunka ama xajmiga Xoqadaha dartood iyo ugu danbayn hadii ay saamayn ku yeeshaan garaaca wadna.

2. Xoqado-Xannuun soo noqday todoba goor sanad gudihii. Soo noqoshadooda waa in si dhab ah dhakhtar u xaqiijiyay, una daweeyay.

3. Xoqado-Xannuun soo noqday shan goor sanad kasta, labadii sano ee ugu danbeeyay; waana in si dhab ah dhakhtar u xaqiijiyo una daweeyay

4. Xoqado-Xannuun soo noqday sadex goor sanad kasta, sadexdii sano ee ugu danbeeyay; si dhab ah dhakhtar u xaqiijiyay una daweeyay.

5. Hadii dheecaan ku ururo Xoqadaha ama hareerahooda laguna dawayn kari waayo dawooyinka antibiotic-ga.
6. Hadii dareenka Dhadhamada ee qofku isbedelo, ama ay xumaato Urta afku oo la hubo in xoqado xannuunku sababeen.

7. Hadii laga shakiyo xannuun kale oo aan ahayn infakshan, sida Kansar oo loo baahdo in cad yar laga jaro Xoqadaha si loo shaybaadh, markan waa lawada jari doonaa Xoqodaha.

Bukaanka aan buuxinin shuruudaha Qalliinka waxa fiican in mudo lixbilood ah la sugo iyadoo isla markaana si mug leh loola soconayo xaaladooda.

Noocyada Qalliinka Xoqadaha:

Dariiqada ugu caansan ee inta badan lagu sameeyo wadama soo koraya waa (Cold Steel Tonsillectomy). Habkani waa in Qanjidhka Xoqada mindi lagu saafo kadibna dhiiga lagu joojiyo tolid meeshii qodobo lagu xidhaayo.

Hab kale ayaa ah in la adeegsado kul laga dhaliyay danabka laydhka oo aad u sareeya (Diathermy) oo toos loogu gubayo Xoqadaha. Qalliinka noocan ah wuxuu u fiican yahay yaraynta Dhiig-baxa iyo ka hortaga Infakshanka nabarada.

Waxa sidoo kale la adeegsadaa habab kale oo lagu jaro Xoqadaha iyadoo la adeegsanayo aalado kala duwan.

Faaโ€™iido Intee leโ€™eg ayay Leedahay Qalliinka Xoqaduhu?

Cilmi baadhis lagu faafiyay Website-ka caanka (cochrane.org) ah ee lagu soo bandhigo Cilmi-baadhisaha caafimaadka taasi oo soo koobaysa gorfayn lagu sameeyay todoba cilmi baadhisood oo dhamaantood qiimeeyay Faaโ€™iidada qallinka Xoqadaha ayaa
waxay kusoo biyo shubanaysaa sidan:

1. Qalliinka Xoqaduhu wuxuu faaโ€™iido wax ku ool ah u leeyahay dadka marka hore xoqaduhu aad u bukeen ee ay noloshooda wax yeelo wayn gaadhsiiyeen.

2. Ta labaad,waxay faaโ€™iido wayn u leeyihiin dadka qaba xannuunada hoos udhiga difaaha jidhka, iyo kuwa qaba xannuunda wadna.

3. Dadka xoqado xannuunku aanu ku badnayn ama si fudud uga bogsan kara, ama aanayn faro geli wayn ku lahayn noloshooda waxaa u fiican in aanay ku degdegin Qalliinta Xoqodaha.

Qaybta afraad waxaan kaga hadli doonaa waxa la fili karo qalliinka ka dib, cuntada la cuni karo iyo waxyaalaha ay tahay in layska dhowro.

https://onlinelibrary.wiley.com/doi/abs/10.1002/lary.5541121404